Home Blog Page 370

Imaaraadka oo raba inuu soo nooleeyo xiriirka DF soona bandhigay qorshe cusub

Zayed Al Nahyan uae

Kadib muddo xiriirro qabow ah, Imaaraadka Carabta ayaa hadda waxaa uu raadinayaa in uu soo jiito Soomaaliya, isagoo u soo bandhigaya in uu dib u furo isbitaaalka Sheekh Zayed ee magaaladda Muqdisho, kaasi oo la xiray laba sano ka hor.

Warbixino ayaa sheegaya in Imaaraadku uu dib u soo celinta isbitaalka ku bedelanayo in Soomaaliya ay taageerto ku luglahaansha Abu Dhabi ee Yemen. Xukuumadda Abu Dhabi waxay arrinaan soo bandhigtay markii Golaha Kala-guurka ee Koonfurta Yemen oo Imaaraadku taageero ay qabsadeen Jasiiradda Socotra ee gacanka Caden 20-kii bishii June. Imaaraadku muddo ayuu indhaha ku hayay Jasiiraddan.

“Imaaraadku waxaa uu isku deyayaa in uu dib uga mid noqdo taariikhda wanaagsan ee Soomaaliya sababo badan dartood. Sababta ugu muhiimsan waxay tahay Jasiiradda istiraatiijiga ah ee Socotra,” waxaa sidaas Al-Monitor u sheegay Maxamed Shire oo macalin ka ah Jaamacadda Portsmouth.

“Jasiiraddu waxay dhacdaa bartamaha mid ka mid ah kuwa ugu humiimsan kanaaladda ay marto saliidda caalamka, waxayna labadii sano ee lasoo dhaafay ahayd meel Imaaraadku ka ilaashado danihiisa militari iyo kuwiisa dhaqaale,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Maxamed Shire.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa uu si aan horay loo arkin hoos ugu dhacay sanadkii 2017-kii markii ay bilaabatay xasaradii gacanka Khaliijka, xilligaas oo Soomaaliya ay diiday in ay la safato Imaaraadka iyo Sucuudiga oo ka soo horjeeday dowladda Qatar, isla markaana ay qaadatay go’aan dhex-dhexaadnimo ah.

Bishii May 2018-kii, Imaaraadka ayaa iskiis uga baxay kaalmadii naf badbaadinta iyo iskaashigii military ee uu la lahaa Soomaaliya si uu cadaadis u saaro dowladda Soomaaliya, isla markaana ugu ciqaabo meesha dhex-dhexaadnimada ah ee ay  istaagtay khilaafkii Khaliijka.

Imaaraadku waxaa uu sidoo kale isku dayay in uu wiiqo saameynta Qatar iyo Turkigu ay Soomaaliya ku leeyihiin.

Intaas kadib Imaaraadku waxaa uu xiriirro adag la sameystay Puntland iyo Somaliland, iyadoo sidoo kalena taageero u fidisay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee jooga Muqdisho. Shirkadeeda DP World, waxay $442 million ku maalgelisay horumarinta dekadda magaaladda Berbera tan iyo bishii October sanadkii 2018-kii.

In ay horumariso joogitaankeeda Geeska Afrika waxay Imaaraadka ka caawin doontaa in ay la socoto ganacsiga maraya marinka istiraatiijiga ah ee Baabel Mande, oo muhiim u ah shixnadaha badda ee caalamka.

Sidoo kale tani waxay xiriir la leedahay qabsashada Imaaraadka ee qaybo ka mid ah koonfurta dalka Yemen iyo Jasiiradda Socotra – kaas oo hadda uu doonayo in uu ku yeesho joogitaan military, si uu saameyn adag ugu yeesho Gobolka.

Weli Soomaaliya waxaa la sheegay in ay cambaareyso doorka uu Imaaraadku ku leeyahay dhulka Soomaaliyeed. Waxayna Soomaaliya hor istaagtay malaayiin dollar oo loo waday Somaliland bishii April ee 2018-kii. Waxaa la weriyay in Soomaaliya ay xirtay sirdoon Imaaraadka u shaqaynayay. Taasina waxay cuuryaamineysaa ujeedka UAE ee ah in ay saameyn xoog leh ku yeelato Geeska Afrika.

