WARGELIN J GARXAJIS: MA DHACAYSO IN GOOJACADE JEEGAANTU CIIDAN KALA SOO BAXDO

jamaahiirta garxajis1

Waxaan dhamaan Jamaahiirta Xaq -u-dirirka ah ee Beesha Garxajis weyne ku wargelinaynaa in Muuse Biixi iyo Ciidamadda Jeegaanta ee Goojacade ku sugani ay lumiyeen Awoodii ay wax ku weerari jireen iyo fursaddii ay iyagoo nabadqaba dib ugu guuri lahaayeen oo waxaa hor fadhiya ciidamo iyaga xoog leeg oo u diiday inay si xornimo ah u dhaqdhaqaaqaan.

Jamaahiirta iyo Ciidamadda SSC Khaatumo ma ogolaanayaan in Ciidamadda dhiigyacab Muuse Biixi ee 7 Bilood magaaladda duqaynayey, maatada xasuuqay, 300000 oo qoys barakiciyey ay maanta nabadgelyo ku baxaan, mana jirto Isimo iyo Gudiyo awood u leh inay u balanqaadaan geedi nabadgelyo, sidaasdarteed waxaan idiin cadeynaynaa inay been tahay IN MUUSE BIIXI UU CIIDAMADIISA SOOL KALA SOO BAXAYO si uu Jamaahiirta Garxajis ugu cabudhiyo, waa cagajugleyn iyo cabsi gelin Caruurnimo oo aan caqli ka dambeyn oo horey Jamaahiirta SSC ugu baratay.

Ugu dambeyn waxaad ogaataan in Jamaahiirta, Ciidamada iyo shacabka SSC isku garab taagayaan oo ka jawaabayaan dagaalkasta oo ka dhan ah Beesha Garxajis, wuxuuna dagaalku noqon doona mid Buurta Gacan Libaax iyo Barri isku mar ka bilowda, sidoo kale waxaa laydiinla diyaar yahay baahi kasta oo halgankiina khusaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here