Home Blog Page 4

BF SOOMAALIYA OO ANSIXIYEY HESHIISKII DIFAACA EE TURKIGA IYO SOOMAALIYA

baarlamaanka somalia 2024

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd ansixiyey heshiiska ay maanta Golaha Wasiirrada soo ansixiyeen, kaasi oo wada-galeen dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan oo ah mid xasaasi ah ayaa ku saabsan iskaashi dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha, xilli ay Soomaaliya xiisad xooggan kala dhaxeyso Ethiopia oo ayadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah, heshiis is-afgarad oo ay ku dooneyso badna la saxiixatay Somaliland.

Kulanka Baarlamaanka oo maanta ay fadhiyeen 216 mudane ayaa waxaa ogolaaday 213 mudane oo kamid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa diiday 3 mudane sida, uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Heshiiskan sida buuxda u meel-maray ayaa waxaa Soomaaliya usoo saxiixay sideedii bishan Wasiirka Difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

GOLAHA WASIIRADDA DFS OO ANSIXIYEY HESHIISKII DIFAACA EE TURKIGA IYO SOOMAALIYA

golaha wasiirada xamse2

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta shir deg-deg ah yeeshay ayaa ansixiyay heshiis ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha dalka oo dowladda federaalka Soomaaliya ay lasoo gashay dowladda Turkiga.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa inta badan Golaha Wasiirada oo si buuxda u meel-mariyay heshiiskan oo uu sideedii bishan Soomaaliya usoo saxiixay wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Ra’iisul wasaaraha oo kulankan aan caadiga ahayn ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxagal u ah ummadda Soomaaliyeed – waxaana uu sidoo kale uu faahfaahiya ahmiyadda heshiiska u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa muhiimaddiisa waxa ay tahay ilaalinta xeebaha iyo difaaca dalka, wuxuuna kusoo aaday, xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Si kastaba, Turkiga ayaa ah saaxIibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna taageero buuxda siiyaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu ka qayb qaato dib u dhiskooda.

QATAR OO BALLAN-QAADAY INAY KORDHINAYSO TAAGEERADA DF EE SOOMAALIYA

calamada Qatar Somalia

Kadib kulan xasaasi oo dalkaasi ku yeesheen Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye-gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo dhiggiisa dalka Qatar Sarreeye guud, Salem Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit, ayaa Dowladda Qatar ballan-qaaday in ay sare u qaadeyso taageerada ciidamada xoogga dalka, oo dib u habeyn ballaaran iyo tayeyn lagu sameynayay sanadihii dambe.

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay arrimaha saldhigga u ah xariirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaliya iyo Qatar. Sidoo kale waxay si weyn uga hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada ciidamada xoogga dalka oo dhinac kasta leh.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si gaar ah uga mahad-caliyay dowladda Qatar kaalinteeda kaga aadan dhismaha iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna carabka ku adkeeyey in xariirka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar uu ahaan doono mid sii xoogaysta.

Qatar ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna ka fulisa dalka mashaariicyo kala duwan, iyada oo sidoo kale ka qayb qaadata taageerada ciidamada iyo dhanka arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya.

DF OO DIGNIIN U DIRTAY GOONI-U-GOOSATADA GOBOLADA WAQOOYI GALBEED

astaanta soomaaliya

Hey’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadleyso carqaladeyn ay Gooni-u-goosatada Somaliland sheegata ee ka talisa Burco iyo Hargeysa ku heyso maamulka diyaaradaha ee hawada Soomaaliya, waxayna ku goodisay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qaadi doonto taallaabooyin culus, hadii ay Somaliland jooji weyso carqaladeynta maamulka hawada.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in gacmo shisheeye oo fushanaya danahooda gaarka ah ay qeyb ka yihiin carqaladeynta ay gooni-u-goosatadu ku heysto diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya, waxayna DF-ku cadeysay in talaabooyin adag oo ay qaadi laheyd ay ka baaqsatay iyadoo u tureysa shacabka gobollada Waqooyi Galbeed.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka hey’adda duulista rayiska oo dhameystiran:

Laga soo bilaabo, 11 February 2024, waxaa dhacayey xadgudubyo heerar kala duwan leh, kuwaas oo ay ku kacayeen maamulka gobolada waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland, taas oo ay ku carqaladeynayeen khadadka ay diyaaraduhu isticmalaan ee dulmara qeybo ka mid ah hawada gobolada waqooyi ee Soomaaliya.

Ficiladaan ayaa ka soo horjeeda shuruucda dalka u yaala iyo kuwa caalamiga ah.

Falalkaani waxay khatar galin karaan diyaaradaha iyo rakaabka ah ee isticmaala khadadka dulmara qeybo ka mid ah gobolada Waqooyi ee dalka.

Iyadoo ay jiraan caqabadahan, dowladda Soomaaliya waxay qaaday talaabooyin lagu xaqiijinayo bad-qabka duulimaadyada dulmara qeybo ka mid ah gobolada waqooyi ee dalka, kuwaas oo kala ah:

1. Dowladda Soomaaliya waxay soo saartay war-saxafadeed taariikhdu markay ahayd 13 Feebarayo 2024, taas oo bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba loogu xaqiijinayey bad-qabka duulimaadka hawada Soomaaliya.

2. Dowladda Soomaaliya mar walba waxay digniino u direysay maamulka gobolada waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland si ay uga waantoobaan faldambiyeedyadaas.

3. Dowladda Soomaaliya iyadoo tixgelineysa shuruucda duulimaadka adduunka ayay soo saartay wargelinno (NOTAMs) A0017/24 iyo A0019/24, kuwaas oo lala wadaagay dhammaan caalamka iyo hay’adaha ay khusayso, laguna xaqiijinayey in duulimaadyadu si bad-qab iyo amni ah ku maraan hawada goboladaas, iyadoo aanay wax saameyn ah ku yeelanin carqaladahani addeegii duulista hawada.

Iyadoo ay jiraan digniinahan iyo taloobiyinka la qaaday ayay maamulka gobolada waqooyi ee Somaliland sii wadeen fal-dambiyeedyadan ka dhanka ah shuruucda duulimaadka caalamka.

Haddaba, iyadoo ay intaas jirto, dowladda Soomaaliyeed waxay ka baaqsatay inay qaado talaabooyin kuwaan ka adag, iyadoo u tureysa shacabka Soomaaliyeed ee deegaanadaas ku nool iyo ciddii kale ee isticmaasha addeega Duulista Rayidka.

Dowladda Soomaaliya waxay dareensan tahay in carqaladeynta ay wadaan maamulka gobolada waqooyiga ee Somaliland ay ku jiraan gacmo shisheeye, si ay u fushadaan danahooda guracan.

Dowladda Soomaaliya waxay ka digeysaa sii socoshada falalkan.

Haddaba, haddii ay sii socdaan talaabooyinkan faldambiyeedka ah ee lagu carqaladeynayo Duulimaadyada Rayidka ah ee dul mara gobolada waqooyi ee dalka, waxay dowladda Soomaaliya iyadoo ka xun ku khasbanaan doontaa inay qaado talaabooyin ad-adag oo lagu xaqiijinayo amniga iyo bad-qabka Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sharciga la tiigsan doontaa cid walba oo ku lug leh falalkan guracan.

SHIRKADDA DIYAARADAHA ISRAA’IIL OO KA HADASHAY WAXYAABIHII HAWADA SOOMAALIYA KALA KULANTAY

israel airline

Diyaaradan oo sumadeedu ay tahay El Al Boeing 787-9, kana soo duushay Phuket ee dalka Thailand kuna wajahneed magaalada Tel Aviv ee Israa’iil ayaa la sheegay in markii ay maraysay hawada Soomaaliyaay la kulantay khal-khal.

Shirkadda El Al ayaa sheegtay in shil ku dhacay mid ka mid ah duullimaadyadeeda oo dul maraysay hawada Soomaaliya aysan ahayn arrin amni, isla markaana aan lagu bartilmaameedsaneyn shirkadda diyaaradaha ee Israa’iil.

Sida lagu sheegay warka ka soo baxay shirkadda diyaaradaha Israa’iil ee Ynet, El Al waxaa khal-khal ku yimid raadiyaha diyaaradda, iyadoo shirkadu meesha ka saartay in falkaasi uu ahaa mid loola jeeday duulimaadkooda.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in arrintaan ay tahay waxyaabihii ay horey dowladda Soomaaliya uga digeysay ee dhinac hawada ah.

Qoraalka ka soo baxay El Al ayaa lagu xusay in shilkaan aanu saameyn ku yeellan doonin duulimaadyada diyaaradaheeda.