Markii uu caqabadas wajahay, Imaaraadku waxaa uu arrintiisa u bedelay mowqif qushuuc badan oo huwan sawir bani’aadanimo.

“Dhaq-dhaqaaq cusub ayaa ka jira Gobolka, waana in aan fursadaas la wareegnaa si aan u sameyno xal waara oo u adeegaya danaha dowladaha gobolka, isla markaana waafaqsan waxa ay dadkoodu filayaan,” waxaa sidaas yiri wasiirku dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Anwar Gargash oo khudbad ka jeediyay Madasha Amniga Imaaraadka, bishii December sanadkii 2019-kii.

“Waxaan rumeysanahay  in qaabkaas uu ugu dambeynta door muhiim ah ka cayaari doono xasiloonida iyo horumarka ee Geeska Afrika,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Bishii Apri 14-keedi, Abu Dhabi waxay sideed tan oo gar-gaar Coronavirus ah u dirtay Muqdisho, iyadoo kaashaneysa hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Kadibana May 12-keedii, Maxamed bin Rashid Al-Makhtumi oo ah dhaxal sugaha Imaaraadka ayaa gargaar kale gaarsiiyay caasimadda Soomaaliya.

Si kastaba, taas ka sokoow, Abu Dhabi weli waxaa laga yabaa in ay ku guul darreysto Muqdisho.

“Wax walba oo ay taariikhdu na tustay waxaan ka shaki sanahay in kaalmadda bani’aanimo ee Imaaraadku  ay soo saari doonto waxa ay ku talo-gelayaan,” ayuu Maxamed Shire hadalkiisa ku daray.

Soomaaliya waxay diiday taageerada Abu Dhabi ee dib u furista isbitaalka Sheekh Zayed, waxayna cambaareysay doorka Imaaraadka ee dalka Yemen.

“Soomaaliya ma ahan qalab raqiis oo aad u isticmaaleysaan fulinta dalabkiina. Yemen waa deris iyo walaal waxayna leedahay madax-banaanideeda iyo sumcadda dadkeeda” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka jawaabay dalabka Imaaraadka. Waxuuna intaas ku daray, “Caalamku waa uu ogyahay in Socotra ay tahay dhul ay leedahay Yemen, muddo fogna waa ay ahayd,”

Wareysi uu siiyay TV-ga Al-Carabiya 9-kii June, ayuu Wasiir Cawad mar kale ku cambaareeyay dhaq-dhaqaaqa aan loo ogolaan ee DP World ay ka wado Somaliland iyo Puntland oo uu ku tilmaamay xad gudub ka dhan ah madax-banaanida Soomaaliya, isagoo ka digay in taasi ay keeni karto in uu sii xumaado xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Soomaaliya mar ayey taageeri jirtay Imaaraadka iyo xitaa xulifada Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaalama dalka Yemen, Abu Dhabi waxay si cad u dooneysaa in taas dib usoo celiso.

“Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu taageeray xulifadda Carbeed. Taas waxay u sameeyeen ogolaansho toos ah si loogu isticmaalo hawada iyo biyaha wadanka iyo dhulkaba duqaymaha ka dhanka ah dhaq-dhaqaaqa Xuutiyinta ee Yemen.”  Aqoonyahan Maxamed Shire ayaa sidaas yiri.

“Dabcan, Xasan Sheekh xiriirkii dhowaa ee uu lalahaa Imaaraadka iyo Sucuudiga oo dhaqaale lagu daray ayey ahaayeen waxa aasaasiga ah ee ku dhirigeliyay, shaki kuma jiro taas” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Turkiga iyo Qatar ayaa saameyn adag ku sameystay dowladda hadda ka jogta Soomaaliya oo uu hoggamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Muqdisho-na way isku haleyn kartaa. Sidaas darteed Imaaraadku waxaa uu u halgami doonaa in uu dhaqaale kusoo jiito Muqdisho.

“Xiriir soo celintaan dambe waxay imaaneysaa iyadoo ay soo dhowdahay doorashada Soomaaliya, waxayna noqon-kartaa kiis ay Abu Dhabi ku dooneyso in ay maamulka mustaqbalka boos ku yeelato, kaasi oo awood ku siin kara Soomaaliya,” Ayuu Cabdullahi Halakhe oo taxliiliya dowladnimada, amniga iyo nabadda Afrika u sheegay Al-Monitor.

“Si kastaba hadii ay taageeraan musharixiin kala duwan ama koox musharixiin ah – oo ay ka sameynayaan xulifo ka dhan ah madaxweynaha hadda taladda haya – waa ay radin karaan in ay boos ka sameystaan” ayuu hadalkiisa ku sii daray Halakhe.

“Iyadoo ay soo kordheyso carada ka dhanka ah joogitaanka Imaaraadka ee Jasiiradda Socotra eeYemen, Imaaraadku waxaa uu isku deyayaa in uu saameyn ku yeesho Soomaaliya si uu u xoojiyo sheegashada Jasiiradda” ayuu xusay Maxamed Shire.

“Taariikh ahaan Muqdisho si aan rasmi ahayn ayey u sheegan jirtay Jasiiradda, laakiin waxay si rasmi ah u sheegatay markii ay Soomaaliya ay 2010-kii ku dhaawaaqday aagga dhaqaalaha gaarka ah.” Ayuu yiri.

Waxaa uu Maxamed Shire hadalkiisa ku daray “ Imaaraadku waxaa uu doonayaa in uu wax ka barto xeelada qaboojinta khilaafaadka ee Ruushku tijaabiyay. Waxay doonayaan in ay taas u maraan iyagoo kordhinaya muranka Jasiiradda ee u dhaxeeya Xuutiyiinta, Golaha Kala Guurka Koonfureed ee Yemen, dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Hadi iyo Soomaaliya, iyagoo sidoo kale kordhinaya saameyntooda siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka.”

Madax Goboleedyada oo shaaciyey inaysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah

Madax goboleed-3

Shirkii Wada-tashiga ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban shan qodob, oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Qodobka ugu muhiimsan ee war-murtiyeedka madax goboleedyada dalka ayaa ah inay shaaciyeen in dalka aysan dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ku dhacda, sidaas darteed waxayna ku baaqeen in la helo hab kale.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021. 

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

WAR-MURTIYEED

Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Ahmed Maxamed Islaan ayaa waxay shir Madaxeed wadatashi ah isugu yimaadeen Magaalo Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, shirka ayaa si rasmi ah u furmay 11 July, socdayna illaa 12 July 2020.

Ugu horeyn Shirku wuxuu uga mahad celinayaa Dowladda iyo Shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta Shirka wadatashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

Madaxda Dowladaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo xoojinta geeddi socodka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

Dood iyo wada-xaajood dheer oo Shirku ka yeeshay arrimaha siyaasadda Dalka Soomaaliya, gaar ahaanna doorashooyinka hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo baxay

1. In la xoojiyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha

2. In doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo wakhtigeedii, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah.

3. Sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dalka kama dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ku dhacda, sidaas darteed waa in tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan.

4. Shirku wuxuu ku baaqayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021. Shirku wuxuu ku baaqayaa in shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhaco magaalada Dhusamareeb ee Caasumadda Galmudug.

5. Shirku wuxuu ka mahad celinayaa taageerada Beesha Caalamka ee ay la garab taagan tahay dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

=======DHAMAAD======

Dowladda Soomaaliya oo dhaqaale cusub dalbatay

beyle

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalab dhaqaale u gudbisay Bangiga horumarinta Islaamka, xili ay maanta kulan wada yeesheen Wasiirka maaliyada iyo madaxweynaha bangigaasi.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka maaliyada Soomaaliya ayaa maanta shir fogaan arag ah (Video Conference) la yeeshay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Bandar M.H. Hajjar, kaasi oo ka dalbaday lacag lagu kabo miisaaniyada Soomaaliya.

Beyle ayaa Hajjar ka dalbaday inuu dowladda Soomaaliya ka caawiyo Bangigu sidii ay uga soo kaban laheyd saameynta dhaqaale ee cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19.

Wasiirka iyo Madaxweynaha Bangiga ayaa ka wada-hadlay qaabka dowladda looga caawin karo hoos u dhaca dakhliga dalka iyo weliba saameynta dhaqaale ee Covid-19, sida uu sheegay Wasiir Beyle.

