Home Blog Page 466

Shacab SSC oo si weyn uga cadhooday eedeyntii been abuurka Shirkadda Hass laga sameeyey

caaqil sanyare

Shacab SSC oo si weyn uga cadhooday eedeyntii been abuurka Shirkadda Hass laga sameeyey, kadib markii Somaliland ku eedaysay Argagixiso iyo inay maalgeliso Jamvadda SSC.

Daawo Caaqil Sanyare:

Caaqil sanyare oo Jawaabay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Soomalind.#SHAREBidhaan Media

Slået op af Bidhaan Media i Tirsdag den 25. februar 2020

Al-Shabaab oo cagta marisay saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha Kenya

shabaab2

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar markale Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan saldhig ciidamada dalka Kenya ay ku leeyihiin nawaaxiga magaalada Gaarisa.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lala bartilmaameedsaday saldhigga oo ku yaalla deegaanka Goorisa oo hoostaga magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Al-Shabaab oo ka hadashay waxa ay sheegtay in dagaalyahannadooda ay gudaha u galeen saldhigga, islamarkaana ay cagta marayeen, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay burburisay agab milatari oo gawaari ay ku jiraan oo saldhigga yiilay.

Illaa iyo hadda ma cada khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkaasi oo sababay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo laamaha amniga Kenya, gaar ahaan Booliska ay ka bixiyeen falkaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaada gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya, kuwaas oo geysta khasaare kakla duwan.

Daawo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo si adag uga hadlay shirkii Mudulood

xasan daahir awey

Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo soo duubay muuqaal cusub, ayaa si adag u weeraray Shirkii Mudulood.

Xasan Daahir, oo muuqaallo soo duuba ayaa sheegay in beesha Abgaal ay tahay beesha kaliya ee laga helo dad qur’aanka yaqaan, haddana mooryaan ah.

“Waxaa yaab leh dhallinyarda beelaha kale markaad ka wacdiso oo aad ka reebto munkarka waa ku maqlayaan, laakiin Abgaalka kuma dhageysanayaan, waxay ku leeyihiin “wax qaldan miyaan sameeyey?” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Xasan Daahir waxa kale oo uu sheegay in beesha Abgaal aysan galin derisnimo, oo aan lala noolaan karin. “Abgaal cirif la dego ma lahan ee waxay leeyihiin calool la dego” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay tahay beel aan wax iska maqal, oo odayaasha aan dhageysan.

Waxa kale oo uu yiri “ma ahan beel lala xidido, waayo ma dhowraan wiilka ay abtiga u yihiin.”

“Abgaal hiilo ma lahan, oo wanaagag isuguma hiiliyaan, waxanaa caddeyn u ah inaysan u hiilin markii Maxamed Siyaad Barre uu dilay Slaad Gabeyre Kadiye,” ayuu yiri.

Muuqaalka Xasan Daahir ayaa jawaab u ahaa shirkii beesha Mudulood ay dhowaan ku yeelatay magaalada Muqdisho.

Daawo Sheekh Xasan Daahir Aweys

Daawo Fadeexad: Waa in Wasiir Khadiija xilka laga qaado hayadaha Caafimaadkuna dib u baaraan

kheyre iyo khadiija

Fadeexad aad weyn ayaa ka dhacday madaar Muqdisho ee Adan Cade kadib markii Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye Garoonka ka soo degtay ay diiday in laga baaro xanuunka halista ah ee CORONAVIRUS.

Muuqaalkan ayaa muujinaya wasiir Khadiija oo mar ay kasoo degaysay diyaarad rakaab ah diiday in laga baaro xanuunka, taas darteedna ay ka xanaaqeen hawlwadeenaddii caafimaad ee garoonka loo geeyey inay ka hortagaan Xanuunkan oo ay ka baaraan qof kasta oo kasoo degaya garoonka, si cudurka uusan dalka usoo gelin.

Wasiir Khadiija Diiriye ayaa markii ay kasoo degto diyaaradda waxaa qalabka lagu baaro dadka dhankeeda ula tallaabsaday nin ka mid ah dadka ku howlan baaritaanka dadka soo degaya, balse Khadiiro ayaa iska wareejisay ninka, kadibna gudubtay iyada oo aan la baarin.

Intaas kadib waxaa gees isugu baxaya shaqaalihii loo xilsaaray baaritaanka dadka garoonka kasoo degaya, iyagoo caro ka muujinaya u hoggaansami la’aanta nidaamka u degan garoonka ee wasiir Khadiijo sameysay, waxaana dhamaan diyaaradda kasoo degay dadkii kale ee rakaabka ahaa, iyadoo aan la marsiin wax baaritaan ah.

Inkastoo kaamirada duubtay dhacdadaan aysan laheyn wax maqal ah, hadana waxaa muuqaneysa, in sababta dadka kale ee rakaabka ah loo baari waayey ay tahay, in shaqaaluhu ka caroodeen u hogaansami la’aanta nidaamka garoonka ee wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Khadiija Maxamed Diiriye ay ku kacday.

Arintaan ayaa muujineysa dhibaatada ay leedahay hadii qofka masuulka ah uu u hogaansami waayo ama uu iskala weynaado nidaamka iyo sharuucda dalka u yaalla, waxayna khatar caafimaad gelisay guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Sida hada ka muuqata dhacdadaan ma jirto sabab dadka shacabka ah loogu canaado nidaam ay iska diideen mas’uuliyiintii loo doortay dalka, waana tan kalifay in dadkii kale la baari diido, markii ay baaritaanka diiday wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo aheyd qofkii koowaad ee kasoo degay diyaaradaas kasoo degtay garoonka Aadan-Cadde.

Dhacdadan foosha xun ayaa loo baahan yahay in Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Wasaare Kheyre ay si deg deg ah xilka uga xayuubiyaan Wasiir Khadiijo dabadeedna Ciidamada amaanku qabtaan oo hayadaha Caafimaad khasab ugu gacan geliyaan, si ay waajibaadkooda uga gutaan, haddii Farmaajo iyo Kheyre ay Khadiija talaabo ka qaadi waayeen, waxaa beenoobaya dhamaan hal ku dhigyaddii ay Bulshada u sheegi jireen.

Hoos ka Daawo Muuqaalka

Dib ugu soo laabashadeydii dalka.

Slået op af Hon Khadija Mohamed Diriye i Tirsdag den 25. februar 2020

Maraykanka oo duqeyn diyaaradeed ku diley sarkaalkii abaabulay weerarkii Manda Bay

AlShabaab drone

Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa Africom ayaa shaaciyay in ay duqeyn ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kana dambeeyay weerarkii saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya.

Sidoo kale duqeyntan oo loo adeegsaday diyaarada F15 ayaa lagu diley xaaska sarkaalka oo aan labadaba la sheegin magacyadooda.

Duqeyntan oo lala wadaagay dowlada Soomaaliya ayaa ka dhacday Sabtidii degmada Saakow oo 320km dhinaca Galbeed ka xigta Muqdisho.

“Labada argagaxiso waxaa loo aqoonsaday inay yihiin hogaamiyaal sarsare oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo qorsheeyey isla markaana hagayay howlaha ay argagaxisadu ka fuliso xadka Kenya iyo weerarkii lagu qaaday Manda Bay, Xaaska sarkaalka la qaarijiyay waxa ay ahayd xubin firfircoon oo ka mid ah Alshabaab.” ayaa lagu yiri qoraal goor dhow ka soo baxay Africom.

Taliyaha Africom General Stephen Townsend ayaa sheegay in duqeynta ay ahayd tallaabo lagu baabi’inayay kuwii ka dambeeyay weerarkii 5tii Janaayo.

Weerarkan ayaa waxaa lagu diley sarkaal ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo labo ruux oo muwaadiniin Maraykan ah kuwaasoo qandaraaslayaal ahaa.

Daawo Shirkadda HASS oo Shaacisay in Wasiirka H Guud Somaliland uu lacag weydiistay una hanjabay

madaxa hass1

Shirkadda HASS ayaa si weyn isaga fogeysay inay ku lug leedahay eedaymo uu maanta u jeediyey Wasiirka hawlaha Guud ee Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi u jeediyey, isagoo sheegay in Shirkadu taageerto Jamhadaha SSC.

Shirkaddu waxay kale oo shaacisay in Wasiir Qambi uu lacag aanay markaa awoodi karayn weydiistay, dabadeedna uu isla goobtii ugu hanjabay.

DAAWO WARSAXAAFADEEDKII HASS

Maamulka Shirkadda Hass Petroleum "Wasiirka Howlaha guud ee Somaliland shaxaad loo waayay dartiis ayuu noo sumacad dilayaa"

Slået op af Goobjoog i Tirsdag den 25. februar 2020

Somaliland oo fashilkeedii dusha ka saartay Shirkadda HASS lana Xidhiidhisay Jabhada SSC

hass

Xukuumadda Somaliland ayaa bilowday inay taageero la’aan iyo Jamhadda ka sameysmaya Degaamadda SSC ay dusha ka marmariso oo ku eedayso shirkadda Shidaalka ee HASS, iyagoo sheegay inay maalgelinayso jabhad Somaliland ka soo horjeeda oo dhowaan looga  Dhawaaqay magaalada Buuhoodle.

Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Du’caale Qambi oo Xukuumada Somaliland u hadlay, ayaa maanta Magaalada Hargeisa ka sheegay hadalkan, taas oo uu ku eedeeyey Shirkadda  Hass oo ka mid ah shirkaddaha ugu waaweyn  ee Soomaalidu leedahay, waxayna ganacsi kala duwan ku leedahay Bariga Afrika, iyo guud ahaanba dhulka Soomaalida.

Hadalka kasoo yeedhay Somaliland ayaa bulshadu siwayn uga soo horjeesatay, waxaana laysla dhexmarayaa in hadalka Wasiirku yahay qorshe la doonayo in lagu bililiqaysto hantida shirkaddan oo doorway ka qaadata Horumarinta Bulshada.

Xogo hoose oo horey loo hayey ayaa waxaa tibaaxayey in Wasiir Cabdi Rasiid uu lacag weydiistay Shirkadda, taas oo la sheegay in ay shirkadda ku cuslaatay, waxaana laga yaabaa in eedayntani ay daba socoto lacagahaas dulmiga ah ee shirkadda horey loo weydiiyey.

DAAWO WASIIR RAAF:

Sawirro RW Kheyre oo xarigga ka jaray xarunta wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya

w shaqada arrimaha bulshada1

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo dib-u-dhis lagu sameeyay.

Kheyre, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda, ayaa caddeeyay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay fariin xooggan u diyaraan “kooxda argagaxisada ee qorsheynayay in wasaaradda shaqadeedu istaagto.”

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Al-Shabaab ay shaqadoodu tahay dilka iyo duminta, islamarkaana ay dhismaha wasaaaradda weereen iyagoo doonayay in dadka Soomaaliyeed niyad jebiyaan.

Waxa uu intaas ku daray in damacoodii la diiday oo dib-u-dhis casri ah lagu sameeyay wasaaradda, taas oo muujineysa in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aan laga hor istaagi karin horumarka ay hiigsanayaan.

“Qoladii is laheyd dadka Soomaaliyeed niyaddooda jebiya waxaa loo diray fariin tii hore ka culus waayo wasaaradda waxaa loo dhisay si ka wanaagsan sidii ay aheyd markii ay soo weerareen, hadii ay is lahaayeen dadka Soomaaliyeed ayaa laga nixiyaa, la qalbi jebiyaa ama hiigsigooda hoos loo dhigaa, waxaan leennahay dadka Soomaliyeed isma dhiibaan ma niyad jabaan, lagama adkaado, hiigsigooda kama tagaan, marka ugu dambeysana iyagaa guuleysanaya sida taariikhda Soomaaliyeed ay sheegto”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre

Dowladda Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan shuruudihii deyn cafinta, waxaana IMF iyo Bangiga adduunka ay bishaan shaaciyeen in Soomaaliya ay muteysatay in deynta laga cafiyo.

Waxaa la sugayaa in dhawaan lagu dhawaaqo go’aanka deynta cafinta oo ay ka dhalanayaan fursado shaqo abuur ballaaran, waxaana wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ay muhiimad wayn u leedahay hoggaaminta fursadahaas dhallinyarada Soomaaliyeed shaqada loogu abuurayo.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre'Biri iyo maalmaha soo socda waxaa arkayaa Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga Cafiyo Deentii lagu lahaa.#goddhurwaa #online

Slået op af Goddhurwaa Online i Tirsdag den 25. februar 2020


Ciidamada Dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyey degmada Diinsoor iyo hogaamiye alshabab oo la dilay

ciidamada danab2

Wararka laga helayo degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay howlgallo ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmadaas.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa Saraakiisha qeybta ka ah ay sheegeen inay ka fuliyeen tuulooyinka gurman iyo gurbaan oo hoostaga degmada Diinsoor, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Cabdisalaan Xaaji Siidow ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay howlgalkaas guulo ka gaareen, isla markaana khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in dagaal kooban ay la galeen Ciidamada Ururka Al-Shabaab, isa markaana weli Ciidamadu ay wadaan howlgallo lagu doonayo in Ururka Al-Shabaab looga saaro deegaannada hoostaga degmada Diinsoor.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa dhawaan waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la qaatay Saraakiisha cusub ee Galmudug

qoorqoor

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay casho sharaf Magaalada Dhuusamareeb ugu sameeyay saraakiisha Cusub ee taliska qeybta guud ee Booliiska Galmudug.

Ujeedada kulanka ayaa aheyd isbarasho, dhiirrigalin iyo dardargalinta arrimaha amniga iyadoo kulankaan uu goobjooge ka ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo gelinkii dambe ee shalay halkaas gaaray.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa mudnaan gaar ah siinaya sugida amniga isaga oo u maraya dib-u habeynta laamaha amniga si ay awood ugu yeeshaa xaqiijinta nabadgalyada, kala danbeynta iyo hirgalinta sharciga.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kula dardaarmay saraakiisha cusub in ay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in si rasmi ah ay xilka ula wareegayaan Taliska Booliska Galmudug iyo taliyeyaasha degmooyinka ee dhawaan la magacaabay.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY