Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa inay beri oo Talaado ah, kuna beegan 1-da September 2020 ay soo gaari doonaan gudaha caasimada.
Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in qaban-qaabada socdaalka labada Madaxweyne ay uga soo kala kicitimayaan Kismaayo iyo Garoowe laga dareemayo magaalooyinkaasi.
Sidoo kale wafdi horudhac u ah iyo ciidamo ilaalo ah ayaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo diyaarad qaas ah lagu keenay.
Axmed Madooeb iyo Deni oo la filayey in Axadii ay yimaadaaan Muqdisho ayaa u baaqday arrimo farsamo, balse waxay si rasmi ah beri uga soo dagayaan garoonka Aadan Cadde.
Hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo horey diiday shirkii magaalada Dhuusamareeb ayaa wada-hadallo la yeelan doono Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana gadaal ka riixaya shirkooda xubnaha beesha caalamka.