Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo xalay ka dhacay Ceelwaaq

ceelwaaq

Wararka naga soo gaarayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegayo inuu ka dhacay dagaal culus u dhaxeeyey ciidamo ka tirsan kuwa Al-Shabaab iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo halkaas ku leh Saldhig Ciidan.

Sida dadka deegaanka sheegayaan, dagaalka ayaa bilowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen saldhigyada ay Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin Ceelwaaq.

Labada dhinac ayaa waxaa dhex maray dagaal aad u culus oo socday in ka badan 1 saac, iyadoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Illaa hadda si rasmi ah looma ogo khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay maadaama dagaalka uu dhacay xilli habeen ah, balse waxaa xalay magaalada dhexdeeda iyo banaankeedaba laga maqlayey dhawaqa hubka ay is dhaafsanayeen Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Isgaarsiinta degmada Ceelwaaq ay saaka hawada ka maqan tahay, iyada oo taasi aan la ogeyn, waxaana yar wararka laga heli karo dagaalkii Ciidanka Jubaland iyo Al-Shabaab ku dhex-maray degmada Ceelwaaq.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland weli dhankooda kama hadlin dagaalka ka dhacay degmada Ceelwaaq-balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay faah faahin ka bixiyaan dagaalka ka dhacay degmadaasi Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale Al-Shabaab weli kama aysan hadlin dagaalka ay ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Jubbaland ee Ceelwaaq.

Ceel waaq oo ka tirsan Jubbaland ayaa waxaa ku sugan Ciidamo kala taabacsan kuwa dowlada iyo Madaxwaynaha Jubbaland ahmed Mohamed Islaam ahmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here