Home Blog Page 48

SABABAHA SOOMAALIDU U JECEL YIHIIN MADAXWEYNAHA TURKIGA ERDOGAN

madaxweyne erdogan

Waxaa hubaal ah in Soomaali badan jecelyihiin dalka Turkiga gaar ahaan madaxweynaha hadda ee Racep Tayyip Erdogan, waxaana laga yaabaa in aysan kuu iftiimsanayn sababta rasmiga ahi.

Turkida iyo Soomaalida waxaa ka dhexeeya xiriir taariikh fog leh, waana xiriirkii boqortooyadii Cusmaaniyiintu la lahayd Baariga Afrika, halkaas oo Soomaalidii ku dhaqnayd Geeska Afrika ay wakiil uga ahaayeen Cusmaaniyiinta qaybo badan oo ka tirsan Bariga Afrika.

Gurmadkii Turkigu u sameeyay Soomaaliya 2011 kii markii ay abaartu ku dhufatay ayaa loo arkayey mid taariikhi ah Soomaaliyana kusoo duway indhaha caalamka maadaam uu booqday madaxweynihii turkiga Racep Tyyib Erdogan, waxaana loo arkayey mid uu Erdogan ku muujinayo xiriirka fog ee Soomaaliya iyo Turkiga ka dhexeeyay maadaama uu ugasoo hor maray Jaamamacadda Carabta oo soomaaliya xubin ka tahay. Waxaa Erdogan loo arkaa nin doonaya in uu soo celiyo sameyntii ay Boqortooyadii Cusmaaniyiintu ku lahayd caalamka.

Wuxuu turkigu aad u daneynayaa siiba Erdogan iyo xisbigiisu in ay saameyn balaaranb ku yeeshaan Afrika.

Si taasi u hir gashana dhanka Soomaaliya wuxuu sameeyay talaabooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin in uu Soomaaliya ka furtay safaaraddiisa ugu weyn Afrika iyo sidoo kale saldhigga milatari ee ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa (TURKSOM).

Waxaase intaas dheer sida uu sheegay Cabdibaasid Moxamed Cabdurraxmaan oo ah aqoonyaha ahna siyaasi falanqeeya siyaasadda Bariga Afrika iyo Carabta in Turkigu oo dhaqaala joogta ah siiyo Soomaaliya isaga oo misaaniyadda dawladda ku kaba “qiyaastii shan milyan oo doolar bishii,”.

Turkigu wuxuu Soomaaliya u tababaraa ciidamo, arday ayaa jaamacadiihisa bilaash ku dhigata inkastoo ay jiraan kuwa kale oo qiime jaban wax kaga barta dalkaas, isbitaallo iyo dugsiyo waxbarashgo ayuu ka hir gelyay Soomaaliya si guudna waxaa loo arkaa Turkigu inuu yahay “isku xiraha caalamka iyo soomaaliya” isaga oo diyaaraddiisu noqotay shirkaddii diyaaradeed ee caalami ah taas oo soomaaliya dib uga bilowday duulimaadyo.

Saas darteed waxaa loo arkaa in xiriirkaas oo dhan uu Erdogan sabab u yahay haddii uu meesha ka baxana ay Soomaalidu waayi doonto taageerada ay Turkiga ka hesho.

Balse haddii uu meesha ka baxo Erdogan “Xiriirkaas oo dhan in uu meesha ka baxayo ayaa la rumeysan yahay, waxyaabaha lagu eedeeyo ee lagu dhaliilo ee mucaaridku ku dhaliili jireenba taasay ahayd, oo miisaaniyado iyo lacaga uu ku bixiyey dalal kale,” ayuu yiri Cabdibaasid. “Xiriirkaas oo dhan waxaa la filaya in la qaboojin doono amaba uu istaago doono.” Ayuu sii raaciyey Cabdibaasid Maxamed Cabdurraxmaan oo BBC-da u warramayey isaga oo ka hadlayey suurta galnimada ah in Erdogan looga guuleeysto doorashada dalkaasi ka socota.

Arrimahan iyo kuwa kale awgood ayey Soomaalidu dal iyo dibadba waxay taageero u muujiyaan Racep Tayyib Erdogan iyada oo magaalada “Muqdisho si dhow loola socday doorashada” dalkaas, halkaas oo “dhalin yaradu dabbaa degayeen mar waliba oo codadka Erdogan ay kor maraan” ayuu yiri Cabdibaasid.

DAAWO MAAMULKA SSC OO KA WARBIXIYEY DAGAALLO GOBOLKA SOOL MAANTA KA DHACAY

caaqil cabdirisaaq falaalug

DAAWO MAAMULKA SSC OO KA WARBIXIYEY DAGAALLO GOBOLKA SOOL MAANTA KA DHACAY.

SSC-KHAATUMO OO WARSAXAAFADEED KA SOO SAARAY DAGAALO KA SOCDA GOBOLKA SOOL

caaqil cabdirisaaq falaalug

Waxaa barqanimadii maanta Ciidamada malayshiyada Somaliland ay labo weerar ku soo qaaddeen deegaanka Dhabansaar iyo duleedka Tuulo-Samakaab iyo bariga magaalada Laascaanood, iyaga oo dharbaaxo iskacaabbin ah oo kulul kala kulmay Ciidamada xaq-u-dirirka ah ee difaaca shacabka SSC.

Dhinaca Dhabansaar, maalmihii ugu dambeeyey Malayshiyada Somaliland waxay ku aruurisay ciidamo qorshohoodu ahaa in ay kaga dabotagaan shacabkii hore uga qaxay madaafiicda ay ku garaacayaan magaalada Laascaanood, iyada oo uu dagaalka ay isku difaacayaan shacabka deegaanku uu weli ka socdo duleedka Samakaab, waxaana jab xooggan halkaas lagu gaarsiiyey ciidamada malayshiyada Somaliland.

Dhinaca duleedka bariga Laascaanood ayaa waxaa ka socda dagaal ka dib markii ay weerar soo qaadeen malayshiyada Somaliland, ciidamada shacabka deegaanka ayaa weerarka caabbiyey welina dagaal qadhaadh ayaa aagaa ka socda. Shacabka deegaanka SSC-Khaatumo waxay wacad ku mareen in ay dalkooda ka sifeeyaan malayshida duulaanka ku ah.

Caaqil Cabdirisaaq Falaalug

Afhayeenka SSC-Khaatumo.

DAGAAL CULUS OO DHEXMARAY MAAMULADDA SSC KHAATUMO IYO SOMALILAND

war deg deg

Dagaal xoogan ayaa saaka ka bilowday aaga DhabanSaar iyo Dirindiir ee waqooyiga Laascaanood, kadib markii ciidamada Somaliland weerar ku qaadeen Ciidamada SSC Khaatumo oo halkaas ku sugnaa.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ciidamada SSC ay Guullo la taaban karo dagaalka ka gaareen iyagoo qabsaday hub iyo gaadiid dagaal oo uu ka mid yahay qoriga Suuga loo yaqaan.

Sidoo kale dagaalo ayaa ka dhacay Barriga iyo Galbeedka Magaalada Laascaanood welina wax faahfaahin ah kama soo bixin.

XASUUQII LAASCAANOOD: MAXKAMAD U YEERTAY MADAXWEYNAHA IYO WASIIRKA DIFAACA SOMALILAND

muuse biixi iyo abdiqani wdsl

Dacwad ku saabsan Xasuuqii Somaliland ka geysatay Magaaladda Laascaanood oo laga furay Maxkamad ku taal dalka Maraykanka ayaa maanta markii ugu horeysay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa Difaaca ka dalbay inay maxkamadda horyimaadaan si ay uga jawaabaan dembiyada lagu soo eedeeyey.

Sida uu dhigayo xeerka 28 U.S. Code § 1608 waxaa wargelinta dacwadda iyo yeerista Jawaabcelinta loo mariyey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland, iyagoo laga sugayo inay 60 casho ku yimaadaan si ay dacwada uga jawaabaan.

Dacwadan oo maanta hayadda ku doodaysaa ay bogeeda twitterka ku baahisay ayaa isugu jirta dalab magdhow gaaraya 1.3 bilyan dollar iyo tacadiyo.

GUDDIGA DOORASHADA TURKIGA OO KU DHOWAAQAY WAQTIGA WAREEGA LABAAD

turkey flag1

Guddoomiyaha guddiga sare ee doorashada, Ahmet Yener, ayaa ku dhawaaqay in xadiga sanduuqyada cod bixinta ee la furay markii ay saacadda Turkiga aheyd 15:15 uu gaaray 100%.

Waxaa wareegga labaad ee doorashada la qaban doonaa maalinta Axadda ah, ee ay bisha ku beegan tahay 28-ka Bishan May, 2023, sida ku cad jadwalka xiliga doorashadii hore loo shaaciyay.

Isagoo sheegay in tirada codbixiyayaashu ay ahayd 88.92 boqolkiiba, Yener, ayaa sheegay in 52.69 boqolkiiba ay ka soo baxeen dibadda, iyo inay jiraan 35,874 codad dibadda ah oo tirintooda ay socoto.

Yener waxa uu yidhi, “Sida ku cad natiijooyinka hordhaca ah, waxa la ogaaday in Edogan uu helay 49.51%, Kılıçdaroğluna uu helay 44.88%. Ogan ayaa helay 5.17%, halka İnce uu helay 0.44%.

Guddoomiye Yener, ayaa ku dhawaaqay in haatan wixii ka danbeeya la sameyn karo olole siyaasadeed, si looggu diyaar garoobo tartanka doorashada wareega labaad.

MADAXWEYNHA ERITREA OO SAFAR KU TEGAY DALKA SHIINAHA

afwerki iyo li qiang

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo safar naadir ah ku jooga dalka Shiinaha, ayaa magaalada Beijing kula kulmay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping iyo Ra’iisul Wasaaraha Li Qiang.

Isaias ayaa ubax dhigay Taallada Halyeeyada Dadka ee fagaaraha Tiananmen, taasoo lagu xasuusan doono dhammaan dadkii ku dhintay halgankii lagu dhisay Shiinaha casriga ah.

Sannadkii 1989kii fagaaraha Tiananmen, ayaa waxay noqotay goob ay ka dhacaan mudaaharaadyo waaweyn, oo lagu doonayay xorriyad siyaasadeed oo weyn.

Mudaaharaadyada ayaa waxaa ka hor yimid maamulka Shiinaha.

Isaias ayaa ammaanay waxa uu ugu yeeray wax ku biirinta Shiinaha ee wax ka bedelka nidaamka adduunka.

MADAXWEYNE ERDOGAN OO KU HOREEYA TIRINTA CODADKA SHACABKA TURKEY

madaxweyne erdogan

Natiijada horudhaca ah ee doorashada Turkiga ayaa waxaa tebisay wakaaladda wararka Reuters, waxayna muujineysaa in Madaxweyne Erdogan uu aad ugu horreeyo.

Balse waxay ku saleysan tahay qeyb yar oo ka mid ah codbixinta, 9.1%. Iyadoo taas lagu saleynayo, ayaa warbaahinta HaberTurk waxay tebisay in Erdogan uu 59.47% ku hoggaaminayo musharraxa mucaaradka Kemal Kilicdaroglu oo heysta 34.79%.

INALILAAHI WAA INA ILEYHI RAAJICUUN CAAQIL AXMED CABDI GAAS HOOLIF

tacsi1

Illaahay how naxariisto Chief Caaqil Axmed Cabdi Gaas (Hoolif) oo maanta ku geeriyooday Degmada Yagoori ee Gobolka Sool.

Caaqil Axmed wuxuu ahaa waxgarad ku caanbaxay samokatalinta iyo ka shaqeynta wanaaga shacabka SSC.

Marxuum Axmed waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu u naxariisto, samir iyo Iimaana ka siiyo qoyskiisii, qaraabadiisa iyo shacabka SSC. AAMIIN

AL JAZEERA OO COLAADA LAASCAANOOD KA QORTAY WARBIXIN DHEER

somaliland vs khaatumo

AL JAZEERA AYAA COLAADA LAASCAANOOD KA QORTAY WARBIXIN DHEER OO AY CINWAAN UGA DHIGTAY (COLAADA LAASCAANOOD WAXAY SOO AFJARTAY RIYADII DIBLOMAASIYADEEDKA EE SOMALILAND)

Conflict in disputed Las Anod dims Somaliland’s diplomatic dreams

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY