Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda magaalada Muqdisho

Villa Somalia2

Xaaladda xafiisyada dawladda ee xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayaa si caadiya ku soo laabtay maalin kadib markii ciidamada ilaallada Madaxyooda ay isku dayeen inay ka hor’istaagaan Ra’isul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble inuu tago xafiiskiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa habeen hore sheegay inuu shaqada ka joojiyay Ra’isul Wasaare Rooble kadib markii uu ku eedeeyay musuqmaasuq.

Balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku gacan seyray shaqo joojinta iyo eedaha loo soo jeediyay, taa badalkeedana wuxuu sheegay in uu isagu mas’uul ka yahay hay’adaha Dawladda inta doorashada laga dhamaystirayo.

Wasiirka amniga wuxuu warqad uu u diray agaasimaha kumeel gaarka ah ee NISA kaga dalbaday in uu warbixin kaga keeno xariga Mukhtaar Roboow muddo 48 saacadood gudahood.

Maraykanka iyo beesha caalamka ayaa iyana ku caadaadinaya hoggaamiyayaasha Soomaaliya in xiisadda la dajiyo, lagana fogaado wixii gacan kahadal keeni kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here