Home Blog Page 67

MUUSE BIIXI-YOW CIIDANKA GOBOLADA SSC KA SAAR OO ISCASIL

Madaxweyne muuse biixi aftaag

Dagaalkii Laascaanood maalintii 2aad ayuu galay, waxaa laysu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, dagaalkii shalay wuxuu socday 12 ka badan, saakana sidii shalay buu aroortii hore bilowday, Jamaahiirtu waxay la wareegeen goobo cusub, saacadba saacada ka dambeysa dhiig badan oo labada dhinac ah baa qubanaya, umana eka mid laga rejo qabo inuu joogsado, ilaa Hargeysa iyo Burco xaqiiqada ku soo noqdaan oo Madaxdhaqameedkooda, siyaasiyiinta, xisbiyadda iyo shacaba ay iska dhaafaan idowladeynta, isyeelyeelka, ismaahinta iyo khiyaaliga laysku maaweelinayo.

Shacabkaas walaalaha ahi ma kala maarmayaan, si mustaqbalka ay nabad ugu wada-noolaadaan, wadada keliya ee xal lagu heli karaa waa Ciidamadda Somaliland oo ka baxa Goboladda SSC iyo Muuse Biixi oo Iscasila.

Nabadgelyo iyo wadahadal suurtoobayaa majiro ilaa Madaxdhaqameedka iyo Waxgaradka Isaaq xaqiiqada wajahdo oo ay ku dhiiradaan casilaada Muuse Biixi iyo Ciidamada oo degaamadaas laga saaro.

DAGAALKII LAASCAANOOD OO AROORTII HORE DIB U BILOWDAY

war deg deg

Dagaalka ka socda Laascaanood ayaa saaka dib u bilowday kadib markii ciidamadda maamulka Hargeysa ay aroortii hore weerar ku qaadeen Ciidamada iyo Jamaahiirta SSC.

Dagaalka intiisa badan wuxuu socdaa dhabarka dambe ee Buurta Sayidka.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa xaqiijinaya in dib loo riixay Ciidankii weerarka soo qaaday, waxaana cad in jamaahiirtu gacanta ku hayaan goobihii weerarku ka dhacay. Xabaduna weli waa socotaa.

DAAWO GARAAD JAAMAC GARAAD CALI OO SHACABKA UGU BAAQAY INAY ISDIFAACAAN

garaad jaamac garaad cali

Garaadka Guud ee Goboladda SSC Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa shacabka ugu baaqay inay hubka qaataan oo isdifaacaan.

GOAAMADDII SHIRKII AAYO KATASHIGA SSC OO LA SOO SAARAY

aayo katalinta ssc

War murtiyeedka shirkii laascaanood ka socday in kasta oo ay qoraalka ku soo saree n luqada englishka balse turjumaadeedu waa intan

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Og: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Labada Aqal)

Og: Xubnaha Golaha Ammaanka

Og: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Og: Guddoomiyaha Midowga Afrika

Og: Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta

Og: Dawladaha xubnaha ka ah IGAD

CC: Dhammaan ergada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya

BAAQ LAASCAANOOD

5 Febraayo 2023.

Shacabka Soomaaliyeed iyo inta badan Beesha Caalamka ayaa ka warqabta in 15-kii sano ee u dambeeyay ay deegaanada SSC-Khaatumo kala kulmeen dhibaatooyin badan oo ay sababeen in ay si sharci darro ah ku joogaan maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland.

Dhibaatooyinkaasi waxa ka dhashay kacdoonkii loo yaqaanay “Kacdoonka Buluuga ah” kaas oo shacabka ku dhaqan goboladaasi ay u istaageen inay ka soo horjeestaan gooni-isu-taagga Somaliland, iyagoo si hagar la’aan ah u taagay calankii Soomaaliyeed ee buluugga ahaa.

Waxay ka dhiidhiyeen ajandayaasha xasuuqa ah ee lagu beegsanayo muwaadiniinta caanka ah, cunaqabataynta dhaqaale ee ka hortagaysa joogitaanka hay’adaha horumarinta ee goboladan, ku xad-gudbida xuquuqdooda nololeed, xoriyada iyo raadinta farxadda.

