Wasaaradda difaaca oo war kasoo saartay askarta lagu eedeeyey kufsiga Janaale

astaanta ciidanka Xoogga Dalka

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaaradda lasoo gaarsiiyey kiiska eedeymo la xariira kufsi laba gabdhood loogu geystay deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

“Wasaaraddu waxay cambaareynaysaa falkaas foosha xun oo xad gudubka ku ah diinta Islaamka, xeerarka ciqaabta ciidanka xoogga dalka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana baaris ku wada falkaas, maxkamadda ciidamada qalabka sida,” ayaa lagu yiri qoraalka,

Sidoo kale warkan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in cidii ay ku cadaato eedeymahaas kufsiga ah la marsiin doono ciqaabta ay mudantahay.

Ugu dambeyntii qoraalka wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu yiri, “Wasaaraddu waxay cadeyneysaa in cidna aan loogu dul qaadan doonin ficillada foosha xun ee nuucaan oo kale ah, isla markaana la hor keeni doono cadaaladda, kuwa geysta falalka arxan darrada ah”.

Bilaawgii bishan ayey aheyd markii ay soo baxday eedeyn ah, in askar ka tirsan ciidanka militeriga Soomaaliya ay ee dhawaan Al-Shabaab kala wareegay Jannaale ay laba gabdhood oo midi aad u da’yartahay ay ku kufsadeen halkaas, kuwaas oo maalmo kadib la keenay magaalada Muqdisho, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here