Wararkii ugu dambeeyey dagaalka maanta dhex maray Somaliland iyo Puntland

Sarreeye Gaas yaasiin Cumar Dheere puntland

Warar dheeriya ayaa ka soo baxaya dagaal maanta deegaanada gobolka Sanaag ku dhex-maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Dagaalkaasi oo saaka ka dhacay deegaanka Hadaaftimo, ayaa waxa ka dhashay khasaare kala duwan, inkasta oo aan si rasmiya loo wada ogeyn baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Taliska guud ee Ciidamada Somaliland oo war ka soo saaray dagaalkaasi ayaa guulo ka sheegtay, iyadoona warkaasi lagu sheegay in dagaalka ay ku qabsadeen hub iyo gaadiid.

Dhinaca kale, taliska ciidamada daraawiishta Puntland ayaa sheegay in saaka arroortii hore in ciidamo ka tirsan Somaliland weerar kusoo qaadeen Ciidamada Puntlamd, hase yeeshee ay iska difaaceen.

Sidoo kale Puntland waxaa ay sheegtay inay ku filan tahay difaacidda dhulkeeda, waxaana loogu baaqay shacabka inay ka qeyb qaataan difaaca dhulkooda, ayada oo baaq loo diray dowladda federaalka iyo Beesha Caalamka lagu sheegay inaysan Puntland mas’uul ka noqon doonin cawaaqibka ka dhashay dagaalka.

Sida ay sheegeen dad deegaanka ah xaalka guud ee deegaanada saaka lagu dagaalamay ayaa laga dareemaya daganaan, kadib markii Ciidamada Somaliland ay ku noqdeen deegaanka Yube oo hore ay dagaalka uga soo qaadeen.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay inay cabsi badan dareemayaan, maadama ay saaka saacado badan ku dul dagaalameen ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland, ayna ka cabsi qabaan inuu dib u qarxo dagaal u dhaxeeya ciidamada labada maamul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here