Home Blog Page 30

DAGAALLO AAD U CULUS OO DULEEDKA LAASCAANOOD KA SOCDA

war deg deg

Dagaal culus oo aan noociisa horey loo arag ayaa saaka abaara 4 saac ka bilowday dhamaan jiidaha ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Maamulka SSC – Khaatumo iyo kuwa Somaliland ee duleedka Magaalada Laascaanood.

Dagaalku wuxuu xoog uga socda Aagga Maraaga, Jabka Qoriga ee dhinaca bari magaaladda iyo Boholaha Xargaga.

Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamadda Xaq u dirirka ah ee SSC Khaatumo oo dhulkoodda difaacanaya iyo kuwa Somaliland.

HADAFKEENA DULQAAD, ADKEYSI, DEDAAL, NAF IYO MAAL BAAN KU GAARAYNAA

soodhoweyn garaad jaamac g cali3

Dagaalku waa istaraatijayad oo waa in meesha aad difaacayso iyo meesha aad weeraraysaaba ay guusha wax ku kordhinaysaa. Waa in qorshaha iyo natiijada dagaal aysan noqon in dad badan la laayo, balse ay noqoto in cadawga GOOBO lagaga adkaado, lagana kiciyo dhul muhim ah.

Waa run, dagaalku waa waxa ugu adag ee Insaanku galo, waana arrin nolol iyo geeri ah, sida uu San Tzu sheegayna “guushu waa in ay degdeg u dhacdaa, sababtoo ah haddii dagaalku daba dheeraado wax badan oo duruufo ah ayaa soo baxaya, kuwaasoo Moralka iyo awoodda ciidamadaba wax yeeli kara”.

Saaas darteed, waa arrin gar ah in dad badani dhalliil iyo su’aalo badanba ka keenaan sida wax u socdeen muddo, waana sababta aynu maamul ugu baahanay. Midse waa in la ogaadaa, dagaalka aynu ku jirno waxaynu u galnay si kediso ah oo laynagu kelifay, waana ku qasbannahay inaan duruufo badan la tacaalno.

Guushuna waxay raacaysaa kuwa sabirka badan, kuwa xaqa leh, kuwa dhimashada oggol, kuwa midnamadooda ilaaliya, kuwa ay ka dhabtahay in ay RUN u gaadhaan hadafkooda. Kuwaasi waa inaga, daalimiinta Somaliland iyo maleeshiyadoodu in ay jabayaana waa bar ku taal.

Ugu danbayn, Waxaynu rabno waa inaynan hal ilbidhiqsi lumin si uu cadawga ugu diido in ay dhufays kaga sii jiraan dhulkeena. Mooryaantaasna waa in aynu iyagoo gudub u yaal is dhaafinaa, waa cadaw xun oo aan mudnayn in ay dhulkan Barakaysan sii fasahaadiyaan.

Caawiye Indhataag.

GUUL IYO GOBANIMO SSC-KHAATUMO.

RUUSHKA OO CADEEYEY IN HOGAAMIYIHII WAGNER KU DHINTAY DIYAARAD BURBURTAY

Yevgeny Prigozhin wagner russia

Madaxii kooxda Wagner Yevgeny Prigozhin, ayaa la sheegay inuu ku jiray liiska rakaabka diyaarad ku burburtay Ruushka, oo ay ku dhinteen dhammaanba 10-kii qof ee saarnaa, sida ay sheegtay waaxda duulista hawada ee Ruushka.

Goor sii horreysay, barta Telegram ee Grey Zone oo lala xiriiriyo Wagner ayaa shaacisay in diyaaradda ay difaaca cirka ku soo rideen gobolka Tver, oo waqooyi ka xiga Moscow Prigozhinna uu halkaa ku dhintay.

Grey Zone ayaa sheegtay, in dadka deegaanka ay maqleen dhawaq kahor burburka diyaaradda, ayna arkeen qiiq hawada isku shareeray.

Dad badan oo uu kamid yahay agaasimaha CIA William Burns, ayaa dhacdadan ku tilmaamay aargoosi balse midna arrimahan ma caddeynayaan, dabcan, in Prigozhin iyo asxaabtiisa si ula kac ah loo beegsaday.

Laakiin iyada oo aanay jirin cid si madax bannaan u xaqijin karta dhimashada Prigozhin saacaddan la taagan yahay ayay falanqeeyayaasha qaar waxay ku baaqayaan in la taxaddaro.

MADAXWEYNE PUTIN OO SHAQADA KA ERYEY GENERAL SUROVIKIN

vladimir putin

Mid ka mid ah saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Ruushka oo lagu magacaabo Sergei Surovikin ayaa lagu soo waramayaa in uu xilkiisa ku waayay taliyaha ciidamada cirka kadib todobaadyo la isla dhex marayay in laga waayay indhaha shacabka.

Wakaalada Ria Novosti ayaa sheegtay in xilka laga qaaday, iyadoo soo xiganeysa ilo xog ogaal ah.

Muddo dhowr bilood ah Jeneraal Surovikin waxa uu masuul ka ahaa duulaanka buuxa ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine balse lama arag tan iyo intii uu socday kacdoonkii Wagner bishii June.

Kormeerayaashu waxay rumeysan yihiin in xil ka qaadistiisu ay lug ku leedahay kacdoonkii burburay.

Mid ka mid ah warbixinnada Ruushka ayaa laga soo xigtay ilo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga in shaqada looga eryay sababo la xiriira shaqo cusub oo loo beddelay oo uu hadda ku jiro fasax gaaban.

Doorkiisa madaxa ciidamada hawada waxaa la wareegay taliyaha ciidamada cirka Jeneraal Viktor Afzalov, Ria Novosti.

CIIDAMADA MAAMULKA SSC-KHAATUMO OO JABWEYN GAARSIIYEY CIIDAMADA SOMALILAND

ciidamada jamaahiirta ssc2

Dagaallo culus oo maanta duleedka Laascaanood ku dhexmaray Ciidamadda maamulka SSC-Khaatumo iyo kuwo Somaliland, kaas oo laysu adeegsaday hubna noocyaddiisa kala duwan.

Dagaalka oo qoraxda u dhacday waa guullo waaweyn ka soo hooyey Ciidamadda maamulka SSC-Khaatumo oo saldhigyo hor leh kala wareegay kuwa Somaliland gaar ahaan Aagga Maraaga, sidoo kale waxay xaqiijinayaan inay gaarsiiyeen Khasaare naf iyo maalba leh.

HAWEENAY 7 CARUUR AH DISHAY OO XABSI DAAIN LAGU XUKUMAY

Lucy Letby 7caruur dishay uk

Garsoore ku sugan dalka Britain ayaa kalkaaliso caafimaad ku xukumay xabsi daa’in, kadib markii lagu helay inay dishay 7 caruur ah, isla markaana ay isku dayday in ay disho lix kale oo ku jirtay cisbitaal ay ka shaqaynaysay.

Lucy Letby ayaa noqotay dilaaga carruurta ugu badan ee taariikhda casriga ah ee Ingiriiska. Garsooraha maxkamadda Manchester Crown, Justice Goss, ayaa sheegay in ay ku dhaqaaqday hab gabi ahaanba liddi ku ah dareenka caadiga ah ee daryeelka dhallaanka.

Waxa uu sheegay in ay marar badan been sheegtay, isla markaana saamaynta dembiyadeedu ay tahay mid aad u weyn. Letby waxay diiday inay timaado maxkamada si ay u dhageysato xukunka.

Raiisel wasaaraha Ingiriiska, Rishi Sunak, ayaa u sheegay BBC in dowladdu ay ka fiirsaneyso inay beddesho sharciga si dambiilayaashu ay uga soo muuqdaan dacwad dhageysiga noocan oo kale ah.

SAWIRRO MADAXWEYNAHA KHAATUMO OO KORMEERAY FURIMAHA CIIDAMADA

madaxweynaha ssc khaatumo kormeer 11

Madaxwaynaha SSC-Khaatumo C/Qaadir Awcali Axmed iyo Gudoomiyaha golaha dhexe ee SSC-Khaatumo Jaamac Yaasiin Warsame, oo ay weheliyaan, Hogaamiyihii Hore Maamulka SSC Khaatumo Jamaal Xaaji Cali, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Maayarka degmada Laascaanood.

C/Raxiin Cali Ismaaciil qaar ka mid ah Xildhibaanaha golaha dhexe, Saraakiisa sare ee SSC-Khaatumo ayaa kormeer shaqo iyo dhiirigelin ugu tegey Halgamayaasha ku jira furimaha hore ee ay isku horadhiyaan Ciidamada SSC-Khaatumo iyo cadowga argagaxisada Somaliland.

Madaxwaynaha ayaa ku dhiirigeliyey Halgamayaasha SSC-Khaatumo inay sii laba jibaaraan difaacood ay ku ilaalinayaan sharafta Diinta, Dalka iyo Dadkooda.

GABADH SOMAALIYEED OO NOQOTAY GABYAAGA DENMARK EE SANADKA

gabyaayad Amina Elmi

Gabadhaan Soomaaliyeed oo iyada oo yar la geeyay Denmark laguna magacaabo Amina Elmi, ayaa bishaan August waxay markeedii ugu horeysay soo bandhigtay suugaan ka hadlaysa, cadaawadda, cuqdada, carada, jacaylka iyo hilowga intaba. Magaca la isku yiraahdo guud ahaan gabayadaan ayaa ah Barbar. Markii ugu horeysay ayay suugaanteeda soo bandhigtay, waxayna noqotay gabyaaga sanadka ee Denmark.