MIDOWGA AFRIKA OO WAR KA SOO SAARAY XIISADA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA

madaxda au 2024

Shir-madaxeedkii Midowga Afrika oo uu shalay ka qayb galay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gebagebadiisii War-saxaafadeedkii laga soo saaray waxaa ka mid ah nuqul looga hadlay khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo gaaray meel xasaasi ah.

Madaxda Midowga Afrika ayaa bayaankaan ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay saxiixii Muuse Biixi ee badda Soomaaliya ay ku soo damaacisay Itoobiya.

“Walaac ka muujiyey xiisadda u dhaxaysa Jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, kadib saxiixii heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya iyo gobolka waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) 1 Janaayo 2024,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale bayaanka Midowga Afrika waxaa lagu yiri, “Goluhu wuxu dib u xaqiijinayaa sida adag ee ay uga go’an tahay iyo taageerada uu u hayo dhowridda midnimada, sharafka dhuleed, madax-banaanida iyo gobanimada dhamaanba dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan kuwa jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyo jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya.”

Warkaan ka soo baxay Midowga Afrika ee looga hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa loogu baaqay labada dal inay qaboojiyaan xiisadda, ayna yeeshaan wadahadal macno leh oo ku wajahan sidii xal nabadeed loogu heli lahaa khilaafka.

Itoobiya ayaa wajaheysa waji-gabax iyo faquuq diblomaasiyadeed oo caalami ah oo Soomaaliya ay ku kicisay, kadib markii uu cirka isku shareeray khilaafka labada dal, waxayna Soomaaliya adeegsatay galaan-gal siyaasadeed oo aan caadi aheyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay Addis Ababa uga qeyb galay shirka madaxda Midowga Afrika ayaa jeediyey khudbad xasaasi ah oo xadgudubka Itoobiya uu ugu soo bandhigay madaxda dalalka Afrika, wuxuuna isagoo careysan isaga soo dhoofay Addis Ababa.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI ADAG UGA HADLAY DAMACA ITOOBIYA EE DALKA SOOMAALIYA

madaxweyne xasan sheekh au

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay furitaanka Shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulanka, ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.

Madaxweynaha ayaa markale ku celiyay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo Kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali karin.

GUDOOMIYAHA BJFS OO LA KULMAY WEFTI MAREYKANKA KA SOCDA

sheekh aadan madoobe iyo wefti usa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay madax sarre oo ka tirsan Dowladda Mareykanka waxaana waftiga hogaaminaysay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda USA ee Afrika Molly Phee, Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika Amb. Micheal Hammer iyo Amb. Shane Dixon oo ah Siihayaha Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya.

Kulanka oo looga hadlayey xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dal ayaa inta uu shirka socday waxay isla soo qaadeen heshiis beenaadkii ay wada-galeen Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, ayuu Guddoomiyuhu tilmaamay in madax banaanida dhuleed iyo badeed ee dalka aan lagu soo xadgudbi karin, waxaana ay masuuliyiintu sheegeen in Dowladda Mareykanka ay mowqif adag ka taagan tahay Ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya. Dhanka kale Mareykanka ayaa xusay in uu taageeraayo dhameystirka Dastuurka KMG ee Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa uga mahadceliyay taageerada Dowladda Mareykanka ay siineyso Soomaaliya, oo ay ugu horreyso arrimaha ammanka, dib u dhiska dalka, dib u eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya, waxaana uu sidoo kale boggaadiyay sida ay ula shaqeeyaan wadamadda beesha caalamka iyo taageerada Soomaaliya ay siiyaan, isagoona xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku talaabsatay horumaro kala duwan, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobcinta dhaqaalaha.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO GAARAY MAGAALADDA ADIS ABABA

madaxweyne xasan sheekh un ny 1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safray magaalada Adis Ababa, si uu uga qeyb galo Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda.

SHIIDAALKII UGU HOREEYEY OO SANADKAN SOOMAALIYA LAGA QODAYO

shiidaal soomaaliya

Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dabayaaqada sannadkan 2024 billowdo qodista ceelkii shidaalkii ugu horreeyay dalka laga soo saaro, iyadoo shirkadda qandaraaska lagu siiya ay durba bilowday in ay asteyso meesha ugu haboon ee laga duleelin karo ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga soo saari doono, kaas oo ku yaal aagga ku aadan xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shilkii ugu horeeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaas oo la filayo in uu noqdo maadada caeeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan.

Dhawaan waxaa khubaro ka socota Hay’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saamaynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristu.

