Wasaaradda H. Caafimaadka Somaliland oo Gobolka Sanaag gaadhsiisay Mishiinka Shaybaadhka COVID-19

Coronavirus

Wasaaradda H. Caafimaadka JSL ayaa Gobolka Sanaag gaadhsiisay Mishiinka Shaybaadhka Covid-19, iyadoo saaka Magaalada Ceerigaabo si rasmi ah looga daahfuray Shaybaadhka xanuunka Coronavirus, kaasoo noqon doona mid gaar u noqon doona Gobolka Sanaag.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag iyo Maayirka Magaalada Ceerigaabo oo kasoo qayb galay munaasabada Daahfurka Mishiinka Shaybaadhka Coronavirus ayaa Wasiirka iyo guud ahaan Wasaaradda Caafimaadka ku amaanay sida ay ugu hagar baxayaan horumarinta adeega caafimaadka ee heer gobal, iyaga oo ka mahadnaqay sida macquulka ah ee Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL uu uga jawaabay wax ka qabashada baahiyaha caafimaad oo Wasiirku hore u balan qaaday in uu wax ka qaban doono intii karaamka wasaaradda ah isaga oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyada qaran ee saaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here