Si looga hortago dhibaatooyinkaas, waxaa lagama maarmaan noqotay in la qabto shirweyne aayo-ka-tashi ah oo ay isugu imaanayaan madax-dhaqameedka, culumaa’udiinka, waxgaradka, haweenka iyo ururada dhalinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah. Waxay shirka ku qabteen magaalada Laascaanood ee xarunta u ah gobolada SSC-Khaatumo 28 January 2023 ilaa 5 February 2023.

Falanqeyn dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka dib, ergadu waxay si wadajir ah isugu raaceen qodobbada soo socda.

1- Waxaan cadeyneynaa in aanan ka tirsaneyn Maamulka Somaliland, isla markaana aanaan marnaba ogoleyn, kana qeyb qaadaneyn barnaamijka gooni-isu-taagga, inkastoo maamulka Somaliland uu isku dayayo inuu nagu khasbo si ka soo horjeeda xeerarka iyo xeerarka caalamiga ah.

2-Deegaanka SSC-Khaatumo waxay ka tirsan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna u taagan yihiin midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Ergadii shirka maamul u samaynta SSC iyo Khaatumo waxay doorteen 45 xubnood oo ka kooban 45 xubnood oo maamuli doona arrimaha deegaanada SSC-Khaatumo.

4-Shirweynaha aayo-ka-tashi ee SSC iyo Khaatumo wuxuu ku dhawaaqayaa in dhulka SSC- Khaatumo lagu maamuli doono dastuurka iyo shuruucda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

5. Annagoo ka duulayna qodobka 48-aad ee dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xubintiisa 2-aad, waxaan go’aansannay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay maamusho gobollada SSC-Khaatumo inta laga dhameystirayo federaaleynta dhulka Soomaaliyeed.

6. Maamulka Somaliland waa in uu ixtiraamaa rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo ee ku aaddan aayo-ka-tashigooda, maamulka Somaliland-na uu ciidamadiisa kala baxo dhulka SSC-Khaatumo shuruud la’aan.

7. Waanu soo dhawaynaynaa wadahadal kasta oo lala yeesho Somaliland, waa marka ay si buuxda ciidamadooda ugala baxaan deegaanada SSC-Khaatumo.

8. Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanu ahayn argagixiso sida uu maamulka Somaliland isku dayayo in uu nagu sumadeeyo. Anagu waxaanu nahay dadkii lahaa deegaanada SSC-Khaatumo ee ay Somaliland ku soo duushay oo ay xoog ku qabsatay. Isla markaana aanu diyaar u nahay oo aanu awood u leenahay in aanu ilaalino amniga deegaamadayada, waxa aanu diyaar u nahay in aanu kala shaqayno maamulada iyo gobolada aanu dariska nahay wax kasta oo khuseeya amniga, nabadgalyada iyo xasiloonida.

9. Shaki kuma jiro in Maamulka Somaliland uu masuul ka yahay dilalka iyo dilalka qorsheysan ee loo geysanayo shacabka SSC- Khaatumo ee 15-kii sano ee u dambeeyay ay dhulkeena xoog ku heystaan. Waxaaba laga yaabaa in taasi ay sare u kacdo olole lagu xasuuqayo shacabka SSC-Khaatumo. Tani waxay abuurtay jawi cabsi leh oo saameyn xun ku yeeshay maal-gashi iyo dhaqdhaqaaq ganacsi.

10. Waxaan ugu baaqaynaa Madax-dhaqameedka, Culimo-awdiinka iyo Waxgaradka Beesha Isaaq inay maamulkooda ku qanciyaan inuu ciidamadiisa kala baxo SSC-Khaatumo.

dhulalka iyo ka hortagga amni-darrada iyo suurtagalnimada colaad aan loo baahnayn oo waxyeello leh.

11. Waxaan beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka ugu baaqaynaa inay baaritaan ku sameeyaan gabood-fallada uu maamulka Somaliland u geystay dadkeenna.

12. Waxaan ugu baaqaynaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka in ay si toos ah ula macaamilaan guddiga maamulka loo doortay ee u xilsaaran in ay maamulaan dhammaan arrimaha khuseeya deegaanada SSC-Khaatumo.

13. Natiijadii iyo go’aamadii ay si wadajir ah u gaadheen dhammaan ergadii ka qayb-galaysay shirweynihii aayo-ka-tashi ee ka dhacay magaalada Laascaanood, waa kuwii ugu dambeeyay, waxaana lagu beddeli karaa hab-raac iyo hab-maamuus isku mid ah.

=Dhamaad=

QAYBTA ENGLISH-KA

DAAWO KACDOONKII BULUUGA OO DEGMADDA CEEL-AFWEYN GAARAY IYO CALANKII SOOMAALIYA

ceelafweyn2

Degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag xaalad ayaa ka taagan maanta kadib markii ay dhaceen mudaharaadyo ay shacabku sitaan Calankii Buluuga Soomaaliya oo 32 sano aan degaamadaas laga arag.

Mudaharaadyada ayaa looga cabanayaa dilal ku soo noqnoqday deegaankaasi oo Ciidamada dawladdu gaysanayaan.

Mudaharaadka kadib dad gadoodsan oo sita Calanka Buluuga iyo Ciidamada Booliska ayaa isku dhacay, waxana la maqlayaa rasaas Ciidamadu ridayaan.

Dhinaca kale Xildhibaanno laga soo doorto gobolka Sanaag oo maanta Warbahainta Hargeysa kula hadlay ayaa sheegay in dilalka ka dhacaya degmada Ceel-afweyn ay yihiin kuwo qorshaysan oo shacabka lagu dhibayo.

DAAWO GABDHIHII SAMAROON OO BOORAME KA MUUSANAABAYA

Maamulka Hargeysa ayaa maanta xabsiyadda dhigay dhalinyaro xusayey waalidiintoodii SNM Xasuuqday.

WAREYSI RUNTA LOOGU SHEEGAY MAAMULKA HARGEYSA EE XAALADA LAASCAANOOD OO SAXAAFADA LAGA SAARAY

cabdirisaaq sanweyne

Wareysi uu bixisay Siyaasi Cabdirisaaq Sanweyne oo Goboladda SSC ka soo jeeda ayaa si weyn uga cadheysiiyey Maamulka Hargeysa ee xasuuqa ka geystay Magaalada Laascaanood, taasoo kaliftay in Saxaafada Hargeysa laga saaro.

HORGAL XUSEEN AADAN CADDE OO KALSOONIDII BEESHA LAGA XAYUUBIYEY

Beesha Jibriil Naaleeye ee SSC ayaa si cadho leh uga jawaabay hadallo uu Horgal Xuseen Aadan Cadde ka jeediyey duleedka Laascaanood.

Beesha oo kuland deg dega isugu timid ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku cadeynayaan in aanu metelin, iyadoo waxgaradka Beeshu si isku mid ah u yiraahdeen ”Hadalkii horgal Xuseen Aadan Cadde naguma matalo haddii aan nahay Beesha Jibriil Naaleeye Axmed caaqilna maaha waa horgal”.

GOONI-U-GOOSATADA SNM OO XOOG KU CABUDHISAY SHACABKA BOORAME

xasuuqii awdal 1991

Maamulka Gooni-u-goosatka SNM ee uu hogaamiyo GACAN-KU-DHIIGLE Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Magalaada Boorame ku xirxiray dhalinyaro u baroordiiqaysay dadkii shacabka ahaa ee Maleeshiyaddii SNM ee Muuse Biixi Hogaaminayey maanta oo kale 1991tii ku xasuuqday magaalooyin hoos yimaada Gobolka Awdal.

Shacabka Boorame ayaa si weyn uga soo horjeedda Maamulka Hargeysa ee Xoogga ku haysta, kaasoo degamadaas ka geysta cabudhin iyo tacadiyo farabadan.

Dhalinyaradda maanta xabsiyadda lagu guray ayaa isugu jira rag iyo dumar.

MADAX HORE IYO SIYAASIYIIN BAYAAN KA SOO SAARAY XASUUQII LAASCAANOOD

shuhadaa ssc

Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Waxgarad Soomaaliyeed ayaa bayaan ka soo saaray xal u helida khilaafka goboladda Waqooyi sida ay bayaanka u dhigeen. Akhriso

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY