Wararkii ugu dambeeyay Madaxweyne Xaaf oo ku soo jeeda Dhuusamareeb

xaaf galmudug madaxweyne

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta la filayaa inuu safar dhulka ah ku tago magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, kaddib markii uu shalay ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xaaf ayaa xalay ku hoyday deegaanka Gelinsoor, isagoo maanta u soo gudbaya Dhuusamareeb oo kulan qado soo dhoweyn ah loogu sameyn doono.

Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, kuxigeenkiisa, Xildhibaano, Senator iyo Siyaasiyiin ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Dhuusamareeb, si ay ugu hortagaan Madaxweyne Xaaf inta u dhaxeysa Godinlabe iyo Cadaado, kuna soo dhoweeyaan.

Xildhibaano iyo Senator ka tirsan Aqalka Sare oo dhowaan gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa ka qeyb qaatay waan waanta lagula jiray Madaxweyne Xaaf iyo inuu aqbalo natiijadii doorashadii Dhuusamareeb, isla markaana ogolaaday inuu ugu dambeyn tago magaalada Dhuusamareeb, si uu xilka u wareejiyo.

Dadaaladii Dib u heshiisiinta ee maalmahan ka socday Dhuusamareeb ayaa ku dhow gabogabo, kaddib markii inta badan Siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug isku afgarteen in xal laga gaaro khilaafkii ka dhashay doorashadii Dhuusamareeb ee dowladda Federaalka gacanta ku heyso, kuna soo baxay Musharaxii ay wadatay Axmed Qoorqoor.

Sidoo kale dadaalada dib u heshiisiinta ee lagu soo afjaray khilaafkaas siyaasadeed waxaa door ku lahaa Xubnaha Mucaaradka ee ku jira Baarlamaanka Labada Gole oo iyana aqbalay baaqii Madaxweyne Axmed Qoorqoor, kaddib wada hadalo qaatay todobaadyo oo ugu dambeyn sababay inay tagaan Dhuusamareeb.

Munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Qoorqoor ayaa la filayaa inay u dhacdo si isku duubni leh oo ay ka dhex muuqdaan dhammaan siyaasiyiinta Galmudug mucaarad iyo muxaafad, taasna ay horseedo in Maamulka Galmudug u bilowdo waa cusub, kaddib mudadii afartii sano ee uu maamulkaas ku jiray khilaaf iyo degenaansho la’aan siyaasadeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here