Wasiirka Warfaafinta: Nairobi waxay noqotay meesha lagaga soo duulo Soomaaliya

somalia kenya flag

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa faah faahin ka bixiyay tallaabadii dowladda Soomaaliya ay ugu yeeratay Safiirkii u joogay Naiorbi, kuna amartay Safiirkii Kenya ee Muqdisho joogay inuu wadatashi dib ugu laabto.

Wasiir Dubbe oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in Kenya aanay ka muuqan deris wanaag, isla markaana uu ka muuqdo damac riyo maalmeed ah oo ku hunguriyeyneyso dhulka iyo badda Soomaaliya.

“Nairobi waxay noqotay meesha Soomaaliya lagaga soo duulo, lagana noqdo heshiisyada lagu gaaray Soomaaliya, lagana soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed oo ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee dalkeena”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay dowladda Kenya inay u dhaqemeyso sidii faragelintii Nidaamkii TPLF ay ku heysay Soomaaliya.

Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in mar walba Soomaaliya ay muujineysay biseyl iyo siyaasad qaan-gaarnimo ah, ayna dhowrayeen derisnimada, isla markaana ixtiraamayeen, isagoo xusay in Kenya ay sanad iyo 10 bilood ka hor ay qaaday tallaabo ay ugu yeeratay Safiirkeeda, isla markaana safiirkii Soomaaliya ay dib ugu soo celisay Soomaaliya.

“In 10 Musharax intay Nairobi ka soo baxaan Xamar yimaadaan, ma doorashaa ma ololaa, waa qalqal gelin amniga, shacabka iyo midnimada iyo dalka, ka waran anaga haddii 10 musharax haddii aan xamar ka dirno oo diyaarad ka saarno oo Nairobi u dirno oo Kenyaati ah maxaa dhici lahaa”ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Hadalkan ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa wuxuu sii hurinayaa xiriirka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Kenya.

DAAWO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here