Wararkii ugu dambeeyey ee shirka DF iyo maamullada iyo xubno soo gaaray Muqdisho

madaxda m goboleedyada

Wakiilo ka socda dowlad goboleedyada, oo qaban qaabinaya shirka Madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, ayada oo la filayo in shirkaas uu furmo 20-ka bishan May.

Guddiga qaban qaabada shirka la filayo inuu Muqdisho ka furmo ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxayna uga wada hadleen qaabka ugu fudud ee uu ku furmi karo shirka.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay inuu muqdisho ka socdo qaban qaabada shirka uu iclaamiyey Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“U diyaar garowga Shirka 20 May oo ay kaqayb galayaan dowladda, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa socda, waxaana  Gudiga qaban qaabada ee ka socda  Maamul goboleedyada ay maanta soo gaareen  Magaalada Muqdsiho, waxaana kulankan soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Macalimuu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here