Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii isqarxinta ahaa ee ka dhacay Muqdisho

qarax muqdisho 2272019

Ugu yaraan siddeed qof ayaa dhimatay, siddeed kalena way dhaawacmeen kadib markii gaari lagu soo rarray walxaha qarxa uu ku qarxay gaadiid taagnaa meel dhawr tallaabo u jirta bar kontorool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, gaar ahaan isgoyska ceelgaabta.

Dad goobjoog ah ayaa sheegay in dhimashada iyo dhaawaca ka sakoow uu jiro burbur xoog leh oo gaaray gaadiid goobta taagnaa iyo kuwo marayay. Gadiidka gurmadka degdeg ah ayaa dadkii dhaawaca ahaa goobta ka qaaday, iyadoo kuwa dambka damiyana ay bakhtiiyeen dab qabsaday gaadiidkii goobta marayay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxayna intaa ku dartay in bartilmaameedku ahaa masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Dawladda Federaalka, balse kooxdu ma aanay sheegin tirada dadka ay dileen ama dhaawaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here