Wasiir Koore 28 sano ninka Reer Awdal baa u muuqday xaqdaradda Beesha dhexe ma arko?

0
madaxda beesha dhexe

Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo shalay meel fagaare ah ka hadlayey ayaa shacabka Reer Awdal u diray fariin isugu jirta mana sheegasho iyo hanjabaad.

“Gobolka Boorame hadaan u soo noqdo, Gobolka Awdal waa Gobolka Somaliland inta ay jirtay aan weli Madaxtooyada ka dhamaan” ayuu yiri Wasiirku. hadalka oo ukaa fariin Wasiirku waday, ma ahayn mid reer Awdal ku munaasib ahayd, sababtoo ah:

  1. Jabadaha iyo kooxaha degaamada Awdal laga sheegayaa uma eka wax Reer Awdal u dhan yihiin ama taageersan yihiin, waxayna u muuqataa falal dad tiro yar iyo gacmo kale dabada ka riixayaan, Reer Awdal waa dad nabadgelyo jecel, markaa in la isticmaalo, reer Dila, Boorame ama Awdal ma qabato, waana ciqaabtii iyo eedayntii Jamaaciga ahayd ee SNM kaga caban jirtay Askartii Kacaanka ee Wasiir Saleebaan Koore ka mid ahaa.
  2. Madaxweynaha ama Madaxweyne ku xigeenka iyo ka badanba xaq bay u leeyihiin, cidna ugama daba fadhiyaan, waxaana khalad in Wasiirku u dhigo wax saayid ah oo cid ama beel gaar ahi siisay.
  3. Inta Wasiirku 28 kii sano arkayey ninka keliya ee marba Reer Awdal Madaxtooyada Somaliland ka dhex jooga, maxay ugu muuqan weyday boobka iyo xaqdarada indho la’aanta ah ee Beesha Dhexe ka wado Somaliland, bal sawirkan eega Madaxtooyo, Xisbiyo, Garsoor, Goleyaal, Ciidamadii muhiimka ahaa, Wasiiraddii cuslaa, ilaa hoos lama tirin karo, WASIIR KOORE UMA MUUQATO MIYAA, MISE INAY XAQLE YIHIIN BUU U ARKAA? ilaa cadaalad la helo nabadgelyadu xasili mayso.

Shacabka Reer Awdal waxaan ku boorinaynaa oo ugu baaqaynaa inay nabadgelyadooda ilaashadaan.

Wasiir Saleebaan Yuusuf ha garto gobolkiisa uu maalin walba xumaanta ugu maahmaahayaa inay tahay fashilkiisa, nin degaankiisii ku filaan waayeyna cid kale talo iyo waano ka dhegaysan mayso, waxaan ku talinaynaa inuu ka waantoobo.

Daawo hadalkii Wasiir Koore:

madaxda beesha dhexe

Maxamed OW

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here