“Waxa aan maanta si ‘Maqal-Arag’ ah (Video Conference) ula shiray Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Bandar M.H. Hajjar, Waxa aan ka wada hadalnay saameynta dhaqaale ee Covid-19 iyo qaabka Bangigu uu nooga caawin karo hoos u dhaca dakhliga dalka” ayuu yiri Wasiirka maaliyada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo caalamka ah uu saameyn baaxad leh ku yeeshay dhaqaalahoodii cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday

Xasan Abshir

Ra’isu lwasaarihii hore ee Soomaaliya ee dowladdii KMG ahayd Xasan Abshir Faarax ayaa maanta ku geeriyooday dalka Turkiga sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan eheladiisa.

Allaha u naxariistee Xasan Abshir ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey dalka Turkiga halkaas oo uu ugu dambeyn maanta ku geeriyooday.

Xasan Abshir ayaa Ra’isul wasaare kasoo noqday Dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Marxuum Xasan Abshir ayaa sidoo kale waqti dheer ahaa duqa Muqdisho xiligii Kacaanka. Wuxuu kaloo soo noqday xubin Baarlamaan.

Ra’iisul Wasaare xasan Cali Kheyre oo soo saaray qoraal tacsi ah ayaa yiri “Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Ra’iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax. Waxa uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dib-u-dhiska dalkeena. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, innagana uu samir naga siiyo.”

Xalay aheyd markii uu Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu sidoo kale ku geeriyooday Maxamed Cabdi Xaashi oo ahaa Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, isla markaana kamid ahaa asaasayaashii dowlad Goboleedka Puntland.

Turkiga oo soo bandhigay qorshe cusub oo ku wajahan Liibiya

wasiirka arimaha dibada turkey

Dowladda Turkiga ayaa soo bandhigtay arrin looga baaqsan karo dagaalka Liibiya, midaasi oo uu sheegay inay aqbaleyso dowlada ay aqoonsantahay Qaramada Midoobay ee Liibiya.

Wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa si cad u sheegay in Dowladda Liibiya ay aqbaleyso xabad joojin uu xal biday, hadii uu dagaal ooge Jeneraal Khalifa Haftar uu ciidamadiisa kala baxayo gobolada dhexe iyo galbeedka dalkaasi.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiyey in dowladda wada-tashiga qaranka ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Fayez al-Sarraj ay si dhab ah uga go’an tahay inay dib u bilaaban weeraradii ka dhanka ahaa Khalifa Haftar ilaa uu gebi ahaanba ka baxayo Sirte iyo garoon diyaaradeedka Jufra, sida uu u sheegay wargeyska Financial Times ee maalinlaha ah.

Mevlut Cavusoglu ayaa sidoo kale sheegay in dowladda qaranka Liibiya iyo saraakiishooda ay ka go’antahay xabad joojin laga soo jeediyay wada-hadalladii Istanbul ee bishii lasoo dhaafay, haddii uu Haftar aqbalo shuruudooda.

Generaal Haftar oo muddooyinkii u dambeeyay wajahayey guuldarooyin badan ayaa intii dambe weeraradiisa u jiheeyay caasimada Liibiya ee Tripoli iyo qaybo kale oo waqooyi galbeed ee dalkaasi.

Weeraradaasi labada dhinaca ayaa lagu soo waramayaa inay sababeen barakaca boqolaal kun, halka ay ku naf waayeen boqolaal kale oo u badan haween iyo caruur.

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore Puntland

farmaajo5

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee madaxweynihii hore Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Dalka Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay aas-aaskii Puntland, isaga oo noqday Madaxweynihii 2-aad iyo sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyey ee hoggaamiya Puntland.

“Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda. Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan, bulshada Puntland, gaar ahaan qoyskiisa oo uu u horeeyo wiilkiisa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi iyo ehelada uu ka geeriyooday Marxuumku.

Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo geeriyooday

Marxuumka maxamed cabdi xaashi

Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

Marxuumka waxa uu ka mid ahaa Aasaasayaashii ka soo shaqeeyay dhismaha Dowladda Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland.

Madaxweynahaa Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Geerida Marxuumka uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.

Caro ka dhalatay go’aan uu Trump xabsi uga badbaadiyay saaxiibkii

Roger Stone

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dhaliil xooggan kala kulmay go’aan uu xabsi kaga badbaadiyay Roger Stone oo ay muddo badan saaxiib ahaayeen, marna lataliye u ahaa.

Tallaabada Trump ayaa kusoo beegantay waqti yar kadib markii ay maxkamad diidday codsi uu watay Stone oo ahaa in dib loogu dhigo xilliga uu billaabayo xabsiga 40-ka bilood ah ee lagu xukumay.

Waxaa lagu helay dembiyo ah inuu been u sheegay Aqalka Congress-ka iyo inuu wax ka bedelay marqaati fur ka dhan ahaa.

Stone ayaa ahaa qofkii lixaad ee xiriir dhaw la leh Trump ee ay waaxda cadaaladda Maraykanka ku hesho dembi la xiriira baaritaankii ku aaddanaa faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii 2016.

Ninkan 67 jirka ah ayaa lagu waday in Talaadada uu iska xaadiriyo xabsi heer federaal ah oo ku yaal Jesup gobolka Georgia.

Aqalka Cad oo qoraal ka soo saaray arinta Stone ayaa sheegay inuu “dhibbane u yahay dhagarta lagu eedeeyay Ruushka ee ay wadeen kooxaha Bidixda iyo saaxiibadooda warbaahinta ee sanadaha badan lagu minja-xaabinayay Madaxtinimada Trump”.

Falcelinta go’aanka Trump

Stone ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in Madaxweynaha uu telefoon usoo diray Jimcihii si uu ugu sheego go’aanka badbaadintiisa.

Waxa uu intaa raaciyay in warkaasi farxadda leh uu u dedaaldegay isagoo asxaab kula sugan Fort Lauderdale, Florida.

Siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraadiga ayaa si weyn u dhaliilay go’aanka Trump.

Gudomiyaha guddiga sirdoonka ee Congress-ka, Adam Schiff, ayaa sheegay in Trump uu muujiyay in laba nooc oo cadaalad ah ay ka jirto Maraykanka; mid gaar u ah “saaxiibaddiisa dembiilayaasha ah, iyo mid dadka kale loogu talagalay,”

Senator Elizabeth Warren oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegtay in Trump yahay madaxweynihii ugu musuq-maasuqa badnaa ee soo mara Maraykanka.

Gabadha Soomaaliyeed ee u tartameysa hoggaanka Ururka Ganacsiga Adduunka

amina mohamed jibril

Todobaaddo uun ka dib markii agaasimaha guud ee ururka ganacsiga adduunka ee WTO, Roberto Azevedo, sida lama filaanka ah u shaaciyey is casilaaddiisa, ayaa waxa soo baxay in diblomaasiyadda reer Kenya ee wasiirkana ah, Aamina Maxamed ay ka mid tahay musharaxiinta ugu cadcad kuwa u tartamaya in ay bedelaan.

Go’aanka Azevedo kaga tagayo jagadaa heerka caalami ah bishan Ogost ee foodda inagu soo haysa, iyada oo mudado-xileedkiisu ku ekayd Ogost 2021, ayaa dhaliyey tartan adag oo loo galo jagadaas, xataa iyada oo ay taagan yihiin dhibaatooyin adag oo ah dagaal ganacsi iyo cudur saf mar ahi.

Bishan Juulaay 7 deedii ayaa Jamhuuriyadda Kenya gudbisay warqadda musharaxnimada danjire Aamina Maxamed oo ah in tartamayso jagada agaasimaha guud ee ururka WTO.

Ururka WTO shaqadiisu waxa weeyi inuu kobciyo ganacsiga dunida si ay uga wada faa’iidaystaan dalalka dunida oo dhami. Waa ururka keliya ee fidiya gogol gaar ah oo lagaga wada xaajoodo ganacsiga sidoo kalena lagu xaliyo khilaafaadka ganacsi ee soo dhex gala dalalka xubnaha ka ah.

“Maadaama Kenya tahay dal si dhab ah u rumaysan xoojinta ururada caalamiga ah, waxaan aaminsannahay in ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo in boodhka laga tumo ururka WTO si uu dhamaan qaramada oo dhan baahiyahooda uga shaqeeyo, ha yaraadeen ama ha weynaadeene. Waxaanu sidoo kale rumaysannahay in haatan ay tahay goortii ay Afriki qaadan lahayd masuuliyadda ay mudantahay ee ah in ay hogaanka u qabato WTO” ayaa lagu yidhi warbixin ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Kenya.

