Wararkii ugu dambeeyey ee Addis-Ababa iyo dowladda Itoobiya oo qaaday tallaabo

ethiopia map

Xaaladda magaaladda Addis Ababa ayaa maanta degan, waxaana haatan dib u furmay xarumaha ganacsiga, xaaladda si caadi ayay dib ugu soo laabatay kaddib markii ay halkaas ka dhaceen dibadbaxyo rabshada wata kaas oo ka dhashay dilkii dhawaan dalkaas loogu geystay Hachalu Hundessa oo ahaa fanaan caan ah.

Waxaana waddooyinka la geeyay ciidammada amniga, dhanka kale, booliska waxay sheegeen in magaalada Dhirdhaba ay ku xireen in ka badan 270 qof oo lala xiriirinayo rabshadihii dhawaan ka dhacay dalkaas.

Duqa magaalada Addis Ababa ayaa ka codsaday shacabka in dib ay ugu laabtaan shaqadooda.

Mas’uuliyiinta waxay albaabada isugu dhufteen xafiisyada saddex telefishin oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxo lagu eedeeyay in dadka ay kicinayeen.

Ugu yaraan 81 qof ayaa ku dhintay qalalaasihii ka dhashay dilkii Hachalu Hundessa.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa albaabada isugu dhuftay xafiiska ugu weyn ee warbaahinta Oromo Media Networka ku leeedahay dalkaas, dowladda waxay ku eedeysay teleefishinkan in uu abuurayay kicin dadweyne iyo mid diimeedba.

Halka dowladda ay baareyso labo teleefishin oo kale oo laga la yiraahdo Asrat iyo Dimtsi Weyane.

Teleefishinka Oromia Media Networka wuxuu la hadlaa Oromada, teleefishinka Asrat wuxuu la hadlaa dadka Amxaarada ah halka Dimtsi Weyane uu barnaamijyadiisu ku baahiyo luqadda Tigreega.

Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli Itoobiya ay ka dhaceen dibadbaxyo rabshado dhaliyay kaddib dilkii fanaankii caanka ahaa Hachalu Hundessa.

Xiritaanka Oromia Media Network ayaa ay suurta-gal tahay inay sii kiciso qowmiyadda Oromada oo warbaahinta aad ugu xiran, islamarkaana markii horeba dareemayey in dowladda ay ku hayso caburin.

Weli Itoobiya waxaa ka taagan xiisad, waxaana weli xiran Internet-ka.

Isha: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here