Wararkii ugu dambeeyey doorashada Jabuuti oo bilaabatay

Djibouti flag

Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa maanta oo Jimca ah ka bilaabatay codbixinta Doorashada 2021 oo ay ku loolamayaan Madaxweynaha Talada haya Ismaaciil Cumar Geelle & Musharaxa madaxa bannaan ee Sakariye Ismaaciil Faarax.

Goobaha la dhigay Sanaadiiqda codeynta waxaa lagu diyaariyay Gacmo dhaq (Hand Sanitazer), Marada Afka & sanka daboosha (Face Mask), waxaana aad loo ilaalinayaa isu dhawaanta dadka sida ka muuqaata muuqaallada laga soo duubay goobaha codbixinta.

“Waxa aan usoo baxay in aan codkeyga ku doorto Madaxweynaha Jabuuti, Dabcan waan dhageystay fariimaha Musharixiinta ee aan ku kala xulan karno, Dadku way ku kala duwan yihiin meelaha ay wax ka eegayaan balse waan ogahay qofka aan u codeynayo waxqabadkiisa & waxa aan ka filayo” Sidaasi waxaa yiri mid kamid ah Codeeyaasha.

Geelle, oo ay weheliyaan xaaskiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ayaa ololihiisa ku soo gabagabeeyay Arbacadii dibad bax qurux badan oo kama dambeys ah oo ka dhacay garoon ay ka buuxeen taageerayaal faraxsan iyo dhaanto dhaqameed.

“Sida aan maanta kuugu arko adiga oo tiro badan, waxaan hubaa in sidoo kale aad tiro badan iman doontid goobaha codbixinta,” Geelle ayaa yiri ka hor dadweyne xirnaa funaanado ay ku xardhan yihiin xarfahiisa, IOG.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Hay’adaha ammaanka, waaxda Caafimaadka & Guddiga Doorashada faray in ay ku dedaalaan xasiloonida Jamhuuriyadda inta lagu howlan yahay Codbixinta Doorashada.

Dadka ka faalooda arrimaha Jabuuti ayaa aaminsan in Geelle uu mar kale ku guuleysan doono doorashada, waxaana shaki weyn laga qabaa in musharaxa la tartamayo uu diido natiijada kasoo baxdo codbixinta.

Guddiga Doorashada ayaa marka uu soo dhammeeyo codbixinta dadka qaatay kaararka kadib xiri doona Goobaha codeynta, waxaana uu ku dhaqaaqayaa tirinta si natiijada usoo baxda uu u shaaciyo sida ku xusan jadwal howleedka Guddigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here