Wax ka ogow siyaasadaha Trump iyo Biden ee ku aadan Soomaaliya

trump iyo biden

Waxaa 3-da bisha dhawaan lagu wadaa in dalka Mareykanka ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada, taas oo la aminsan yahay in aysan khuseynin shacabka Mareykanka oo keliya balse ay sidoo kale saameyneyso dalalka caalamka.

Afartii sano ee uu xilka hayay madaxweyne Trump, waxaa uu qaatay go’aano aanan looga baranin siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, kuwaas oo saameeyay dad ay kamid yihiin Soomaalida.

Doorashada Mareykanka oo la aaminsan yahay inay saameyn toos ah iyo mid dadbanba ay ku yeelan doonta Soomaalida oo ay kamid yihiin qaxootiga, taageerada Mareykanka uu siiyo Soomaaliya oo ay kamid tahay amniga ayaa waxwalba oo kasoo baxa natiijada doorashada waxa ay noqon doonta mid jiheysa siyaasadda labada nin ee ku aadan Soomaaliya.

Maxay tahay siyaasadda Trump ee Soomaaliya?

Madaxweyne Donald Trump ayaa markii uu xafiiska yimid waxaa uu waxbadan ka baddelay siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, waxaana intii uu ololaha doorashada ku jiray loo arkayay nin siyaasadiisa aanay la jaanqaadi karin dalalka ay Mareykanka is-hayaan iyo qaxootiga Mareykanka uu qaabili jiray.

Madaxwene Trump ayaa dalka Mareykanka ka mamnuucay inay qaxooti ay kamid yihiin Soomaalida soo galaan, waxaana dadka Soomalaida ee Minesota uu ku tilmaamay dad qaxooti ah oo aan looga baahneyn gobolka.

Trump oo ay gorodda marwalba isugu la jiraa Ilhan Cumar ayaa dhawaan xilli uu durayay waxaa uu sidoo kale Soomaaliya ku tilmaamay dal aan laheyn nidaam dowladeed,wax boolis ahna uusan ka jirin.

Xilli lagu guda jira ololaha doorashada Mareykanka, madaxweyne Trump ayaa toddobaadyo kahor amray in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah ballan qaad uu horay u sameeyay oo ahaa in uu dib usoo celinayo ciidamada Mareykanka ee daafaha dunida ku sugan.

“In ciidamada Mareykanka dib loogu soo celiyo gudaha dalka ma ahan siyaasda lagu yaqaanay siyaasadda Mareykanka balse waa mid uu Trump soo kordhiyay balse waa loo baahan yahay si ay dadka Soomaalida uga tashadaan amnigooda”, ayuu yiri Jibriil Maxamed oo wax ka dhiga jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka.

Khubarro milateri waxay sheegeen in duqeymaha cirka ee ugu badnaa uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya intii uu xilka hayay Trump, aadna loo xoojiyay weerarada ka dhanka ah Al Shabaab haddii ay ahaan lahayd cir iyo dhul, maadaama ciidamada Mareykanka ay aad ula shaqeeyaan kumaandoosta Danab ee Mareykanka uu tababaray.

Trump ayaa dhowr jeer la arkay isagoo sheegaya haddalo qallafsan oo ka dhan magaca Islaamka.

“Tan iyo markii uu Trump xilka qabtay, waxaa aad u kala irdhoobayay waalidiin badan oo Soomaali ah iyo caruurtooda, wuxuu Trump aad u caayay Soomaalida Mareykanka, sidoo kalena waxaa sare u kacay Islaam naceybka”, ayay tiri Hodan Cismaan oo katirsan gollaha baarlamaanka ee Minesota, xubinna ka ah xisbiga Dimuqraadiga.

Haseyeeshee Feysal Diriye oo katirsan xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump ayaa ku doodaya in tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Trump aanan lagu duulin dal Islaam, maadaama sida uu sheegay inta jeer ee xisbiga Jamhuuriga ay qabteen xilka ay ku duuleen dalal badan oo Islaam ah.

Haseyeeshee dhanka kale madaxweyne Trump ayaa intii uu xilka qabtay waxaa uu Soomaaliya u diray safiirkii u horeeyay ee Mareykan ah, kadib burburkii, waxaana safiirka Mareykanka ee Muqdisho la sheegaa in uu yahay diblomaasi khabiir ah oo kasoo shaqeeyay dalal badan oo caalamka.

Sidoo kale xukuumadda Trump ayaa Soomaaliya ka cafisay lacag ka badan hal bilyan oo doollar oo qeyb ka ahayd qorshihii deyn cafinta Soomaaliya.

Maxay tahay siyaasadda Biden ee Soomaaliya?

Inkastoo ilaa iyo hadda aysan kala caddeyn siyaasadda Biden ee arrimaha dibadda, gaar ahaan Soomaaliya, haddana dad badan waxay aaminsan yihiin in ay isku siyaasad yihiin madaxweyne hore, Obama oo uu madaxweyne ku xigeen u ahaa.

Biden oo katirsan xisbiga Dimuqraadiga, aadna loogu yaqaano xoojinta dimuqraadiyadda ayaa intii uu xafiiska joogay waxaa xukuumadii uu katirsanaa aad loogu yaqaanay awood siinta ururada bulshada iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

“Musharax Biden iyo dimuqraadiga waxay aad u daneeyaan oo ay u taageeraan saxaafadda xorta ah, dimuqraadiyadda, xuquuqul insaanka, ganacsiga furan, awood siinta dumarka, dastuurka iyo doorashooyinka halka Trump uusan arrimahaas dan ka laheyn, marka hadda waxaa dhici karta in Mareykanka uu aad u daneyn doono Soomaaliya marka la eego kheyraadka Soomaaliya ku jira oo ay kamid tahay shidaalka”, ayuu yiri Jibrill Maxamed oo wax ka dhiga jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka.

Waxaa kale oo uu sheegay in Trump iyo Biden ay ugu kala duwan yihiin qaabka ay u wajahayaan dalalka Afrika oo ay Soomaaliya kamid tahay, Trump na uu marwalba xoojiyo halka uu ka arko dhaqaale ee Mareykanka.

Biden ayuu sheegay in haddii uu guuleysto la filayo in ahmiyad gaar ah uu siiyo dalalkas Soomaaliya ay kamid tahay, maadaama Shiinaha galaangal siyaasadeed, mid diblomaasi iyo mid ganacsi uu ku yeeshay Afrika, taasina ay wiiqeyso danihii Mareykanka ee qaaradda.

Madaxweyne Trump ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay waxaa uu booqday qaaradaha Aasiya, Yurub iyo bariga dhexe, balse ma uusan booqanin qaaradda Afrika oo madaxweynihii isaga ka horeeyay uu laba jeer booqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here