WARARKII UGU DAMBEEYEY WEERARKA VILLA-ROSA IYO AL-SHABAAB OO SHEEGTAY

qarax muqdisho 2272019

Hotelka Villa-Rosa oo ku yaalla inta u dhaxeysa Tiyaatarka Qaranka iyo godka Jilicow ee xayn-daabka madaxtooyada, waxaa ka soconaya weerar toos ah oo koox ka tirsan Al-Shabaab ay ku soo qaaday.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo waaweyn, waxaana Hotelka iyo hareerihiisa degan wasiirro, xildhibaano iyo masuuliyiin aad u badan oo ka tirsan dowladda.

Warar ay tebisay warbaahinta gudaha qaarkeed ayaa sheegaya in wasiirka amNiga Soomaaliya Axmed Doodishe uu ka mid yahay dadka ku dhaawacmay weerarkaan, balse weli si rasmi ah looma xaqiijin karo.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegtay in wasiirka amniga uu dhaawac soo gaaray, kooxdu intaas ku sii dartay in dagaalyahano fuushan qeybaha kore ee Hotelka ay duqeynayaan madaxtooyada qaranka.

Rasaas si teel-teel ah u dhacaysa ayaa laga maqlayaa aagga uu ku yaalla Hotelka la beegsaday ee Villa-Rosa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here