Wasiir isu casilay in uu gabadh shaqaalihiisa ka mid ah dhunkaday awgeed

Matt Hancock

Matt Hancock ayaa iska casilay xilka wasiirka caafimaadka kadib markii uu ku xad gudbay joogtaynta kala fogaanta bulshada isaga oo dhunkaday mid ka mida haweenkii ay shaqo wadaagta ahaayen.

Waraaq uu u diray ra’iisal wasaaraha ayuu ku sheegay in dawladu “ay qayb ka ahaato nafhurnimada dadka ee musiibadan ayna daacad ka ahaadaan “.Boris Johnson wuxuu sheegay inuu ka xun yahay inuu helo iscasilaada.

Agaasimihii hore Sajid Javid ayaa la xaqiijiyay in loo magacaabay wasiirka cusub ee caafimaadka, Downing Street sida ay sheegtay.

Mr Hancock waxaa saarnaa cadaadis sii kordhaya oo ah inuu shaqada ka tago, ka dib markii The Sun ay daabacday sawirada Mr Hancock iyo Gina Coladangelo, oo labaduba leh seddex caruur ah, oo isdhunkanaya. Wargeysku wuxuu sheegay in laga qaaday sawirkan gudaha Waaxda Caafimaadka 6dii March.

Wargeysyo dhowr ah ayaa qoray in Mr Hancock uu soo afjaray guurkiisii 15-sano ee uu la joogay xaaskiisa, Martha. BBC-da ayaa fahansan in wararkaasi ay dhab yihiin, sida ay u kuur gashay.

Xubnaha Xisbiga Tory-ga, iyo sidoo kale Labour-ka, waxay ku baaqeen in xoghayaha caafimaadka la caydhiyo, sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga muxaafadka ah ayaa BBC-da u sheegay in xildhibaano badan ay u sheegeen madaxdooda Sabtidii inay tahay inuu is casilo.

Tifaftiraha BBC-da ee arrimaha siyaasada Laura Kuenssberg ayaa sheegtay in No10 ay carabka ku adkeysay in Mr Hancock uu ahaa go aanka mid dhankiisa ka yimi isla markaana uusan culays saarin raisul wasaaruhu.

Waxay sheegtay in Ms Coladangelo ay sidoo kale ka tagayso kaalinteedii ahayd agaasime fulineed ee Waaxda Caafimaadka.

Muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Hancock ku yiri: “Waxaan soo arkay ra’iisul wasaaraha si aan isaga casilo xoghayihiisa arrimaha caafimaadka iyo daryeelka bulshada.”

“Waxaan fahansanahay waxyaalaha naf hurnimada leh ee qof walba dalkan u soo huray, kuweena sameeya xeerarkana waa inaan ku adkaysanno waana taas sababta aaan isu casilayo”.

Mr Hancock, oo wasiir caafimaad ahaa seddex sano, wuxuu ku celceliyey raaligelintiisa “jabinta tilmaamihii la asteeey” wuxuuna ka raaligeliyey qoyskiisa iyo ehelladiis “in uu xaaladdatan dhex dhigo”.

Hancock resignation letter
1px transparent line

Mr Javid, oo doorar muhiim ah oo hore ka soo qabtay dowlada, ayaa isna yidhi “sharaf ayay ii tahay” in lay magacaabo xoghayaha caafimaadka “waqtigan xasaasiga ah”.

Soo laabashada Mr Javid ee golaha wasiirada ayaa imaaneysa 16 bilood kadib markii uu iska casilay jagada gudoomiye nimo markii uu diiday amarkii raiisul wasaaraha ee ahaa inuu shaqada ka cayriyo kooxdii uu la shaqeeyay.

Intaas ka hor Mr Javid wuxuu ahaa xoghayaha arrimaha gudaha. Wuxuu sidoo kale hogaamiyay waaxaha guryaha, bulshada, ganacsiga iyo dhaqanka.

Mid ka mid ah shaqooyinkiisa ugu horreeya a ayaa noqon doonta inuu baadho xogta ku gedaaman ka hor dhammaadka soo jeedinta England ee xayiraadaha Covid ee 19 july.

Xoghayihii hore ee caafimaadka Jeremy Hunt ayaa ku tilmaamay magacaabista Mr Javid door “xulasho oo aad u fiican”, isaga oo sheegay in ay ahayd warka ugu fiican ee suurtogalka ah ee daryeelka bulshada, maxaa yeelay waqtigiisii waaxda bulshada iyo dowladaha hoose waxay ka dhigneyd inuu marba sida saxda “haleeli jirey”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here