Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in Muqdisho laga helay kiis cusub oo Coronavirus ah

Coronavirus2

Wasaarada Caafimaadka ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay goor dhow in kiiskii 8aad ee la xiriira cudurka Coronavirus laga helay Muqdisho.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Wasaaradu ku leedahay barta facebook ayaa lagu sheegay in oday 58 jir ah oo degan Muqdisho laga helay cudurka.

”Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma iman” ayaa lagu qoraalka Wasaarada.

Arrintan ayaa sii xoojineysa walaaca laga qabo in cudurkan uu si hoose ugu faafayo bulshada magaalada Muqdisho oo aan ku baraarugsaneyn halista cudurkan, nolol maalmeedkooda caadiga ahna iska wata.

Waa qofkii labaad ee ka mid ah dadka Muqdisho ku nool oo laga helo cudurkan sida ay sheegtay Wasaarada caafimaadka oo dadweynaha ugu baaqday iney foojignaadaan, isla markaana qaataan talooyinka dhaqaatiirta iyo heyadaha caafimaadka ee la xiriira ka hortaga cudurkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here