Wasiirka gaashaandhigga UK oo saxay qoraal uu dal ugu yeeray Somaliland

gavin williamson muuse biixi

Wasiirka oo axaddii booqday magaalada Hargeysa ayaa maanta bartiisa twitter-ka soo dhigay Isniintii qoraal uu ku yiri “Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, si aan ugala hadlo xoojinta xiriirka labadeena waddan. Waxaan sidoo kale fursad u yeeshay inaan arko shaqada qaar ka mid ah ciidamadeena ay ka wadaan Somaliland”

Wasiirka gaashaandhigga UK, Gavin Williamson, ayaa tiray qoraal uu soo dhigay twitter-ka oo uu Somaliland ugu yeeray dal, wuxuuna soo dhigay qoraal kale.

Akhriso qoraalkii hore:

Kulan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirka Gaashaandhigga UK Gavin Williamson

Si kastaba saddex saac kadib wasiirka ayuu qoraalkiisa ku sameeyey is-beddel wuxuuna ka saaray meeshii uu ku yiri labadeena waddan.

Qoraalka cusub ee wasiirka ayaa u dhignaa sidan “Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Waxaan sidoo kale fursad u yeeshay inaan arko shaqada qaar ka mid ah ciidamadeena ay ka wadaan Somaliland”, wuxuuna ka reebay intan “si aan ugala hadlo xoojinta xiriirka labadeena waddan”

Akhriso qoraalkii 2:

1 COMMENT

  1. Habar dhali wayday Aleelo ku waal-waalatay weeyaan xaalkiinu ee iska aamusa dawladuhi sidaa naaqusnimada ah uuma shaqeeyaane. Somalilaana waa dal jira oo aniga, adiga, wasiirka gaashaandhigga ee ingiriiska iyo duniduba taqaanee.

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.