Wararkii ugu dambeeyey Afghanistan iyo dad maanta loo dilay sabab yaab leh

Taliban Flag

Ugu yaraan saddex qof ayaa la dilay, 12 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen shacab dibad-baxayey oo dejiyey calanka Taalibaan, magaalada bari ee Jalalabad ee dalka Afghanistan.

Calanka caddaanka iyo madowga ah ee Taalibaan, oo ka taagnaa ranaboot ku yaalla magaalada Jalalabad oo 115 km bari ka xigta caasimadda Kabul, ayaa la dejiyey waxaana laguna beddelay calanka madowga, gaduudka iyo cagaarka ah ee dowladii hore ee Afghanistan, Arbacadii.

Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan ee dhowaan ay ku dhowaaqday Taalibaan ayaa illaa hadda isticmaaleysa calanka caddaanka iyo madowga ah ee ay dhexda kaga qoran tahay shahaadada.

Calanka madowga, gaduudka iyo cagaarka ah, oo ay adeegsanayeen dibad-baxayaasha maanta ayaa loo akraa inuu matalayo dowladdii la riday ee dalkaas.

Afhayeen u hadkay Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay inay socdaan wada-hadallo ku saabsan calanka qaran ee mustaqbalka, ayada oo go’aan ay ka gaari doonto dowladda cusub ee dhalan doonta.

Sidoo kale, Arbacada maanta ah, taallada Sheekh Shiico oo caan ah oo la-dagaalamay kooxda Taalibaan intii uu socday dagaalkii sokeeyey ee Afghanistan ee sagaashamaadkii, ayaa lagu burburiyey gobolka ku yaalla bartamaha ee Bamiyan, sida ay muujinayaan sawirro lagu faafiyey baraha bulshada.

Dhanka kale, Taalibaan ayaa sheegtay in mid ka mid ah hoggaamiyayaasheeda iyo aas-aasayaasheeda, Mullah Abdul Ghani Baradar uu Afghanistan kusoo laabtay markii ugu horreysa in ka badan 10 sano.

Afhayeen u hadlay kooxda ayaa tweet ku sheegay in Baradar oo ah madaxa xafiiska siyaasadda Taalibaan, uu yimid magaalada Kandahar ayada oo ay wehliyaan wufuud.

Muuqaal uu afhayeenka soo dhigay twitter ayaa muujinayey dad kasoo degaya diyaarad una sacbinaya nin la rumeysan yahay inuu yahay Baradar, ayada oo qoraal la socday muuqaalka lagu sheegay inuu ka yimid dalka Qatar.

Muuqaalka ayaa sidoo kale muujiyey diyaaradda Qatar ee C17 oo ku sugan garoonka Kandarah. Goobta muuqaalka ayaa waxaa xaqiijiyey Reuters, oo la barbar dhigtay xogta dhulka iyo aagga ku hareereysan.

Baradar ayaa waxaa 2010-kii lagu xiray Pakistan, hase yeeshee waxaa xabsiga laga sii daayey 2018 kadib markii uu codsaday maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, si uu uga qeyb-galo wada-hadalladii u dhaxeeyey labada dhinac.

REUTERS + VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here