Danjire Aamina Maxamed
Danjire Aamina Maxamed

Aamina qudheeda oo ka hadashay damaca ha kaya jagadaas oo dhawaan waraysi siisay wargeyska Financial Times ee dalka Ingiriiska ka soo baxa, ayaa waxay tidhi “waxa loo baahanyahay qof leh waayo aragnimo ku haboon shaqadan, qof u heellan hirgelinta waxa dunidu wada leedahay, laakiin sidoo kalena leh maqaam siyaasadeed si uu u noqdo qof wax isku duma oo suurto geliya in la isku tanaasulo.”

“Hadii qofka tilmaamahaa lihi noqdo qof Afrikaan ah ama haweenay, waxay ila tahay inuu miisaan gaar ah sii yeelanayo. Waa lagama maarmaan in ururku noqdo mid xubnaha oo dhami ka wada muuqdaan oo ay cadaato in dalalka xubnaha ka ahi garawsadaan in qayb kasta oo dunida ka mid ahi ay wax tar togan u yeelan karto hadii ay hogaanka u qabato WTO”, ayay intaa ku dartay.

Aamina waxay ka dhalatay qoys Soomaalida-Kenya ah oo waxa ay ku dhalatay magaalada Kakamega Oktoobar 1961, waxaanay muddo dheer ka soo shaqaysay diblomaasiyadda dalkaas markii dambena waxa ay xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta tan iyo sannadkii 2013-kii ka haysay xilalka wasiirka arimaha dibadda, ka waxbarashada iyo haatan oo ay tahay wasiirka ciyaaraha.

Markii ay ka qalin jabisay Jaamacadda Kiev oo ay ku baratay sharciga, ayaa Aamini waxa ay ka mid noqotay shaqaalaha dawladda Kenya oo ay ka bilawday sarkaal dhanka sharciga ah sannadkii 1985. Shan iyo tobankii sano ee xigay waxa ay ka shaqaynaysay waaxda diblomaasiyadda Kenya oo waxay xilal door ah ka soo qabatay kana soo shaqaysay Geneva iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Intii u dhaxaysay 2000 ilaa 2006 waxay danjire Aamina Maxamed soo qabatay xilal kala ah safiir, madaxa ergada diblomaasiyadeed ee Kenya ee Geneva waxaanay sidoo kale gudoomiye ka noqotay waaxda Afrika ee xuquuqda aadanaha ee WTO.

Waxa ay sidoo kale noqotay haweenaydii ugu horraysay ee gudoomisa shirweynaha guud ee WTO sannadkii 2005.

Ka dib markii ay muddo gaaban ka shaqaynaysay xukuumaddii labaad ee Madaxweyne Mwai Kibaki, ayaa waxa Aamina loo magacaabay ku xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda deegaanka Qaramada Midoobay ee UNEP.

.

“Kenya waxay soo sharaxaysaa Aamina Maxamed oo ah qof si gaar ah ugu qalma in ay hogaamiso WTO xilligan adag ee lagu jiro. Hadii la doortona waxay noqon doontaa qofkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah iyo run ahaantii haweenaydii ugu horraysay ee hogaanka u qabata ururka ganacsiga adduunka WTO. Wasiir Aamina way garanaysaa WTO waxaanay fahamsantahay sida uu u shaqeeyo, maadaama oo ay hore u guddoomisay shirarka heerka sare ah ee go’aannada lagu gaadho ee ururka sida shirka wasiirrada, shirweynaha guud, waaxda xallinta khilaafaadka iyo sidoo kale waaxda dib u eegidda siyaasadda ururka.” Ayaa lagu sheegay warbixinta uu soo saaray Madaxweyne Kenyatta.

Ma aha markii ugu horraysay ee Kenya u ololayso in ay Aamina xil ka qabato ururka WTO. Sannadkii 2013 waxa ay ka mid ahayd musharaxiintii la tartamay ee uu ka guulaystay Azevedo. Sannadkii 2017 ayaa hadana maamulka Kenyatta waxa uu sidoo kale Aamina u sharaxay in ay noqoto gudoomiyaha ururka Midowga Afrika si ay u bedesho gudoomiyihii xilka ka degayey ee reer Koonfur Afrika, Nkosazana Dlamini Zuma, laakiin waxa ka guulaystay Moussa Faki Mahamat oo reer Chad ah.

