Wasiir Goodax oo go’aan ka gaaray waxa laga yeelayo ardayda Puntland ee aan gelin Imtixaanka

xildhibaan goodax barre

Siihayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa faah-faahiyay go’aanka ka wasaarad ahaan kaga aadan ardayda wax ka barata Puntland ee aan ka qeyb qaadan imtixaanka shahaadiga ah.

Cabdullaahi Goodax Barre wuxuu mar kale ku celiyay ineysan shahaado la siin doonin ardayda aan galin imtixaanka dowladda, sidoo kalana wuxuu ugu baaqay maamulka Puntland ineysan siyaasadeyn waxbarashada caruurta.

Wuxuu aad ugu cel-celiyay inuu aad uga xun yahay in ardayda maamulka Puntland aysan heli doonin shahaadada dugsiga sare, maadaama aysan isku miisaan noqon karin ardayda imtixaanka dowladda laga qaaday ee maamullada kale ka tirsan.

Sidoo kale sii hayaha wasiirka waxbarashada wuxuu ugu baaqay Puntland iney qaataan manhajka cusub oo ay wasaaradda waxbarashada bixineyso.

Wuxuuna cabsi badan ka qabaa in dhaqanka maamulka Puntland ee siyaasadda galinaya waxbarahsada caruurta iney dhaliso tafaraaruq aan u wanaagsaneyn waxbarashada ardayda reer Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here