Wararkii ugu dambeeyey qaraxa Muqdisho iyo hotel Afrik oo la galay

war deg deg

Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay waddada aadda garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay qeyb badan oo magaalada ka mid ah.

Qaraxa ayaa lagu warramayaa inuu ka dhacay meel u dhow hotelka Afrik, oo ay ku taallo bar laga kantoroolo baabuurta aadeysa dhanka garoonka diyaaradaha. Waxaa qaraxa xigay rasaas goos goos ah. 

Qaraxan ayaa ahaa mid gaari waxyaalaha qarxa lagu soo xirey oo lagu dhuftay albaabka hore ee Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ee haramcad ayaa markiiba goobta gaaray.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa lasoo warinaya in uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah.

Hotelka Afrik ayaa ka mida Hoteellada waaweyn ee ay degaan dadka dibadda ka yimaada ayna tagaan dadka caaadiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here