Wasiirada arrimaha dibadda KENYA oo timid Muqdisho

somalia kenya flag

Wafdi culus oo ka socda dowladda dalka Kenya, isla-markaana ay hoggaamineyso wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, Raychelle Omamo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Raychelle Omamo iyo wafdigeeda ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq & mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dibadda Kenya ay wada-hadallo gaar ah la yeelan doonto dhiggeeda Soomaaliya, sidoo kalena waxay la kulmi doontaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha.

Inta badan wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, si meesha looga saaro mad-madowga soo kala dhex-galay labada dhinac.

Sidoo kale ilo wareedyo ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa innoo xaqiijiyey in wada-hadalladan waxyaabaha looga hadli doono ay sidoo kale ka mid yihiin isu socodka shacabka labada dal, xiriirka ganacsi iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dhowaan dib loo soo celiyey.

Kulamadan ayaan wax shaqo ah ku laheyn arrimaha badda iyo dhex-dhexaadin la sheegay in Midowga Afrika uu isku dayi doono inuu ka dhex-sameeyo labada dal ee dariska ah Soomaaliya iyo Kenya, si loo dhammeeyo khilaafka ka dhexeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here