Wararkii ugu dambeeyay dagaal guriceel ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo Ahlusunna

macalin maxamuud iyo sheekh shaakir

Dowlad goboleedka Galmudug ee Soomaaliya ayaa sheegtay in nidaamkii sharciga ahaa iyo kala dambayntii ay dib ugu soo celiyeen magaalada Guriceel, halkaas oo saacado badan uu ka socday.

Dagaalkan qaraar ayaa u dhaxeeya ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ururka Ahlu Sunna.

Wasiirka warfaafinta ee Galmudug, Axmed Shire Falagle, oo BBCda la hadlay ayaa sheegay in ciidammada dowladda oo xeryahooda ku sugan ay saaka weerrar ku soo qaadeen kuwa Ahlu Sunna kaddibna ay ka awood badiyeen, sidaasna ay magaalada gacantooda dib ugu soo laabatay.

Dhankooda ururka Ahlu Sunna Waljamaacah oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dagaalka uu weli socdo oo faafaahin dheeraad ah ay dib ka soo sheegi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here