Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa kusoo baxay doorasho lagu qabtay magaalada Baydhabo, isaga oo ku guuleystay kursi ka mid ah xubnaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa la tartamay musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo uu kaga adkaaday doorasho ka dhacday gudaha magaalada Baydhabo.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa helay 74 cod, halka musharraxii la tartamayey uu isna helay 14 cod, sida uu shaaciyey guddoonka golaha wakiilada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa haatan sii soconeysa doorashada, iyada oo la guda galayo labada kursi ee kale ee ka harsan xubnaha Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya dhinaca Baydhabo.

Koonfur Galbeed ayaa horey usoo xushay shan Senatar, kadib doorasho dhowaan lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here