Wararkii u dambeeyey qaraxii ka dhacay Muqdisho

qarax muqdisho 2272019

 Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay xerada ciidamada General Dhaga Badan oo ku taalla Ex Warshaddii hore ee Nac-Naca ee degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo qorayey ciidanimo, si loogu tababaro gudaha xeradaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada, xilli ay saf ku jireen askarta cusub oo loo diyaarinayey ka mid noqoashada ciidamada Gorgor.

Sidoo kale qofka is qarxiyey ayaa la sheegay inuu iska soo dhigay dhalinyarada dooneysa inay qortaan ciidanimada, isla-markaana uu is qarxiyey, marka uu soo galay safka.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay in ka badan illaa 10 qof oo ka mid ahaa dhalinyaradii meesha ku sugneyd, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Xaaladda meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa aad u kacsan, waxaana sidoo kale goobta ka dhashay burbur aad u xoogan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi geystay khasaaraha badan.

Qaraxan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey ay usoo baxeen digniino ku aadan in gudaha magaalada ay soo galeen rag wata jaakadaha qaraxyada, isla-markaana doonaya inay weeraro is-miidaamin ah ka fuliyaan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here