Home Blog Page 33

DAGAALLO ITOOBIYA KA SOCDA OO SII XOOGEYSANAYA

ethiopian army

Dagaallada ayaa sii xoogaysanaya oo ku fidaya gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya kuwaas oo u dhaxeeya maleeshiyaad deegaanka ah iyo militariga.

Dadka ku nool labada magaalo ee ugu waaweyn gobolka, caasimadda Bahirdar iyo Gonder oo ah magaalooyin taariikhi ah ayaa soo sheegaya iska horimaadyo xooggan.

Dhaqdhaqaaqayaasha iyo warbaahinta xiriirka la leh maleeshiyaadka ayaa sheegaya in ay la wareegeen qeybo ka mid ah xarunta gobolka balse waxa ay sheegayaan in ciidamo badan ay ku sugan yihiin agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada iyo xarunta TV-ga dowladda.

Duulimaadyadii saddex magaalo oo gobolka ah, oo ay ku jirto Lalibela, ayaa wali hakad ku jira. Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale sheeganaya inay maamulayaan magaalooyin dheeri ah oo ay ku jiraan qaybo badan oo ka mid ah Debrebirhan, oo ah xarun warshadeed oo 130-km waqooyi ka xigta caasimada dalka ee Addis Ababa.

BBC-da uma aysan suurtagelin in ay si madax banaan u xaqiijiso sheegashadaas balse dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaal culus uu dhacay.

GADABUURSOOW JAMHADUHU WAA FURAN YIHIIN EE GALA BUURTA GEERISA

buurta geerisa

Waxaa hambalyo iyo bogaadin mudan dhamaan Jamaahiirta Beelweynta Garxajis ee Buuraha Golis u galay xoreynta Somaliland si ay uga badbaadiyaan gacanta arxan-laaweyaasha, waxaa si gaar ah xusid u mudan Hogaamiye LIIBAAN SAMATALIS (ALCADAALA) oo naftiisa u huray inuu shacabka Garxajis ka hor leexiyo caqabadii hortaagnayd ee Cabdiraxmaan Cirro, Faysal C Waraabe iyo Gudiga Caddegude oo ku caan baxday tanaasulka doqoniinadda.

Waxaa ayaandarro ah in Beesha GADABUURSI aanay weli fahmin in waqtigii qalinka la dhaafay oo Muuse Biixi dib u furay dagaaladdii sokeeye iyo Jamhadihii, haddii aanay is hubayna ay ku dhici doonto xasuuq la mid ah kii 1991.

Gadabuursow ma jirto wax loo hamradaa, Somaliland Ciidamadeedii, sharafteedii iyo saraakiisheedii wiilal yaryar ee Jamahiirta SSC baa cunay GOOJACADE ayaa lagu aasay ee waxaa idiinku waajiba inaad dadka la simantaan ee GALA BUURTA GEERISA.

CIIDAMO KA GOOSTAY SOMALILAND OO KU BIIRAY XOOGGAGA GARXAJIS EE GACANLIBAAX

garxajis gacanlibaax2

Ciidamo hor leh oo ka soo goostay Ciidamadda Somaliland ayaa ku biiray Xoogaga Beesha Garxajis ee Buurta Gacan Libaax ku sugan.

Ciidamadan ayaa fariin u diray saaxiibadoodii ku haray Ciidamada kala duwan ee Somaliland, iyagoo ugu baaqay inay iskaga yimaadaan taliska waqtigiisu dhamaaday, kuna soo biiraan halganka dalka lagu badbaadinayo.

HAMBALYO HOGAANKA MAAMULKA SSC KHAATUMO

hogaanka fulinta ssc khaatumo

Waxaan hambalyo u diraynaa Shacabka iyo Maamulka SSC-Khaatumo, gaar ahaan hoggaamiyaha Cusub iyo Ku Xigeenka Abdulkadir Ahmed Aw-Ali (Firdhiye) iyo Mohamed Abdi Ismail (Shiine) oo manta la doortay.

Waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu u fududeeyo hawsha loo doortay.

MAXAMED CABDI ISMAACIIL (SHIINE) OO LOO DOORTAY KUXIGEENKA HOGAANKA FULINTA SSC

kuxigeen hogaanka fulinta ssc M Cabdi Ismaaciil Shiine

Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil “Shiine” ayaa loo doortay Hogaamiye kuxigeenka SSC-Khaatumo, kadib markii saacado ka hor Cabdiqaadir Axmed Cali loo doonta Hogaamiyaha Fulinta SSC Khaatumo.

CABDIQAADIR AXMED FIRDHIYE OO LOO DOORTAY HOGAAMIYAHA SSC KHAATUMO

hogaamiye ssc cabdiqaadir axmed firdhiye1

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Hoggaamiye [Madaxweyne] u doortay Cabdiqaadir Axmed Firdhiye oo heley 30 oo kamid ah Golaha-dhexe, doorasho ka socota Laascaanood.

Wuxuu hagi doonaa guud ahaan maamulka gobollada SSC iyo dagaalka kala dhexeeya Somaliland.

DAAWO JAMHAD CUSUB OO LAGAGA DHOWAAQAY CEERIGAABO

Beesha Garxajis oo ceerigabo kaga dhawaaqdey jabhad kale halkas oo ay jabhadu cudud ciidan oo aad u balaaran ay kuso bandhigtey.

