Wasiir Dubbe oo ka warbixiyey shirka wadatashiga ee Samareeb

wasiir Cismaan Dubbe

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cusmaan Obakar Dubbe ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga oo ka furmaya Caasimada Galmudug ee Samareeb.

Wasiirka ayaa sheegay inay magaalada Samareeb soo gaareen Madaxdii Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, shirkuna uu subaxii furmayo.

Wasiirka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay shirka natiijo wanaagsan ka fishaan, isagoo balanqaaday inuu dadka Soomaaliyeed ka haqabtiri doono marba wixii ka soo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here