Wareysi: Swan oo wax laga weydiiyey rabshadihii Xamar iyo haddii uu ka cabsi qabo in loo eryo sidii Haysom

james swan

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda VOA waxuu uga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, qeybtaan waxaan idin kugu soo gudbineynaa jawaabaha uu baxiyey su’aalo laga weydiiyey, sida uu u arko waxii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishii Febraayo, xilligaas oo DF ay awood ku fashilisay banaanbaxyo nabadeed oo mucaaradku soo abaabulay, hadii ay jirto cabsi uu ka qabo in loo eryo sidii wakiilkii isaga ka horeeyey ee QM Nicholas Haysom, hadii uu faro-geliyo arrimaha qaar iyo qodobo kale.

Waxa uu sheegay in isaga iyo saaxiibadiisa kale ee caalamka ay  aad uga walaaceen wixii dhacay 19-kii Febraayo, balse kadib la qaaday tallaabooyin wanaagsan markii ay kulmeen ra’iisul wasaare Rooble iyo xubnaha midowga musharaxiinta.

Sidoo kale rabshadihii kadib, wadahadallada dhacay waxa uu sheegay inay qeyb ka ahaayeen shakhsiyaad kale oo muhiim ah, sida Duqa Muqdisho, Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha HirShabeelle, “Taas miradhalkeedu waxa uu noqday in heshiis laga gaaray qaban-qaabada isku soo baxyo nabadeed oo mustaqbalka dhaca.”

Mar wax laga weydiiyey hadii shaqadiisa QM ee Soomaaliya ay xadideyso cabsi la xariirta tallaabadii ay dowladda Soomaaliya ku ceyrisay wakiilkii isaga ka horeeyey oo isku deyey inuu ka hadlo xadgudubyo ka dhacay dowladda ayuu ku jawaabay.

“Marka ay jiraan xadgudubyo ah dhinaca xuquuqda aadanaha ama arrimo ku xeeran xuquuqaha siyaasadeed ee xorriyadda warbaahinta, waxaan sii wadi doonaa inaan diiwaan gelino oo aan gudbino, isla markaana ku soo hadal qaadno mas’uuliyiinta ay khuseyso oo aan si shaacsan uga hadalno, runtii marar badana waanu sameynay,” ayuu yiri James Swan.

Waxa uu sheegay in hadda oo la gelayo xilli doorasho oo xasaasi ah, isla markana ay muhiim tahay in la dhowro xorriyadda hadalka, tan warbaahinta, xorriyadda isku imaatinka iyo abaabulkooda, taasna ay si gaar ah isha ugu heyn doonaan.

Sidoo kale James Swan waxaa la weydiiyey waxa ay dadka Soomaaliyeed ku xasuusan doonaan, sida wakiilladii QM ee isaga ka horeeyey, kuwaas oo xilliyo adag gacan ka soo geystay isku dubbaridka dowladnimada Soomaaliya.

“Anigu si gaar ah uma daneynayo in wax gaar ah oo la igu soo xasuusto aan ka tago, balse waxaan daneynayaa in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay ka tagaan dhaxal nabadeed iyo mid dimoquraadiyadeed, taas oo xasilooni u ogolaaneysa dalkaan iyo inuu horumar gaaro, taas ayaan xoogga saarayaa, waa hoggaamiyaasha Soomaalida kuwa laga doonayo inay taariikhdu xusto oo 30 sano kadib la weydiinayo ‘maxaad Soomaaliya ku soo kordhisay xilligii adkaa ee 2021?” ayuu yiri James Swan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here