Ka hor is casilaadda agaasimaha guud ee ururka, Azevedo waxa soo baxayey warar sheegayey in dawladda Ingiriisku u ololaynaysey in Aamini bedesho xog-hayaha guud ee ururka Patricia Scotland.

Maxay maalqabeennada Yuhuudda lacag badan ugu bixinayaan Ilhaan Cumar?

ilhan omar4

Kooxaha garabka midig u janjeera ee gacansaarka la leh Israa’iil ayaa waxa ay bartilmaameedsanayaan xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga kana soo gasha gobolka Minnesota, sida uu daabacay wargeyska Huffpost.

Ilhaan Cumar ayaa meelaha fagaaraha waxa ay kaga dhaleecaysaa dowladda Israa’iil, waxa ayna ka mid tahay xubnaha magaca leh ee horumarka sameynaya ee Koongareeska.

Antone Melton-Meaux, oo 47-jir ah, waa xeer ilaaliyaha magaalada Minneapolis, waxa uu doonayaa inuu booska ka riixdo Ilhaan Cumar, oo waxa ay isreebreebka doorashada Xisbiga Dimuqraadiga ee xilka koongareeska ku tartami doonaan Ilhaan.

Inta badan lacagtaasi waxa ay ka imanaysaa guddiyada siyaasadeed ee ka soo horjeeda in cadaadis dheeraad ah uu Mareykanka uga yimaado dowladda Israa’iil. Laba kooxood oo noocaas oo kale ah, sida kooxaha gacansaarka la leh Israa’iil iyo Mareykanka iyo NORPAC, ayaa waxa ay ilaa waqtigan la joogo Melton-Meaux siiyeen $450,000.

Antone Melton
Antone Melton, ninka Ilhaan kula tartamaya doorashada isreebreebka dimuqraadiga

Sida uu daabacay wargeyska The Times of Israel, Xildhibaan Ilhaan Cumar, ayaa saameynta Sucuudi Carabiya ee maamulka Trump waxa ay ku xiriirisay Israa’iil, iyadoo sheegtay buu wargeysku leeyahay in labada dal ay dhaqaale ku bixinayaan sidii ay u gaari lahaayeen waxa ay iyagu doonayaan.

Wareysi ay siisay wargeyska Sunday Times ee UK ka soo baxa ka hor inta aanan la daabicin buugeeda “Taasi waa sida ay Ameerika u eg tahay: Safarkeygii qaxootiga ilaa xildhibaannimada Kongareeska” ayaa waxa ay u badan tahay inuu sii kicin doono xiisadda u dhaxaysa Ilhaan Cumar iyo taageerayaasha Israa’iil.

Rashiida Dhaalib iyo Ilhaan Cumar
Rashiida Dhaalib iyo Ilhaan Cumar

Tartanka Ilhaan Cumar ay ugu jirto sidii dib loogu soo dooran lahaa ayaa waxaa walwal badan uu ku hayaa kooxaha gacansaarka la leh Israa’iil iyo maalgeliyayaashaba kuwaas oo fursad cusub u arka tartankan, kaas oo ay doonayaan inay ku soo bandhigaan awooddooda kaddib markii dhabarka loo saariyay guuldarro layaab leh.

Sanadkii hore ayaa xukuumada Israa’iil waxay ku dhawaaqday inay joojisey Socdaalkii Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Rashida Taib Ay ku tegi lahaayeen Falastiin iyo Israa’iil.

Waxa tani ay ka dambeysya kadib la tashiyo uu sameeyey Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Ben Yamin Netanyahu kaas oo amray in la joojiyo Socdaalkaasi.

Hore Madaxweynaha Mareykanka ayaa udalbaday is hortaag lagu sameeyo Ilhaan Cumar socdaalkeeda sidaa awgeedna waxay warbaahinta qaar sheegayaan in codsigaasi la tixgeliyey.

Qoraal uu Trump soo dhigay Twitter-kiisa ayuu ku sheegay in Labada Gabdhood ay yihiin kuwo wax ka sheega oo Neceb Dadka Israa’iil.

Rashida Taib ayaa asal ahaan kasoo jeeda Dalka Falastiin waxaana Golaha Congress-ka Mareykanka ay kasoo gashay Gobolka Michigan,halka Ilhan Cumar oo Soomaaliya ka tagtay ay Minesotta Kasoo gashay.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY