Alle ha u naxariistee waxaa maanta Aas Qaran loo sameeyey Shahiid Abwaan Jaamac Kadiye oo shalay ay Jamhadda Argagixisada SNM ee uu hogaamiyo dhiigyo-cab Muuse Biixi Cabdi ku dileen madaafiic ay ku garaaceen Magaallo Madaxda Maamulka SSC Khaatumo ee Laascaanood.
Aaska Marxuumka oo ka dhacay degaanka Gambadhe waxaa ka qaybgalay bulshadda qaybaheeda kala duwan.
Allah ha unaxariistee waxaa maanta magaalada Tukaraq Aas weyn loogu sameeyey Caaqil CabdiSalaan Muse Deri, sido kale waxa loogu duceeyay (Amiir Digaale maxamed miire) oo 2 maalmood ka hor ku dhintay duqaymaha ay maleeshiyadda Muuse Biixi Magaaladda Laascaanood ka wadaan.
Labada marxuunba waxa uu tacsiyeey Garaadada, Cuqasha iyo Madax-Dhaqameedka SSC-KHAATUMO) waxayna illaahay uga Baryeen inuu u naxariiste.
Aqoonta iyo farsamada ay Soomaalidu gaarka u lahayd waxay soo taxnayd muddo dheer.
Dharka Alindiga waa dhar Soomaalida oo kaliya ay dhaqan u leeyihiin sida loo sameeyo. Qarniyaal ayuu farsamadan jiilba jiil u gudbinayey, waxaana inta la ogyahay taariikhda la isticmaali jiray tan iyo xilligii badmareenkii Ibnu Batuuta, waxaana Alindiga lagu sameeyaa koofurta Soomaaliya oo kaliya.
Soomaaliya ka sokow waxaa xilliyadii sii horreeyey loo dhoofin jiray sida taariikhda lagu hayo jasiiradda carabta, Beershiya iyo dalalkii ay Soomaalidu xiriirka ganacsi la lahaan jirtay ee ay ku jiraan kuwa kuklaala gacanka Cadmeed.
Qarnigii 18aad iyo kii 19aad waxaa dunta laga sameeyo dharka alindiga laga keeni jiray Hindiya.
Waxyaabaha laga sameeyo waxaa ka mid ah shaararka, macawisyada, koofiyadaha, cimaamadaha iyo duruucda oo ah dharkii la xiran jiran ka hor xilligii gumaysiga, intii aysan Soomaalidu baran xirashada saraawiisha iyo funaanadaha, inkastoo hadda la sameeyo saraawiisha mararka qaar.
Cali Cismaan Faarax wuxu ka mid yahay dadka tirada yar ee ilaa hadda ku shaqaysta samaynta Alindiga. Wuxuu bilaabay 1996kii, wuxuuna farsamadan ka bartay nin ay ilmo adeer yihiin.
Sheyga ugu muhiimsan ee dharkaas gacanta lagu sameeyo laga sameyo waa dunta harqaanka. Qarniyaal ka hor waxaa culays weyn uu ka jiray helitaanka duntaas oo laga keeni jiray dibadda.
“Duntaas ayaa la dhiririyaa, ka dibna waa xirxiraa, markaas ayaa farsamada la bilaabaa” ayuu yiri Cali. Wuxuu intaa ku daray in qalabka loo isticmaalo farsamada Alindiga uu yahay mid “gacan ku samays ah” oo ay iyagu isku xirxirteen, ayagoo ku sameeya guryaha dhexdooda.
Farsamada
“Dadka sameeya waxay u badan yihiin rag, laakinse dumarna way ku jiraan oo way caawiyaan” ayuu yiri Cali Cismaan Faarax.
“Dadka way kala gacan fudud yihiin, qof ayaa soo saari kara shan xabbo, qof ayaa soo saari kara 14 xabbo” ayuu yiri Cali Cismaan Faarax. Cali wuxuu intaa ku daray in lix qof ay uga shaqeeyaan goobta ay dharka alindiga ku sameeyaan ooku taalla degmada Xamar weyne.
“Ugu yaraan 3 saacadood ama 4 sacadood ayey qaadanaysaa in lagu sameeyo hal shey” ayuu Yiri Cali oo ka hadlayey wakhtiga galaya in hal shey la soo saaro, laakinse dharka maryaha waaweyn ka samaysan sida macawisyada ayuu sheegay in ay wakhti badan qaataan. Taariikhdu waxay sheegaysaa in qarniyaal ka hor, dadka alindiga sameeya uu qofkiiba labo shey soo saari jiray.
Suuqa ay haystaan
Cali wuxuu sheegay in ay haystaan suuq iyaga uun ku filan laakinse aan ahayn heer wanaagsan. Wuxuu BBC u sheegay in gudaha ka sokow dharka ay sameeyaan loo qaado dibadda oo dalabaad ay ka helaan.
Dalalka deriska la ah Soomaaliya qaarkood ayuu sheegay in dharkaas loo qaado.
Kuwa gudaha loo iibsado ayuu sheegay in loo isticmaalo in dadku ay ku labistaan xilliyada xafladaha ama ciidaha.
Qoraalka sawirka,Farsamayaqaannada Alindiga
Caqabadaha
Caqabadda ugu weyn ee aysan tiro badan oo dhar ah u soo saari karin ayuu Cali Cismaan ku tilmaamay inay tahay qalabka ay haystaan oo ah mid gacanta lagu sameeyey, ayna adag tahay in la soo raro.
Arin kale oo ka mid ah caqabadaha haysta wuxuu ku tilmaamay “Meelaha fiyaalaha ah ama duakaamada waddooyinka waaweyn saaran kiradooda ayaa qaali ah” ayu yiri Cali oo wax laga weydiiyey sababata aysan dharka u geyn karin carwooyinka ama dukaamada waaweyn.
Qiimaha lagu gado midka ugu badan dharka alindiga waxaa la iibiyaa 15 Doollar, taasna waa caqabad kale oo keenaysa in aysan ka samayn karin faa’iido badan ama dadku inay ka doorbidaan dhar kale oo ka raqiisan. Sidaasoo ay tahay Cali wuxuu sheegay in ay nolol meelmeedkooda ka helaan.
Mustaqbalka
Dadka alindiga sameeya iyo meelaha lagu sameeyo ma badna, waxaase dadka dharkan xiiseeya iyo kuwa farsameeyaba ay danaynayaan in la daba qabto.
Sida lagu daba qaban karo ayuu sheegay mid ka mid ah dadkaas inay tahay in maamulladu ay dhiiri galiyaan soo saarista iyo suuq geynta dharka alindiga ee guaha dalka lagu sameeyo, iyo in dhallinyarada lagu dhiirri galiyo inay xirtaan sida dalalka kaleba dadkoodu ay u xirtaan dharka ay dhaqanka u leeyihiin.
Waxaa hambalyo iyo bogaadin mudan Xoogagga garxajis ee Buurta Gacan Libaax ee sida fiican isaga difaacay maleeshiyadda Muuse Biixi ee doonayey inay sidii 11.08.2022 dumarkooda iyo caruurtooda u xasuuqaan, waxaa yaab mudan qofka Askariga daalinka ah ee dhiiga doonayey in maydkiisa madaha laysaga taago ka xun, ee aan ka hadlin dumarkii cowradooda suuqa la soo dhigay ee NAASAHA laga laadayey, waa munaafaq ciilqabe ah oo xaqa iyo ilaahay ka fogaaday.
Waxaan Ciidamadda Beelweynta Garxajis u cadeynaynaa inay waajibkooda ka gutaan horgalkii aan JEEGAANTA ahayn ee laydiin soo kiraysto, Horgaladda SSC-Khaatumo ee Yaasiin Faratoon u weyn yahay haddii laydiin soo fuullo ama degaamadiina idiinku yimaadaan waad u fasaxan tihiin inaad waajibaadkiina ka gudataan noloshooda iyo meydkooda, BEESHA GABOOYE waxaan leenahay wiilkiinu tabliiq ma ahayn ee wuxuu sitay qori uu doonayey inuu ku dilo kii nafta dhaafiyey ee weliba afka iskaga taagay, calooshiisa u shaqeyste Reer u shaqeynaya oo reer kale ku duulaan ah buu ahaa, mana istaahilo xaalmarin.
Madax-dhaqameedka Habarjeclo ee nabada ka hadlaya jawaabtoodii GARAAD JAAMAC GARAAD CALI baa siiyey, taladiinii iyo xumeyntiinii weeye waxa Somaliland iyo SSC Khaatumo ka socdaa, dhex ma noqon kartaan, cidina idiin aamini meyso, HABARJECLOOY HANJABAADDA AAD JEEDINAYSAA IYO ITAALKIINA GOOJACADE KEENA AMA DHULBAHANTE LA SUGA, HARTI WUXUU GARXAJIS WEYNE U BALANQAADAYAA INAAN DAGAALKU NOQON DOONIN JEEGAANTA IYO GARXAJIS, BALSE UU KA HOLCI DOONO DHAMAAN DEGAAMADA JEEGAANTA, BEESHII KALE EE SOO RAACDANA MADAXA IYO AFKA AYAA CAG LAGA SAARI DOONAA.
Ugu dambeyn waxaa Beesha Garxajis weyne ku waajiba inay la kulanka Habarjeclo iyo nabadeyntooda u mabnuucaan sidii reer SSC Khaatumo u xaaraantinimeeyeen.
Dagaalkii qorsheeysnaa ee u dhexeeya hogaamiyayaasha teknolojiyadda Elon Musk iyo Mark Zuckerberg ayaa la soo sheegayaa in Meesha uu ka dhici karaa ay tahay Talyaaniga, si gaar ah magaalada qadiimiga ah Rome.
Xogtii u danbaysay ee sheekadas, wasiirka dhaqanka ee Talyaanigu ayaa sheegay in Jimcihii in uu Mr Musk kala hadlay martigelinta bandhiggaas oo ah munaasabad samafal.
Maamulayaashan bilyaneerrada ah ee kala haysta shirkadahaTesla iyo Meta (oo hore u ahaan jirtay Facebook) ayaa midba midka kale ku xifaalaynayey in ay feertami donaan tan iyo bishii Juun.
Haddii ay sii socoto oo feerkaasi dhaco sida qorshuhu yahay, malaayiinta lacagta ah ee kasoo xaroota ayaa la qorsheynayaa in loogu deeqo isbitaallada carruurta.
Si kastaba ha ahaatee, Mr Zuckerberg ayaa sheegay in aan ilaa hadda la isku afgaran taariikhda uu dhici doono feertankaasi.
Elon, isaga oo ku sii faahfaahinaya aragtidiisa barta bulsheed ee X (oo hore loogu yiqiin Twitter), Mr Musk wuxuu sheegay in ay wada hadleen ra’iisul wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka dhaqanka labadaba, isla markaana la isku afgartay in dalkaas ay ku qabtaan maalintaas aadka loo hadal hayo.
Beeralayda qaadka ee Kenya ayaa isha ku haya hoos u dhac ku yimid iibka kadib markii ay Soomaaliya siisay Itoobiya 10 maalmood oo ay si gaar ah uga heli karto suuqa qaadka bishiiba.
Warbaahinta Nation ayaa ku warrameysa in mid kamida ganacsatada qaadka uu u sheegay in maalmo kooban amar lagu siiyay in ay joojiyaan soo dajinta qaadka.
Arrintan ayaa timid kadib markii Itoobiya, sida la sheegay ay Soomaaliya u gudbisay cabasho ku aaddan awoodda Kenya ee suuqa Qaadka Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Xasan Maxamuud uu xayiraadda qaadka ka qaaday Kenya sanadkii hore.
Guddoomiyaha ururka ganacsatada qaadka ee Maua Maxamed Quresh waxa uu sheegay in Itoobiya ay dabada ka riixayso in ay suuq u hesho maalmo qaadkeeda.
Mr Munjuri ayaa sheegay in awaamiirta ka soo baxday Soomaaliya ay ka dhigan tahay in aan wax qaad ah loo dhoofin doonin Muqdisho laga bilaabo habeenka Khamiista.
“Qorshahan laba toddobaad ka hor dowladda ayaan ku wargelinay, laakiin waxay u muuqataa in madaxda Kenya ay ka hortagi waayeen, Xaqiiqda ah in Itoobiya ay heshay maalmo ganacsi oo gaar ah oo uu si toos ah u riixay Ra’iisal Wasaarahooda, waxay muujinaysaa heerka faragelinta ee Kenya ay u baahantahay in ay muujiso. ” ayuu yiri Mr Muniuri.
Nyamita ayaa ku baaqday in si deg deg ah ay labada dal u yeeshaan wadashaqeyn laba geesood ah si loo baajiyo fulinta awaamiirta.