Wararkii ugu dambeeyey munaasabadda saxiixa heshiiska doorashooyinka

Teendhada Afisyooni

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee u diyaar-garowga munaasibadda lagu soo xirayo shirka arrimaha doorashooyinka ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho.

Munaasibaddaan oo sidoo kale lagu saxiixayo heshiiska doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, hoggaamiyeyaasha shanta maamul goboleed, guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka.

Xarunta teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ilaa hadda soo gaaray oo ku sugan wakiilo ka socda madaxda ka qeyb-galeysa munaasibadda, ayada oo aysan weli soo gaarin madaxda ka qeyb-galaysa munaasibaddaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here