LAMAANE CUNUGOODA IIBIYEY SI AY IPHONE 14 U GATAAN

iphone 14

Galbeedka gobolka Bangal ee waddanka India, ayaa dadku ka argagaxeen dhacdo ka dhacday taas oo lamaane ku noolaa gobolka ay ku kaceen, sida ay qortay warbaahinta gudaha ee dalka India.

Lamaanahaan ayaa iibiyay wiilkooda oo sideed bilood jir ahaa, si ay u iibsadaan taleefanka ay soo saarto shirkadda Apple ee nuuciisu yahay iPhone 14.

Sababta ay u doonayeen in ay helaan taleefanka ayaa lagu sheegay, in ay rabeen in ay sameeyaan muuqaalada la galiyo qaybta ‘Reels ka’ ee barta Instgram, taas oo inta badan dadku ku madadaashaan inta ay ku jiraan baraha bulshada.

Qoysaka ayaa wiilkooda siistay qiimo lacageed oo gaaray $2,400 oo doollarka Maraykanka ah.

Booliska gobolka Bengal ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan hooyadii dhashay wiilka yar oo ahayd qofkii sida dhabta ah masuulka uga hayd iibinta ilmaha. Waxaa la sheegay in ay ka soo jeedo qowmiyadda ‘Sathi’. Balse aabaha ayaa ilaa iyo hadda aan gacan lagu hayn, waxaana baadi goobaya booliska gobolka.

Sidee loo ogaaday arrintaan?

Arrintaan ayaa laga war helay kadib markii qoysaskii dariska la ahaa lamaahanahaan ay waayeen wiilka yar, haddana aysan waalidka uusan ka muuqan wax walwal ah oo ku aadan maqnaashaha cunugooda. Intaas waxaa ku sii darsamay in marar badan ay ka hadli jireen taleefanka iPhone 14, taas oo joogay lacag dhan ‘lakh’, arrintaan ayay ka shakiyeen mar kale dariskaqoyskaan, iyada oo sidoo kale ay horey u ogaayeen in dhaqaale xumo baahsan ay haystay qoyska.

Kadib markii dhawr mar su’aalo la waydiiyay haweeneyda wiilka dhashay ayay ugu dambeyn waxay qiratay in ay iibsatay wiilkeedii si ay u hesho lacag ay ku iibsato iPhone, taas u sahli lahayd in ay sameeyeen muuqaalo ka soo galiyaan barahooda bulshada, kuwaas oo muujinaya safaro kala duwan oo ay ku tagi lahaayeen qaybo kamid ah gobolka Bengal.

Arrin kale oo lagu baraarugay ayaa ah in aabaha qoyska uu sidoo kale doonayay inuu iibiyo gabar todoba sano jir ah oo uu aabaha u ahaa. Booliska ayaa bilaabay kays lamaanahaan, iyada oo hooyada wiilkeeda iibisay ay wajihi doonto eedeymo dambi la xariira ka ganacsiga aadanaha.

Booliska gobolka Bengal ayaa wali wada baaritaan dheeraad ah, iyaga oo sheegay in ay warbaahinta la wadaagi doonaan marka ay soo afjaraan.

India ayaa marar badan waxaa laga soo tabiyay kiisas kuwaan lamid ah, oo waalidiin ay doonayeen in ay iibiyaan caruurtooda si ay u helaan waxyaabo dhaldhalaal ah.

Booliska oo soo badbaadiyay wiilkii yaraa

Waxyar kadib markii arrintaan la ogaaday, booliska ayaa war bixin cusub oo helay taas oo ay ilmaha yar uga soo badbaadiyeen haweeneey dagan xaafad lagu magacaabo Khardah. Sida muuqatay, lamaanaha ayaa haweeneyda ka iibiyay wiilkooda yar. Haweeneyda laga soo helay wiilka ayaa lagu magacaabaa Priyanka Ghosh. Sidoo kale booliska ayaa iyadana soo xiray.

DHULGARIIR KA DHACAY ITOOBIYA IYO ERATARIYA

ethiopia map

Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 5.6 ayaa fiidnimadii xalay ku dhuftay waqooyiga Itoobiya iyo dalka ay deriska yihiin ee Eritrea

Ma jiro wax dhimasho iyo burbur ah oo ilaa hadda la soo sheegay.

Dhulgariirka ayaa ruxay dhowr magaalo oo ku yaalla waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya, oo ay ku jirto caasimadda, Mekelle, sida uu ku warramay TV-ga Tigrayga.

Solomon Maesho oo ah sarkaal sare oo ka tirsan mamaulka Tigrayga ayaa sheegay in dhammaan degmooyinka ku dhow xadka Eritrea laga dareemay gariirka.

Magaalada Irafalle ee dalka Erateriya, ayuu ka soo bilowday dhulgariirkaan sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Eritrea.

BEESHA GABOOYE OO KU GUULEYSTAY GKXIGEENKA2 EE GOLAHA DHEXE SSC

GKXIGEENKA2 GOLAHA DHEXE SSC

Jaamac Aadan Cismaan ayaa loo doortay gudoomiye ku xigeenka 2 aad ee shir gudoonka golaha dhexe ee SSC-Khaatumo.

Jaamac ayaa ku metelaya beelaha Madhibaan Garaad (Gabooye) oo ka mid ah dadka dega SSC-Khaatumo.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY