Wasiir Goodax oo ka jawaabay farriin uga timid Ardayda Puntland

xildhibaan goodax barre

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa farriin u diray Ardayda ka soo jeeda Puntland, kuwaasoo dhowaan farriin ay u soo direen kaga dalbaday in aan la siyaasadeyn shahaadadooda.

Ardaydan oo dhigtay oo dhigta mid ka mid ah iskuulada ugu weyn ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay imtixaanka dowladda galaan, ayna isku kalsoon yihiin.

“Ka wasaarad ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan garab istaagno ardey kasto oo Soomaaliyeed, si u helo waxbarasho dhameystiran, islamarana u qaato shahaado cadeyneysa waxa uu bartay, Ardeyda wax ka barta deegannada Puntland, waxay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka ayuu yiri”Wasiir Goodax Barre qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa sii xoogeysanayay khilaafka u dhaxeeyay Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka Puntland, iyadoo khilaafkan salka ku hayay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dowladda dhexe qaadeysay, iyadoo Puntland ahaa maamulka kaliya ee aan qeyb ka aheyn imtixaankaas.

Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka ayaa diiday in Ardayda ka soo jeeda Puntland ay qaataan shahaadada dugsiga sare, iyagoo aan imtixaanka mideysan ee dowladda gelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here