Waraysiga uu BBC da siiyay wasiirka Batrool ka ayuu ku faahfaahiyey qorshaha shidaal soo saaridda iyo sida ay isugu xigaan hawlaha lagu soo saarayo shidalka ceeriin.

Wasiirku wuxuu sheegay in dadaallada lagu doonayo in la soo saaro khayraadka shidaalka ceegaaga Soomaaliya uu marxaladdii ugu dambeysey marayo, islamarkaana qorshuhu yahay in saddexda bilood ee ugu dambeysa sannadkan lagu wado in ceelkii shidaal ee ugu horreeyey la bajiyo.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa nasiib u yeelatay in ay noqoto meesha ugu horreysa ee shidaalka laga qodi doono, waxaana degmada Hobyo oo qorshuhu yahay in xeebaheeda hawsha laga billaabo dhawaan booqday khubaro ka socotay Hay’adda Betroolka Qaranka oo halkaas kulamo kula yeeshay dadka deegaanka.

Khuburadan ayaa intii ay joogeen Hobyo waxay si dhow ugu kuurgaleen saameynta qodista iyo soosaarista shidaalku ku yeelan karto deegaanka, gaar ahaan bulshada xeebaha ku nool ee u nugul nakhaska karboonka ee ka soo fufaya lakabyada badda gunteeda ah ee shidaalku ku xanniban yahay.

Dadka deegaanka oo horay ula hadlay warbaahinta ayaa marar kala duwan cabsi ka muujiyay arrintaan.

Badda Soomaaliya waxaa ku yaal illaa 250 xirmo oo horay loo qoondeeyey, sida ay baahisay wasaaraddu, balse Wasiirka Batroolku wuxuu xaqiijiyey in xilligan la joogo ay diyaar yihiin illaa 7 xirmo oo ku kala yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaliya, ku waas oo kala ah Galmudug (3 xirmo), Koonfur Galbeed (2 xirmo) iyo Jubaland (2), kuwaas oo sida qorshuhu yahay lagu talo jiro in laga soo saaro shidaal la doonayo in mustaqbalka la dhoofiyo.

“Isha ceelka ayaa la raadinayaa”

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed wuxuu sheegay in goor dhow la billaabi doono sahminta bedka dhul badeedka ee loo yaqaan ‘3D seismic survey’ si loo dhudhumiyo qotoda bed dhuleedka islamarkaana loo xaqiijiyo halka ay ku taal isha ceelka la qodayo, taas oo badanaa qaadata muddo 3 bilood ah.

Marka uu soo idlaado sahankaas, islamarkaana la helo isha ceelka, waxaa billaabaneysa in ceelka la duleeliyo, dabadeedna shidaalka la soo saro.

Shirkado caalami ah oo ay ka mid yihiin Chevron, Eni, ExxonMobil iyo Shell ayaa hawlo shidaal baaris ah ka billaabay Soomaaliya 1950-meeyadii, laakiin midkood ma soo gaarin heer yididiilo leh ilaa ay markii dambe dalka isaga baxeeen markii dagaallada sokeeye ay dillaaceen 1991.

Shirkadda Coastline Exploration oo fadhigeedu yahay magaalada Houston ee dalka Mareykanka oo hoggaamineysa hawsha shidaalka, waxay sannadkii 2022 kii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kula heshiisey in y baaritaan iyo shidaal qodis ka sameyso 7 aag oo ku fadhiya dhul 35,000 km oo isku wareeg ah, sida uu baahiyay suuqa kala iibsiga badeecadaha shidaalka ee SPG.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku han weyn in horumarinta khayraadka shidaalku ay dalka u soo jiideyso dhaqaale wax looga qabto daruufaha jira, sidoo kalena ay irdaha u fureyso fursado shaqo, canshuur dowladda soo gasha iyo maalgashi shisheeye.

Dhinaca kale Agaasimaha Fulinta shirkadda Coastline Exploration, Richard Anderson oo goor sii horreysey la hadlayey S&P Global Commodity Insights ayaa hoosta ka xarriiqay in “marka laga shidaal qaato baaxadda shidaalka Soomaaliya ku keydsan, ay fursaddani tahay mid aan la dayici karin.

Anderson ayaa intaas ku daray in shidaalka laga helo Soomaaliya uu beddeli doono isku dheellitirnaanta siyaasadda ku dhisan ahmiyadda dhulka, sidaa darteed dadka Soomaaliyeed aysan iska lumin fursaddan.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY