Home Blog Page 419

DF Soomaaliya oo caawa shaacisay kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah

Coronavirus somalia april19 2020

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa goor dhaweyd soo saartay warbixintii maalinlaha aheyd ee cudurka Coronavirus, waxaana lagu shaaciyey kiisas cusub oo COVID-19 ah.

Wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay 29 qof loo diiwaan geliyay in uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

21-qof oo ka mid ah 29-ka qof ee maanta laga helay cudurkaas ayaa ah lab ama rag. Halka sideeda kalena ay dumar yihiin.

Sidoo kale warbixinta wasaaradda ee caawa soo baxday ayaa lagu sheegay in hal qof oo ka mid ahaa dadkii horay loo shaaciyey uu ka bogsaday cudurkaas.

Warbixin inta cawanimo kasoo baxday guddiga wacyi gelinta iyo ka hor tagga xanuunka Coronavirus ee deegaanada maamulka Puntland ayaa lagu xaqiijiyey kiiskii ugu horeeyay oo Coronavirus ah, kaas oo laga diiwaan geliyay deegaanada Puntland.

Sidoo kale Somaliland ayaa maanta shaacisay hal kiis oo isla cudurkan ah, taas oo tirada guud ee dadka ku nool deegaanada Somaliland ee laga helay cudurkaas ka dhigeysa lix kiis.

Warbixinta caawa kasoo baxday wasaaradda caafimaadka Soomaaliya laguma cadeyn halka ay ku kala noolyihiin 29-ka qof ee 24-kii saac ee lasoo dhaafay loo diiwaan geliyay in ay qabaan Coronavirus.

Daawo M/weyne Muuse Biixi oo ka hadlay Dagaalka Ceel-Afweyn ka qarxay iyo Coronavirus

madaxweyne muuse biixi26j

Daawo M/weyne Muuse Biixi oo ka hadlay Dagaalka Ceel-afweyn Saaka ka qarxay, Qaadka, Salaada Masaajidada, lacag Taakulo iyo Arimo kale oo xasaasiya.

Daawo Dagaal culus oo 2 Maleeshiyo beeleed ku dhexmaray Degaanka Ceel-afweyn (Fadhi-gaab)

ceelafweyn
Daawo:Muqaalka laga duubay Dagaal culus oo 2-Maleeshiyo beeleed ku dhexmaray Degaanka Ceel-afweyn (Fadhi-gaab)

Culimada Sacuudiga oo muslimiinta caalamka ugu baaqay inay saaladaha guryahooda ku tukadaan

culimada sacuudiga

Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga ayaa ugu baaqay muslimiinta caalamka inay saaladaha ku tukadaan guryahooda inta lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadan, haddii dalalka ay joogaan lagu soo rogo amar ah in bulshada kala fogaato, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus.

Bisha Ramadan ayaa billaabaneysaa dabayaaqada toddobaadka soo socda, waxaana muslimiin badan ay isku diyaarinayaan Taraawiixda.

“Marka hore, Muslimiinta waa inay adeecaan go’aanada mas’uuliyiinta dalalkooda ama kuwa ay ku nool yihiin, ee looga gol leeyahay in lagu joogteeyo caafimaadka dadka, laguna xadido faafitaanka cudurka Coronavirus,” ayaa lagu yiri bayan kasoo baxay Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga, oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA.

“Marka xigta, Dhammaan Muslimiinta waa inay soo ka fogaadaan isu-imaatinka, sababtoo ah waa waxa ugu weyn ee horseeda faafitaanka fayruska…waana in Muslimiinta xusuusnaadaan in bad-baadinta nolosha qofka ay tahay cibaado Allah loogu dhowaado.”

Jimcihii, Muftiga ugu weyn Saudi Arabia Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh, ayaa sheegay Salaadda Taraawiixda ee bishan Ramadan iyo midda Ciidul Firtiga lagu oogi doono guryaha, haddii faafitaanka cudurka Coronavirus uu sii socdo.

“Salaadda Taraawiixda Ramadaanka waxaa lagu tukan karaa guriga, haddii aan lagu gudan karin Masaajidada, sababo la xiriira tallaabooyinka la qaaday ee lagula dagaalamayo faafitaanka Coronavirus,” ayuu yiri Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh oo ka jawaabaya su’aal arrintan laga weydiiyey.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Salaadda Ciidul Fitriga-na ay la mid tahay, sida uu qoray wargeyska.

Dalka Sacuudiga ayaa waxaa laga diiwaan-geliyey 8,274 kiis oo ah cudurka COVID-19, iyo dhimashada 92 qof oo la xiriira cudurkaas.

Sacuudiga oo xayiraada ka qaaday xoolaha ay u dhoofiso Soomaaliya

xoolo berbera

Wasaaradda deegaanka, biyaha, iyo beeraha  Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay qaadeen xayiraadii saarneyd xoolaha looga soo dhoofiyo Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda, islamarkaana la soo dhigay barta fariimaha gaa-gaaban ee Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay dib u fasaxday xoolaha looga keeni jiray gudaha Soomaaliya, kuwaas oo muddo hakad-jiray.

”Sacuudiga waxaa uu xayiraadii ka qaaday xoolaha looga keeni jirey Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka ee Sacuudiga.

Dhinaca kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka hadasho arrintaan, islamarkaana ay war ka soo saartay go’aankaasi.

Tallaabada ay qaatay dowladda Sacuudiga ayaa waxaa soo dhoweeyey ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa xoolaha u iib-geeya dalkaasi.

Soomaaliya oo caan ku ah wax soo-saarka iyo xoolaha ayaa wadamo badan u dhoofisa xoolaha nool, sida Imaaraadka, Sacuudiga iyo dalal kale.

Ciidamada DF oo howlgallo kula wareegay deegaano ku yaalla gobolka Baay

ciidamada xoogga1

Faah faahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaano hoos yimaad degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Howlgallada oo ahaa kua qorsheysan ayaa waxaa ciidamada huwanta au kula wareegeen deegaanada Bandhuub iyo Biilane oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in ujeedkooda uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi oo uu tilmaamay inay ku dhibaateeyaan dadka dhacabka ah ee isaga kala gooshayada waddooyinka gobolka Baay.

Dhankiisa guddoomiyaha degmada Diinsoor Cabdi Salaan Xaaji Siidow ayaa sheegay in xilliyada ay soo dhowdahay Bisha Ramadaan ay kooxda Al-Shabaab ay culeys xoogan soo saarto degmada, balse wuxuu tilmaamay inay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinkaasi.

Xaaladda ayaa saaka ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Weli dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa deegaano iyo degmooyin ka heysta gobollada Baay iyo Bakool oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

Dad hor leh oo Soomaaliya ugu dhintay Coronavirus iyo kiisaska oo maanta kordhay

Coronavirus2

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo goordhoweyd ka warbixineysay xaalada Coronavirus ee gudaha Soomaaliya, ayaa sheegtay inay kordheen Kiisaska cudurkaasi ee gudaha dalka, halka dad kalena ay maanta u dhinteen Cudurkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in maanta ay soo korodhay 2-qof oo dhimasho ah, midaasi oo tirada guud ee dhimashada dalka ee cudurkaasi ka dhigaysa 7-qof, halka dadka qaba cudurkaasina ay gaaareen 135-qof, kadib markii maanta ay wasaaradu cudurkaasi ka heshay 19-qof oo cusub.

Wasaarada ayaa maanta baadhay 25-qof, sida ay sheegtay Wasiirada caafimaadku, iyada oo laga helay 19-qof oo kamid ah dadkaasi la baaray.

Shalay unbay aheyd markii ay wasaaradu shaacisay tiradii ugu badneyd ee muddo 24-saacadood gudahood laga helo cudurkaasi, oo la diiwaan-geliyo, maadama 36-ka qof laga helay, kuwaasi oo ka mid ahaa 47 qof oo shalay cudurka laga baaray, waana arrin cabsi muujinaysa ah, iyada oo ta maanta laftigeedu uu sareeyo boqoleeyda dadka laga helay cudurkaasi maadama 25-qof oo la baaray laga helay 19-qof.

Faafitaanka cudurka ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa ku socoto mid xowli ah oo u muuqata in uu si weyn ugu dhex faafay cudurka bulshada ku nool gudaha magaalada.

Sawirro Madaxweyne Farmaajo oo daahfuray barnaamijka BAXNAANO oo lagu taakuleynayo qoysaska Danyarta ah

farmaajo daahfur baxnaano1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay Barnaamijka Baxnaano oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaskeenna danyarta ah, iyada oo wajigiisa 1-aad ay ka faa’iideysanayaan 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda dadaalka ay ku bixisay xaqiijinta ballan-qaadkii ku aaddanaa dib u soo nooleynta adeegyada aas-aasiga ah ee dadweynaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo, heerka nololeed iyo dakhliga dalka, isaga oo tilmaamay in daah-furka barnaamijkan uu ku soo aaday xilli cudurka COVID-19 uu saameeyey nolasha iyo ganacsiga dadka Soomaaiyeed.

“Waxaa inoo diyaarsan Qorshaha Horumarinta Qaran ee 9aad oo si faahfaahsan u qeexaya qorshaha aan ku wajahayno saboolnimada, cunta yarida, annagoo xoogga saareyna kor u qaadidda nolasha dadka u nugul xaaladaha deg-deg ah sida abaaraha, duufaannada, cudurrada iyo guud ahaan musiibooyinka dabiiciga ah ee ina soo food saara.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshda oo hoggaamineysa Barnaamijka Baxnaano in si daah-furan oo hufnaan iyo cadaalad ah ay ku fuliso Barnaamijkan, iyada oo daryeelaysa qoysaskan danyarta ah ilaa ay ka gaarsiineyso heer isku filnaansho nololeed oo ay iskood u maareyn karaan nolashooda, si wejiyada xiga ee Barnaamijka Baxnaano loogu sii baahiyo Malaayiin kale oo ka mid ah shacabkeenna Soomaaliyeed oo u ooman adeegyada dowladeed.

Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso adeegyada dadweynaha ayaa laga hirgelinayaa 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleyn dhaqaale oo ah 4 Malyan oo doolar bishiiba.

Sidoo kale, Barnaamijkan waxaa qeyb ka ah taakuleyn dhaqaale oo lagu xoojinayo nolasha dadka beeralayda ah ee dalaggoodii uu galaaftay Ayaxii ku habsaday qaar ka mid ah deegaannada ay ka soo go’aan dalagyada dalka dhammaadkii sanadkii tagay 2019-kii. Dawladdu waxa ay maalgelin dhaqaale u sameynaysaa beeralayda si kor loogu qaado wax-soosaarka dalka.

Dhammaad

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

Turkiga oo Soomaaliya u soo diray deeq Caafimaad oo loogu talo galay COVID-19

deeq daawo turkey

Dowladda Turkiga ayaa deeq ka kooban Qalab caafimaad oo loogu talogalay in lagula tacaalo cudurka Coronavirus u soo dirtay Dowladda Soomaaliya.

Sida ay qortay Wakaalada u faafisa dalkaas Anadolu Diyaarad weyn oo xamuulka qaada oo ay leeyihiin Ciidamada Turkiga ayaa kasoo duushay garoonka Etimesgut ee ciidamada cirka magaalada Ankara, waxayna ku soo wajahan taha magaalada Muqdisho caasimada Somalia

Deeqdan ayaa waxaa isku soo duba riday wasaaradda Caafimaadka ee dalka Turkiga oo dalal badan oo Yurub iyo Aasiya ku yaalla gaarsiisey deeq noocan oo kale ah.

Soomaaliya oo lagu arkay ku dhowaad boqol kiis oo la xiriira cudurka Coronavirus ayaa si weyn ugu baahan deeqdan ka timid walaalaha Turkiga oo looga bartay 10kii sano ee la soo dhaafay iney shacabka Soomaaliyeed ka caawiyaan musiibo kasta oo soo wajahda.

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Aadan Cali Xasan

farmaajo press

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Aadan Cali Xasan oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxwyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumka oo ka tirsanaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya uu door wanaagsan ka qaatay dib u habeynta hannaanka dhaqaalaha dalka, muddadii uu ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka, islamarkaasna uu ugu shaqeeyey dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed hufnaan, wadaniyad iyo daacadnimo.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Aadan Cali Xasan waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay dowladnimada, horumarka dalka iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Dhammaad

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY