Home Blog Page 587

Diyaarado duqeyn ka geystey degmooyinka Saakow iyo Bu’aale

AlShabaab drone

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn loo adeegsaday diyaarado xalay lagu burburiyay  gaadiid ay Alshabaab ku diyaarinayeen qaraxyo la qorsheynayay in laga geysto magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa la sheegay in lagu qaaday xaafado ku yaal degmooyinka Saakow iyo Bu’aale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale duqeyntan ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun lagu tababari jirey maleeshiyada Al-Shabaab.Illaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay duqeymahan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in la maqlay illaa 7 duqeyn loo adeegsaday gantaallo iyadoo la arkay holac iyo uuro ka baxayay goobaha la duqeeyay.

Lama oga halka laga lahaa diyaaradaha duqeeyay labadan magaalo balse diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Droneska loo yaqaan ayay ciidamada Maraykanka u adeegsadaan duqeynta lala beegsado ururka Alshabaab.

Finland oo Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 8.9 milyan

dollar

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Finland ayaa sheegtay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ugu deeqday lacag malaayiin Doller ah, taas oo loogu tala galay in wax looga qabto dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira dalka.

Lacagtan oo dhan 8.9 milyan oo Doller-ka Mareykanka ayaa waxaa maanta ku dhawaaqay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Finland, Eric Landberg, wuxuuna sheegay in Soomaaliya lacagtaasi loo soo marsiin doono Bangiga Adduunka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdiisa ay si aad ah ugu faraxsan tahay horumarka ballaaran ee ay sameysay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dib u habeynta lagu sameeyey hay’adaha dowliga wixii ka dambeeyey sanadkii 2012-kii.

“Waxaan ku qanacsanahay horumarka ballaaran ee lagu sameeyay hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya iyo dib u habeynta la sameeyay tan iyo 2012, laakiin caqabado badan ayaa jira, gaar ahaan xaqiijinta gaarsiinta adeegyada meelaha ugu liita” ayuu yiri Danjire Eric Landberg, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Finland.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Finland ay laba jibaari doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, islamarkaana ay kala shaqeyn doonto dowladda federaalka, sidii ay uga gudbi laheyd caqabadaha haatan jira.

Ugu dambeyn Hague Riedel oo ah agaasimaha xafiiska Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa yiri “Finland waxay weli tahay la-hawlgale muhiim u ah Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya.

“Taageerada cusub ee Xukuumadda Finland waxay noo suura galineysaa inaan sare u qaadno taageerada awoodda Dowladda si loo hagaajiyo adeegyada muhiimka u ah Soomaaliya, Finlandna door muhiim ah ayey ku leedahay qaabeynta jihada Sanduuqa,”ayuu hadalkiisa ku sii daray Hague Riedel.

Finland ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka qaaradda Yurub ee sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaana ay ka caawisaa dhinacyo kala duwan oo ay ugu horreyso maaliyadda.

Gawaari qaraxyo usoo siday Muqdisho iyo Sh/Hoose oo duqeyn lagu bur-buriyey

AlShabaab drone

Wararka ka imanaya degmooyinka Saakow iyo Bu’aale oo ka tirasn gobalka Jubada Dhexe ayaa soo sheegay in xalay diyaarado dagaal ay duqeyn ka geesteen xaafado ka tirsan degmooyinkaasi.

Duqeymaha ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday laba xarun oo mid kamid ah aheyd goob ay Al-Shabaab ku diyaariyaan qaraxyada waa-weyn iyo xarun ciidan, sida ay soo sheegayaan mas’uuliyiin ka tirsan hey’adaha amaanka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymihii xalay dhacay ay ka dhasheen khasaare dhimsaho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab, islamarkaana ay dhowaan soo bandhigi doonaan.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ay maqleen dhawaaqa in kabadan 7 gantaal islamarkaana ay arkeen holac ifaya kaas oo la sheegay in si weyn looga dareemay degmooyinkii la weeraray.

Saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee milateriga ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday Bu’aale ay ku beegsadeen gawaari qaraxyo lagu soo xiray oo ay Al-Shabaab doonayeen in ay ku soo weeraraan magaalada Muqdisho iyo fariismo ciidan oo ku yaala Shabeellada Hoose.

