Wasiir Koore Cadowga Somaliland maanta Puntland iyo Deni maaha ee isbedelka la qabso

0
saleebaan cali koore

Markii aan daawaday hadalkii Wasiirka Biyaha Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore kaga hadlay Xil ka qaadistii Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhoobo-daareed, taas oo Wasiirku ku sheegay inay sharci daro ahayd, uu si weyna arimaha Puntland ugu farogeliyey, waxaa ii cadaatay in Wasiir Koore uu ka dacsan yahay oo aanu la socon, islamarkaana aan loo sheegin isbedeladii ugu dambeeyey ee Somaliya iyo Geeska Africa ka socday, oo uu weli aamisan yahay dhaqamadii ay 28 sano isticmaalayeen, xubnaha ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo aan maanta Somaliland waxba u anfacaynin.

Marka ugu horeysa, Puntland iyo Madaxweyne Deni maanta maaha cadowga ama cida ay is hayaan Somaliland, wuxuu u hiilinayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisulwasaare Kheyre oo ay ka go’an tahay Qaran Soomaaliyeed Raas kaamboodi ilaa Raas caseyr.

Marka labaad, xil ka qaadista sharci ahaanteedu waa arin Puntland iyo goleyaasheeda khuseysa, wixii u geeyaana waa hadal jaceyl iyo waxa Soomaaliya ka socda oo aanu fahmin.

Marka sadexaad, hadalka Wasiirku dhinac kasta waa ku waxyeelo, dadka Reer Badhan way ku sii fogaanayaan, ku digasho ayuuna ahaa, wuuna ku deg degay.

Marka afraad, Wasiirada Goboladaas ka soo jeeda waxaa ku waajiba inay feker iyo siyaasad wax ku ool ah la yimaadaan, ee maaha inay feen feentaan raq dad kale dilooday, hana garteen in dhaqamadii hore uu waqtigoodii dhamaaday, islamarkaana aanay deg degin haddii arintu intii ay yiqiineen dhaaftay.

Ugu dambeyn Xukuumadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa inay Puntland ka raaligeliso, faragelintii uu Wasiirku ku sameeyey Maamulkaas deriska ah.

Daawo hadalkii Wasiir Koore:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here