Wasiirka Maaliyadda iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo kulan yeeshay

bayle iyo yamamoto

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Safiirka Mareykanka ee Somalia Amb. Donald Yamamoto.

Wasiir Beyle iyo Safiirka Mareykanka ayaa ka wada hadlay hawlaha dib u habaybta Maaliyada dalka iyo horumarka laga sameeyay Barnaamijka deyn cafinta ee IMF ay hormuudka ka tahay Wasiiradda Maaliyadda Xukuumadda.

Ambassador Yamamoto ayaa sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ku bogaadiyay Hindse sharciyeedyada dhaqaale ee dhawaan labada Aqal ee Baarlamaanka meelmariyay ay ka mid yihiin, kan Iibka Qaranka iyo furdooyinka.

“Barnaamijka deyn cafinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka waa mudnaanteena kowaad si aan dalkeenna iyo dadkeena u gaarsiino horumar wanaagsan iyo barwaaqo” ayaa yiri Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here