Wasiir Koore oo tegista degmadda Xuddun Mudaharaadyo uga baaqsanaya iyo Xil. Hanad oo la meeraysanaya

0
saleebaan koore taleex5

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ku sugan degmadda Taleex ayaa la sheegayaa inuu ka baaqsano socdaal uu doonayey inuu ku tago Degmada Xuddun, Awrboogays iyo degaamo kale, kadib markii uu ka baqay in dadka degaamadaas ku dhaqani ay nudaharaad kala horyimaadaan.

Wasiir Saleebaan ayaa booqday degaamadii Raaskooda iyo Ceelashii ay reerahooda ka cabi jireen, balse wuxuu ka cabsanayaa inuu wejiga siiyo degaamadii beelweyntii kale oo ilaa Ceerigaabo degan.

Illaa shalay waxaa si hoose loola xiriirayey odayaal ka soo jeeda degaamada uu Wasiirku doonayey inuu tago, kuwaas oo la sheegay inay guuldareysteen, isagoo dhowr maalmood Taleex ugu xaniban.

Xildhibaan Hanad Xaashi Axmed oo ka tirsan Golaha degaanka Hargeysa oo Wasiirka Garwadeen u ah ayaa la sheegayaa inuu Xarumihii Daraawiishta kula meeraalaysanayo.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Ku xigeen Puntland iyo Wasiiro kale ay iyaguna isla degaankaas ka soo jeedaan, kuwaas oo socdaalka Wasiirka u arka in Somaliland ay doonayso inay xasarad hor leh ay degaamadaas ka abuurto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here