Lama oga diyaaradaha duqeynta geystey heybtooda waxaana soo badanaya beegsiga xaruumaha muhiimka ah ee Al-Shabaab.

MW Farmaajo oo saxiixay sharci muhiim ah oo u xayirnaa kobcinta dhaqaalaha

farmaajo saxiix

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo qeyb ka ah dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay dhammaystirka Sharcigan.

“Sharcigani waxa uu ku saabsan yahay maamulka dakhliga waana Sharci la jaan-qaadaya nidaamka casriga ah ee ururinta dakhliga. Qodobbada uu ka hadlayo sharcigan waxaa ugu muhiimsan bixinta canshuurta iyo sidii loola macaamili lahaa canshuur bixiyaha.”

Munaasabadda Saxiixa sharcigan kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahu Farmaajo waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirrada iyo Madaxda Waaxyaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxa uuna si mug leh ugu soo bandhigay dhibaatada musuqmaasuqa laga dhaxlo, isaga oo adkeeyey go’aan adayga iyo tallaabooyinka muuqda ee Dowladdu ay ku wajahayso.

Munaasabbadda Saxiixa Sharcigan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi), Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Hanti-dhoraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamuud.

Ruushka oo 40 sano kadib dib u soo celinaya Iskaashigii Difaaca Soomaaliya

wkgaashaandhiga ruushka iyo amardambe

Intii lagu guda jiray Shirkii Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ee dhowaan ka dhacay magaalada Sochi ayaa waxaa kulan gaar uu dhex maray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) iyo Wasiir kuxigeenka Difaaca Ruushka Col. Alexander Fomin.

Warbaahinta Ruushka ayaa warbixin ka qortay Kulankan dhex maray labada dhinac, waxaana kulankan uu ahaa kii u horeeyay laba geesood ah oo dhexmara Waaxaha difaaca Soomaaliya iyo Ruushka, kadib burburki Midowgi Soviet.

Inkastoo kulankan aanay wax war ah ka soo saarin dhanka dowladda Soomaaliya, hadana wuxuu ahaa kulan dowladda ahmiyad gaar ah ahaa, marka loo eego arrimaha Iskaashiga Difaaca iyo Ciidamada, maadaama Wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo ee ka qeyb galay shirkii Sochi uu qeyb ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed ayaa waxaa kulanka ku wehliyay La Taliyaha Siyaasadda arrimaha dibadda Balal Cusmaan iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ruushka.

Wasiir Amar Dambe ayaa Wasiir kuxigeenka Difaaca Ruushka la wadaagay xaalada siyaasadeed ee militari ee soo ifbaxaysa Soomaaliya iyo dowladaha dariska la ah ee Geeska Afrika.

Dhanka kale, Alexander Fomin ayaa ku wargaliyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya arimaha ku saabsan suurtagalnimada dib u soo celinta iskaashiga difaaca Ruushka iyo Soomaaliya, iyadoo la tixgalinayo xayiraadaha saaran Soomaaliya

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhankiisa xaqiijiyay inuu danaynayo horumarinta iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal.

Midowgii Soviet ayaa saameyn weyn kulahaa dhismihii Ciidamadii Qaranka Soomaaliya, inkastoo xiriirkii Soomaaliya iyo Midowgii Soviet uu xumaaday dagaalkii 1977 ee Itoobiya  iyo Soomaaliya, kaddib ay la safteen Itoobiya.

Donald Trump oo ku dhawaaqay inuu dhintay Hoggaamiyihii Daacish, xilli uu is qarxiyay

trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay in la dilay Hoggaamiyaha Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi, kaddib howlgal ay Ciidamada Milateriga Mareykanka ka fuliyeen waqooyiga dalka Suuriya.

Donald Trump oo goor dhow Wariyeyaasha kula hadlayay Aqalka Cad ayaa sheegay in Abuubakar Al-Baqdaadi uu u dhintay sidii Eeygi oo kale oo aanu sidii geesi oo kale u dhiman sida uu yiri.

Trump ayaa sheegay inay muddo todobaadyo ah ay ku raad-joogeen Al-Baqdaadi waxaa uu boggaadiyay Ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalka, waxaana uu intaa ku daray in illaa 8 Helicopter ay ka qeyb qaateen howlgalkaas.

Abuubakar Al-Baqdadi ayaa la sheegay inuu is qarxiyay, jaakad kuwa qaraxa ah, markii ay Ciidamada Mareykanka ku soo dhowaadeen goobtii uu ku dhuumaaleysanayay oo ahaa dhulka hoostiisa, kaddib duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen goobtii uu ku sugnaa.

Baqdaadi ayaa sanadkii 2014 ku dhawaaqay Khilaafo islaami ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya, xilligaasoo Kooxda uu hoggaamiyo ee ISIS la wareegtay inta badan labadaas dalal, kana fulisay dilal badan iyo weeraro.

Remarks at a UN Security Council Briefing on the Situation in Somalia

un security c

Michael Barkin
Senior Policy Advisor
U.S. Mission to the United Nations
New York City
October 25, 2019

AS DELIVERED

Thank you, Mr. President.

Ambassador Pecsteen, thank you for your briefing today. Your work as the chair of the 751 committee continues to contribute not only to the work of this Council, but also to the international efforts to advance peace and stability within Somalia and in the region.

Despite positive developments, the Federal Government of Somalia continues to face significant challenges on its path towards building a safe, stable, and prosperous country. Somalia’s ongoing humanitarian crisis remains particularly concerning. An estimated 1.7 million people in Somalia face life-threatening food insecurity, and at least 4.2 million people require urgent humanitarian assistance.

The seemingly endless cycle of attacks upon civilians, included those cited in the latest POE report and echoed in numerous prior reports from UN experts, must cease in order for Somalia to prosper. I note that al-Shabaab was once again responsible for the highest number of attacks against civilians. We are committed to the 751 Somalia sanctions regime and to using this regime to disrupt al-Shabaab and its ability to conduct attacks against Somali, AMISOM, and U.S. forces.

As part of this effort, we look forward to cooperating closely with the FGS and the international community to disrupt and ultimately eliminate the sources of financing for al-Shabaab and ISIS in Somalia. Al-Shabaab continues to expand its revenue base through extensive informal taxation, and ISIS increasingly uses Somalia as a financial conduit to its regional affiliates. We look to partners to strengthen information sharing on these threats both with the FGS and multilaterally.

As we work to counter terrorism in Somalia, the United States continues to build the capacity of Federal Government of Somalia security forces to secure and properly manage their conventional weapons stockpiles to prevent pilferage and unauthorized transfers. International partners can help by coordinating closely on their respective security assistance efforts with the Somali(an) government. AMISOM and the Somali government should continue working toward a conditions-based transfer of security responsibilities.

Finally, and in complete agreement with my colleagues from Germany and Great Britain, with respect to the Federal Government of Somalia’s non-cooperation with the UN Sanctions Panel of Experts, we continue to encourage Somali officials to engage with the Panel and work to address the challenges – as highlighted by the Panel – that impede Somalia’s progress towards security and stability. The ongoing refusal of the FGS to engage with the Panel of Experts, and to support its work, is troubling. The Panel serves as the eyes and ears on the ground in Somalia and in the region for the Sanctions Committee and ultimately for this Council. We will not ignore, or enable, the FGS’s ongoing efforts to stymie the work of the Panel of Experts.

We look forward to engaging this Council, the Committee, the POE, and our Somali partners, to further the objectives of peace and stability in Somalia and the region, and ultimately to ensure a better future for all Somalis.

Thank you.

Xiisadda Nile: Sacuudiga oo dhabarka ka toogtay Masar, Itoobiyana la safatay

price m binu Salman iyo sisi

Dowladda Sacuudiga ayaa ku biirtay xiisada adag ee ka dhex aloosan Itoobiya iyo Masar, iyadoona dhinac la noqotay dowladda Itoobiya, sida uu sheegay Mohamed Hafez.

Mohamed Hafez, oo ah Injineer khabiir ku ah biyo xireenada, ayaa waxa uu markii u horeysay shaaca ka qaaday in Dowladda Sacuudigu ay gacan weyn ku leedahay dhiska biyo-xireenka ay rabto inay sameyso dowladda Itoobiya.

Hafez oo u warameyay wargeyska Al Khaleej, ayaa waxa uu si cad u sheegay in dowladda Sacuudigu ay talaabooyin badan u qaaday sidii ay dhinaca uga qaban laheyd dowladda Masar, isla markaana ay biyo-xireenkaasi  uga faa’iideysan laheyd.

Injineerka ayaa waxa kale oo uu sheegay in madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Al-Bashiir uu dowladda Riyadh u ansixiyay helitaanka dhul milyan hektar ah oo ku yaala gobolka wabiga Niil.

Waxa sidoo kale uu xaqiijiyey in dowladii Suudaan ee uu hogaaminayay madaxweyne Al-Bashiir, inay shirkado Sacuudigu uu leeyahay oo gaar loo leeyahay ay u ansixiyeen dhul dhan Hal milyan oo hektar, kaasi oo ku yaala bariga wabigaasi.

Mohamed ayaa waxa kale oo uu bidhaamiyay in dowladda Sacuudigu ay rabto in keyd weyn ka sameysato sanadkii biyo xireenkaasi, kaasi oo si joogta ahna u geyn doonta dhulka Boqortooyada, iyadoo la sii marinayo Suudaan.

“Dhulka beeraha ee Sacuudigu si weyn ayey uga faa’iidaysan doonaan dhammaystirka dhismaha biyo-xireenka, iyagoona buuxin doona kaydadkooda” ayuu yiri Mohamed Hafez.

Wuxuuna intaas kusii daray “Biyaha ka yimaada dhinaca biyo-xireenka ayaa waxa lagu ridi doonaa sanadka oo dhan keydka, iyadoona si joogto ah loo geyn doonaa dhulka Boqortooyada”.

Hadalka Khabiirkani, ayaa waxa uu muujinaya in dowladda Sacuudigu ay dhabarka u jeedisay dowladda Masar oo saaxiib dhow la aheyd, isla markaana ay Itoobiya ku taageerayso dagaal ka dhan ah Masar, haddii laga maarsami waayo.

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay Shirkii Ruushka iyo Afrika ka dib

farmaajo3

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdiga heer Qaran ee kala qeyb galay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Ruushka oo ku qabsoomtay magaalada Sochi ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa intii uu shirku socday waxa uu la wadaagay Hoggaanka dalka Ruushka ee marti-gelinayey Madasha, Madaxda Afrika iyo Maalgashadeyaasha Caalamiga ah ee ka soo qeyb galay guulaha la taaban karo ee Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha ay muhiimka tahay in walaalaha Qaaradda Afrika ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay qeyb xooggan uga noqdaan dadaallada dib-u-kabashada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha goob joogga ku ahaa Madasha Sochi muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo isu furfurnaanta maalgashi, maadaama hayaan hor u socod iyo horumar ah ay ku tallaabsadeen inta badan dalalka Qaaradda Afrika, taas oo xoojinaysa isku duubnida iyo in la ixtaraamo dal kasta madax-bannaanidiisa iyo karaamada shucuubta Qaaradda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ay si buuxda u hirgalaan qodobbada iskaashi ee ka soo baxay war-muriyeedka Madasha Dhaqaale ee Sochi, isagoona soo bandhigay sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu diyaarsan yihiin ka faaiideysiga fursadaha maalgashi iyo horumarineed ee lagu jaangooyey Madashaas.

Wasiir Cawad oo qaabilay Safiirka Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya

cawad safiirka sucuudiga M Cqani Khayaad

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay Xarunta Wasaaradda Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u qaabilsan Soomaaliya Dr. Maxamed Cabdulqani Khayaad oo saldhigiisu yahay magaalada Nairobi.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo qadiyadaha labada dal ay wadaagaan.

Sidoo kale intii uu socday kulanka ayaa waxay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa iskaashi adag oo wax ku ool ah ee dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxaa kaloo kulanka diiradda lagu saaray ka wada hadalka dhowr arrimood oo quseeya Soomaaliya iyo Sacuudiga xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa weli soo aqbalin Safiirka Soomaaliya ee dalkaas loo magacaabay C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir, kaasoo dhamaadkii bishii May uu wareegto ku magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Muddo Sanad iyo bilo ayay Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga tahay Safiir la’aan, tan iyo markii Safiirkii hore Daahir Maxamuud Geelle loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya sanadkii 2018, inkastoo sanad kaddib uu iska casilay xilkaas, waxaana Amb. Daahir Geelle uu ahaa Safiirkii u horeeyay ee Sacuudiga soo aqbala burburkii dowladdii dhexe kaddib.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY