Wararkii ugu dambeeyey qarax Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhasay

qarax muqdisho 2272019

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan, kaas oo uu noociisu ahaa miinada soo boodada loo yaqaano.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ka dhacay dalcadda Cabdiqaasim lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya oo marayey halkaasi.

Ugu yaraan hal qof oo ahaa wade mooto Bajaajle ayaa ku dhintay qaraxan, iyada oo ay ku dhaawacmeen illaa afar qof oo kale oo labo ka mid ah yihiin askar ka tirsan ciidamada dowladda , sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo baaaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana dib u soo noqday dhaq-dhaqaaqii isku socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada Cabdiqaasim.

Inta badan magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca qaraxyo nooca miinada ah, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho & dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here