Mar ay la hadlaysay warbaahinta ayay tiri “Waxaan nafteyda u sheegaa inaan ‘falaagoobayo'”.

Qisada gabayada Amina ayaa salka ku haysaa isku xirka dhaqanka lumay ee qoyskeedu hiddaha u lahaayeen, oo dabcan ah kan Soomaalida iyo kan ay hadda ku sugan tahay ee waddankkeeda labaad. Gabayadeeda ayaa qeexa xanuunka waxa lumay, ayaysan mararka qaar cabiri karin erayadu oo aysan jirin luuqad ay ku tirin karto erayo ka turjumaya dareenkaas.

Amina ayaa qayb ka noqoneysa gabdho badan oo Soomaaliyeed oo ku barbaraay qurbaha qaarkoodna ku dhashen oo guulo ka gaaray tartamo ay galeen.

Waa tuma Amina?

Amina Cilmi waa gabar Soomaaliyad oo heysata dhalashada Denmark. Waxaa la geeyay waddanka Denmark iyada oo saddex jir ah sanadku markuu ahaa 1998 dii. waxayna ku dhalatay Soomaaliya sanadkii 1994 tii.

Iyada, hooyadeed iyo shan walaalaheed ah ayaa gaaray waddanka Denmark. Amina ayaa ah ilmaha labaad ee ugu qoyskeeda.

Aabahood wuxuu uga daba yimid waddanka dhawr sano kadib markii ay iyagu gaareen. Waxay ku soo koreen magaalo lagu magacaabo Aalborg, balse waxay maalin walba bas u raaci jireen caryyrta qoysku degma kale oo lagu magacaabo Hasseris, si ay waxbarashada u tagaan.

Markii ay dhameysay dugsiga sare waxay barashada af Ingiriiska u gashay jaamacadda Aalborg University.

Sida ay sameeyaan badanaaa waalidiinta Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, Amina iyo walaaleheed waxaa la geeyayay dugsi quraan la’aado labada maalin ee fasaxa ah todobaad walba, ee aysan jirin waxbarashada maadiga ah. Halkaas ayaana u noqotay meel ay ka hesho bilwga waxbarashada diinta.

Sanadkii 2017 kii ayaa Amina waxay mid kamid ah bogaga warbaahinta Denmark waxay ku qortay, qoraal ay ku difaacaywo in gabdhah muslimiinta ah ee reer Denmark ay xaq u leeyihiin in ay xijaabtaan.

Kadib dhimashadii aabaheed Aamina waxay wajahday xaalad dhib badan oo shaqsiyadeed. Wixii xilligaas ka dambeeyay waxay bilowday inay si qoto dheer u barato diinta si iskeed ah.

Markii ay gaartay da’da 23 ayay u guurtay magaalada Copenhegan ee caasimadda Denmark iyada oo halkaas ka shaqo bilowday, sidoo kalana qayb ka noqotay bulsho muslim ah oo ku xiran masaajidka The Mariam.

Micnaha magaca barbar

Magaca ay suugeenteed u xulatay Amina ayaa ah mid ka soo Giriigga, gaar ahaan giriiggii duqa ahaa. Waxay ugu yeeri jireen dadka aan sida fiican u aqoon luuqadda Giriigga ‘Barbarians’ maadaama ay ku hadli jireen luuqad aan si wanaagsan loo fahmayn. Sidoo kale ereyga ayaa loo yaqaan dadka aan naxariista badan lahayn.

WAA KUMA SHEEGOW IYO DERAJADIISA LAGU MURANSAN YAHAY

Sheegow Axmed Cali

Dagaal culus oo u dhaxeeyay booliiska iyo maleeshiyo uu hoggaaminayay sarkaal hore ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Booliiska ayaa sheegay in maleeshiyadan ay dadka rayidka ah ku dhacayeen magaalada.

Dagaalka oo qarxay xalay saqdii dhexe ayaa socday ilaa saakay, waxaana ku dhintay hal sarkaal iyo labo ka tirsanaa maleeshiyada oo uu hoggaaminayay Sheegow Axmed Cali.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay howlgal lagu hagaajinayo amniga caasimadda.

Xaaladda ayaa hataan deggan kadib markii ciidamada dowladda ay gacanta kusoo dhigeen hoggaamiyihii ciidankaaasi sida ay sheegeen laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir, waxaana jira khasaare soo gaaray labada dhinac ee uu dagaalku dhex maray.

Muddo sanado ah waddooyinka magaalada Muqdisho waxaa dhoobnaan jiray rag aad u hubeysan – badankood kama mid ahayn ciidamada Soomaaliya amaba booliiska.

Dhawaqa rasaastu wuxuu ahaa mid caadi ah mararka qaarna rayidka ayaa ku dhiman jiray markii rasaas loo rido si loo kala yareeyo ciriiriga waddooyinka.

Balse arrimaha ayaa haatan is beddelaya. Madxaweynaha ayaa mamnuucay in hub culus lagu dhex wato waddooyinka wuxuuna doonayaa in la hagaajiyo amniga.

Haddaba waa kuma Sheegow?

Baraha bulshada ee Soomaalida ayaa si weyn looga hadal hayaa Sheegow Axmed Cali oo ah ninka ay ciidamadiisu foodda is dareen ciidamada ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo dad qaar ay rumeysanyihiin in qudhiisu uu ka tirsanyahay ciidamada dowladda.

Haddaba si aan wax badan uga ogaanno xaqiiqada darajada Sheegow iyo kamid ahaanshaha dowladda ee lagu tumayo ayaan qadka taleefanka kula xiriirnay, Afhayeenka ciidanka Booliiska, Saddiiq Aadan Cali Doodishe iyo Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo ah nin muddo badan lasoo shaqeeyay ciidamada dowladda isla markaana ka faallooda arrimaha ciidamada.

Doodishe oo aan ka weydiinnay in uu iftiimo darajada Janaraalka ee Sheegow ayaa yiri “Sheegow waxa uu horraan ka tirsanaa ciidamada dowladda waxa uuna haystay darajada Kabtanka [Captain], ma ahayn Janaraal balse waxa uu xiran jiray dareyska Janaraalnimo”.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya ayaa goor sii horreysay baaritaan ku sameysay ninkan, waxana la ogaaday in uu markaasi dowladda ugu diiwaan gashanaa darajada kabtan-nimo, iyadoo ugu dambeyn guud ahaanba ciidamada dowladda laga saaray”.

Sheegow ayaa haatan haysta ciidamo dhowr ah oo aan kamid ahayn ciidamada dowladda balse isaga ka amar qaata, iyadoo ciidamadiisa ay haatan dhaliyeen dagaalkan sida la sheegay kaddib markii ay dhac u geysteen shacabka degmada taasina ay keentay in ciidamada amniga ee muqdisho ay soo daba galaan dagaalkana halkaasi uu ka qarxo.

Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo ah nin muddo badan lasoo shaqeeyay ciidamada dowladda ayaa sharraxaya halka uu markiisi hore Sheegow kagasoo biiray ciidamada dowladda, isagoo yiri “Sheegow waxa uu kasoo baxday kooxda Al-shabaab sanadkii 2014-kii isagoo xilligaasi ku sugnaa Shabeellaha hoose dhinaca Janaale iyo Bariirre, halkaas oo u qaabilsanaa kooxdaasi aruurinta lacagaha, waxaa la sheegaa in ay isku dheceen isaga iyo hoggaamiyaashii Shabaab ee halkaasi, taasi oo keentay in uu kasoo baxsado isla markaana iskusoo dhiibo dowladda”.

Korneyl Macow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Sheegow waxa uu sidaasi uga mid noqday ciidamada millitariga isaga oo la siiyay darajada Kabtanka, mana jiro ogaanteyda ciidan uu xukumo oo uu taliye u yahay” ayuu yiri Korneyl Macow.

Korneyl Macow ayaa sidoo kale xusay darajada Sheegow isagoo yiri “Sheegow ma ahan Janaraal ka diiwan gashay dowladda ee isaga ayaa xirtay waana sababta ay dadku ugu wareersanyihiin darajiisa oo muran badan dhalisay”.

HAWEENAY SUMEYN RABTAY DONALD TRUMPH OO 22 SANO LAGU XUKUMAY

Pascale Ferrier trumph sumeyn rabtay

Haweeney u dhalatay dalka Canada balse ku nool Mareykanka, ayaa waxaa la xukumay 22 sano oo xabsi ah kaddib markii warqado ku xardhan sun ay u dirtay dad uu kamid yahay Donald Trump xiligii uu hayay xilka madaxtinimo ee waddanka Mareykanka.

Pascale Ferrier, oo 56 sano jir ah, ayaa xukunka ogolaatay bishii February kadib markii ay ogolaatay eedo loo soo jeediyay.

Baqshadda oo suntana ku jirtay ayaa gacanta lagu soo dhigay bishii Septembar ee sanadkii 2020-kii, ka hor intaan loo sii gudbin aqalka cad.

Ferrier ayaa maxkamadda u sheegtay inay ka qoomameyneyso in qorshaheeda uusan guuleysan.

FBI-da Mareykanka ayaa faraheeda ka helay baqshaddda loo siday Trump.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY