Wasiir Sabriye: Ahlusunna ha joojiyaan jidgooyada ay u dhiganayaan xulista Xildhibaannada Galmudug

Sabriye

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo sharraxaad  ka bixiyay heshiiskii ay horay  u wada galeen Ahlusuna iyo dowladda, ayaa sheegay in Ahlusuna ay markii hore si adag ugu gorgortameen in Xildhibaanada Galmudug ee la dhisi doono laga siiyo 50%, si loo furo wada-hadalka labada dhinac.

Balse, sida uu sheegay markii dambe lagu qanciyay wax u dhigma 35% in laga siiyo Baarlamaanka, si loo furo wada-hadalka iyaga iyo dowladda, maadaama laga fursan waayay in dalabkaasi la fuliyo, si looga gudbo muranka iyo is-qab-qabsiga, loona dhiso Galmudug midaysan.

Fahamkeyga wareegtada ay baraha bulshada ku faafiyeen Ahlusuna ee ay rabaan in caddeyn uga dhigtaan in laga balan-qaaday 35 ka mid ah in laga siiyo 89-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiilada Galmudug intaas cid dafirtay oo aan ogahay ma jirto, sida horay u sheegay waa qiimihii looga iibsaday Midnimada Galmudug iyo albaabka wada hadaladu inuu furmo”ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Wasiir Sabriye ayaa xusay in iyadoo hawshu sidaasi tahay, haddana Ahlusunna uu deg deg ka muuqdo, xilli aan weli la gaarin ballantii lagu heshiiyay ee ahayd saamiga 35% in laga siiyo xildhibaannada la soo xuli doono ee dowlad goboleedka Galmudug.

Dowladda federaalka juhdi kasta ayay ku bixineysaa in balan-qaadkaas fulo, waxaase la rabaa in la ogaado in dastuurka federaalka iyo dhammaan kuwa dowlad goboleedyada si cad u qeexayaan in xulista Xildhibaanada Golaha wakiilada dowlad goboleed kasta ay tahay mas’uuliyadooda dhaqanka beelaha degan dowlad goboleedyada, dowladda federaalka waxay garowsan tahay cida 35 xildhibaan ee Ahlusuna loogu tagayo ay tahay odayaasha dhaqanka Galmudug” ayuu sii raaciyay.

Wasiirka ayaa ugu baaqay Ahlusuna in ay joojiyaan degdega iyo ixtiraam-darrada, si loogu fuliyo heshiiska, isagoo ku boorriyay, inay ka qeyb qaataan hannaanka dib u-heshiisiinta iyo maamul u-dhisida dowlad goboleedka Galmudug, ayna ka daayaan jidgooyo uu sheegay in ay u dhigayaan habka xulista Xildhibaanada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here