Warbaahinta Mareykanka oo sheegtay in uu dhintay wiil uu dhalay Osama Bin Laden

hamza bin laden

Warbaahinta dalka Mareykanka oo soo xiganaya ilo sirdoon ayaa ku soo waramay in uu dhintay wiil uu dhalay hogaamiyihii Al Qaeda, Osama Bin Laden, kaas oo lagu magacaabo Hamza bin Laden.

Warbaahinta NBC ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta aysan dhimashada Hamza ka bixinin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaabka uu u dhintay iyo halka uu ku dhintay.

Hamza bin Laden oo da’diisa lagu qiyaasay 30 sano ayaa dad badan waxay u arkayeen in uu yahay qof badeli kara xilkii uu aabihii ka hayay dhaqdhaqaaqa ururka al-Qaeda.

Sanadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii uu shacabka Carbeed uu ugu baaqay inay kacdoon sameeyaan, waxaana Dowladda Sacuudiga ay kala laabatay dhalashada dalkaas.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii hore sheegtay in lacag dhan hal milyan oo doolar ay siin doonta qofka soo sheega halka uu ku sugan yahay Hamza.

Sannadihii dambe wuxuu soo duubayay codad iyo muuqaallo uu qolyaha taageersan uga codsanayo in ay weeraraan Maraykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka, si ay ugu aaraan dilkii aabihii.

Osama bin Laden ayaa sanadkii 2011-ka waxaa dalka Pakistan ku dilay ciidamo gaar ah oo Mareykan ah.

Osama wuxuu ansixiyay weerarradii Maraykanka lagu qaaday 11 Sabteembar ee sannadkii 2001, kuwaas oo lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo ruux.

Dowladda Mareykanka ayaa saddex sano kahor liiska argagixisada Xamze Bin Laden oo ay u arkayeen in uu yaha qof liddi ku ah ammaanka Mareykanka.

Wuxuu guursaday gabadha Maxamed Atta, kaas oo afduubtay mid ka mid ah diyaaradihii ganacsiga ahaa ee loo adeegsaday weerarradii 2001, kuwaas oo middood lagu dhuftay Xaruntii Ganacsiga Adduunka ee New York.

Waraaqo laga helay gurigii lagu dilay Osama Bin Laden ee ku yaallay Abbottabad ayaa muujiyay in uu Xamza u diyaarinayay sidii uu uga badali lahaa hoggaaminta Al-Qaacida, waxaana loo malaynayaa in uu yahay wiilkii uu ugu jeclaa carruurtiisa, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Waxaa la rumaysan yahay in Hamza Bin Laden uu sannado hooyadii kula noolaa Iran, halkaas oo loo malaynayo in arooskiisu uu ka dhacay, halka warar kalana ay sheegayaan in laga yaabo in uu ku noolaa Pakistan, Afghanistan ama Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here