Wasiir Raaf raagelin loogama baahna “JINN BAA KA DHEX QAYLINAYEY” dembi ma leh

0
Cabdirashiid Qambi3

Hadaladdii Cali Khaliif mudo dheer ku hadlaayey waxaa ugu xigmad badnaa “WAR HADDII DHAGAX LAGUGU SOO TUURO MA DHAGAXAAD QABSANAYSAA, MISE NINKII KUGU SOO TUURAY?” eedayntii been abuurka ahayd ee Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland, Cabdi Rashiid Ducaale Qambi kala dul dhacay Shirkadda Hass waxay la mid tahay Dhagixii Cali Khaliif sheegay oo cid baa soo tuurtay, sidaasdarteed wax raaligelin ah loogama baahna, talaabada Shirkadda hass lagula kacayna waxba kama duwana xarigii Internetka ee Ganacsata ee SSC loo diiday in Laascaanood la keeno, iyadoo loo daneynayo Nin reer hargeysa ah oo xarig kale oo Internet Jabuuti ka soo jiitay.

Qadiyadu waa ka weyn tahay Shirkadda hass ee waxaa loo baahan yahay in laysku taago masiirka shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, Wasiir Qambina waxaa ka dhex qaylinayey Jinkii mudada 20 sano ka badan dhibta kala duwan ka geystay Goboladda SSC sida; Xasuuqii Kalshaale, Qoorweyntii iyo Guurtidii degaamada ee suuqa lagu toogtay, iska horkeenay beelaha walaalaha, Caruurta iyo dumarka banaanbaxaya ee lidka diyaaradaha loo adeegsaday, waxaa hubaal ah in kuwii tacadiyaas geystay ay maalin aan dheeray cadaaladu cayrsan doonto sida Cabdirashiid Janan.

Jamhadda SSC ee Shirkadda Hass lagu eedeeyey waa ciidamadii Khaatumo, waxayna ku joogaan rabitaanka shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana jiraan si ay uga dhabeeyaan muraadkii Khaatumo loo Aasaasay, hadalka nin Hargeysa ka qaraabanayaana waxba ka bedeli maayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here