Wasiir Israa’iil oo markii ugu horeysay cagaha dhigaya dhulka Khaliijka

0
uae and israiil

Markii wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Yair Lapid, uu maanta caga dhigto ciidda Imaaraatka, waxay taasi taariikh u noqon doontaa dalkiisa iyo dunida Carabta.

Mr Lapid ayaa noqon doona wasiirkii ugu horreeyay ee Israa’iili ah oo booqda dalkaasi Khaliijka tan iyo intii Israa’iil, Imaaraatka Carabta iyo Bahrain ay kala saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo ay ku soo celinayaan xiirirkooda sagaal bilood kahor.

Inta lagu guda jiro booqashada labada maalmood, Lapid ayaa la kulmi doona dhiggiisa Imaaraatka, Sheek Cabdullaahi Bin Sayid Al Nahyaan , wuxuuna daah furi doonaa safaaradda Israa’iil iyo qunsuliyadda oo ku kala yaalla magaalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai.

Booqashadan waxay sidoo kale muhiim u tahay waa is dhexgalkii ugu horreeyay ee rasmi ah ee u dhaxeeya labada dhinac tan iyo dgaaalkii Israa’iil iyo Qaza ee bishii hore. Ugu yaraan 256 qof ayaa lagu dilay Qaza, sida laga soo xigta Qaramada Midoobay, halka 13 kalena lagu dilay gudaha Israa’iil.

Dagaalkaas oo 11 maalmood socday ayaa ahaa imtixaankii ugu horreeyay ee xiriirka cusub ee labada dal – gaar ahaan iyadoo hoggaanka Imaaraatka Carabta uu heshiiska soo celinta xiriirka Israa’iil uu u arkay fursad uu ku joojin karo qorshooyinka Israa’iil ee ay ku qabsaneyso qeybo ka mid ah Danata Galbeed, taa soo ay aad uga soo horjeesteen Falastiiniyiinta.

Kahor dagaalka, Imaaraatka ayaa cambaareeyay ka saariddii ay Israa’iil Falastiiniyiinta ka saartay guryahooda ku yaalla Bariga Qudus, taasoo sii xoojisay xiisadda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, waxayna ugu baaqday Israa’iil inay dejiso xaaladda.

Intii uu dagaalku socdau, si kastaba, Imaaraatka Carabta ayaan wax badan ka qaban in Israa’iil uu cadaadis ku saaro inay xaddiddo weerarrada ay ka geysato Gaza, halkaas oo dagaal-yahannada Xamaas ay ka soo tuureen kumannaan gantaallo ah.

Way adagtahay in la ogaado dareenka dalka ay ka qabaan arrimaha siyaasadda ee dalkaasi oo ah mid ay awooddu ku siman tahay dowladda, balse caro ayaa hareysay baraha bulshada iyadoo muwaaddiniinta dalkaas ay cambaareynayaan falalka Israa’iil ayna taageero u muujinayaan Falastiiniyiinta.

Iyadoo ay tani jirto, ayaa Cabdukhaaliq Cabdullaahi, oo ah saynisyahan siyaasadeed oo ku sugan Dubai, ayaa aaminsan in booqashada taariikhiga ah ee Mr Lapid ay muujineyso in labada dal ay si fiicna iskula jaan qaadeen.

“Xiirirka labada dhinac wuu ka gudbya imtixaankii ugu horreeyay, wuxuuna u muuqdaa mid aan la liicin karin,” ayuu yiri.

“Imaaraatka Carabta waxay cayaareysaa labo door: kan hore waa soo celinta xiirirka, kan labaadna waa inay weli taageersan tahay xaqa ay Falastiiniyiintu u leeyihiin inay yeeshaan dla u gaar ah.”

Hadafyada goboleed

Israaiil iyo Imaaraatka Carabta waxay lahaayeen ujeeddooyin kala duwan markii ay sanakdii hore go’aansanayeen inay soo celiyaan xiriirkooda. Dhanka Abu Dhabi marka la eego, ammaanka ayaa udub dhexaad u ahaa go’aankeeda, halka Israa’iilna ay ku weyneyd iskaashiga dhaqaale ee Imaaraatka iyo in la aqoonsado dal Carbeed.

Wax yar kaddib markii la gaaray heshiiska, oo loo yaqaanno Axdiga Abraham, maamulka madaxweynihii xilligaas ee Mareykanka Donald Trump ayaa ansixiyay in 50 diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee F-35 laga iibiyo Imaaraatka Carabta. Arrintan muhiim ayay u ahayd Imaaraatka, maaddaama aysan keliya waxtar u lahayn milatarigeeda balse boos istaraatiiji ah ka siineyso gobolka.

Sida uu qabo Bader Al-Sayf, oo ku sugan Kuwait lana shaqeeya Carnegie Middle East Center, heshiiska Israa’iil wuxuu ka turjumayaa damaca fog ee Imaaraatka ee ah inuu dunida tuso inuu muhiim yahay.

“Heshiiskan, Imaaraatka wuuxu ku khamaarayaa sare u qaadidda sumcaddiisa ammaan ee gobolka,” ayuu yiri.

“Waxay iska dhigeen inay yihiin xarun dhaqaale oo muhiim ah balse haatan waxay doonayaan inay noqdaan mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu waaweyn ee Bariga Dhexe.”

Dhaqaalaha Israa’iil oo kobcay

Iskaashiga dhaqaale ayaa kobcay tan iyo markii heshiiska la kala saxiixday, iyadoo heshiisyo ganacsi oo badan ay gaareen labada dhinac, heshiisyadaas oo ka kooban qeybo ay ka mid yihiin daryeelka caafimaad, gaashaandbigga iyo socdaalka.

Bishii April, shirkadda Mubadala Investment, ayaa saxiixday heshiis ay saami uga iibsaneso waaxda gaaska dabiiciga ah ee Israa’iil iyadoo ku bixineysa kharash dhan $1.1bn (£790m; €922m). Haddii heshiiskan uu meel maro wuxuu noqonayaa kii ugu weynaa ee dhex mara labada dal.

Xogta la hayo ayaa muujineysa in marka ya timaaddo xiriirka ganacsi, ay Israa’iil ahayd tan ugu tunka weyn.

Sida ay qbato Karen Young, oo ah agaasimaha Barnaamijka Dhaqaalaha iyo Tamata ee Machadka Bariga Dhexe, isu geynta qiimaha maalgashi ee Imaaraatka uu ku sameeyay Israa’iil intii u dhaxeysay September 2020 iyo March 2021 waxay gaareysaa $80m. Muddadaas dhexdeeda, maalgashiga Israaiil ee Imaaraatka ayaa isaguna ahaa wax ka yar $25m.

“Wixii dhacay May waxay shirkado badan oo gaar loo leeyahay oo ku sugan Imaaraatka ka weeciyeen inay maal gashadaan Israa’iil.” Ayay tiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here