Waxaan ku idhi gacan-ku-dhiiglaha soo qabta waxay iigu bedeleen waa Somaliland-diid

0
koore iyo indho

Awooda dawladda oo si khaldan loo isticmaalo, shacabkana lagu waxyeeleeyaa waa astaan muujinaysa in la hayo wadadii burburka iyo dib-u-dhaca.

Ayaamihii xoriyada Somaliland waxaa laygu hayey xarunta CID ee hargeysa, sharci ima xirin ee waxaan u afduubnaa Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf oo hargeysa looga yaqaan Koore iyo Xildhibaan Indho Indho.

Masuuliyiintu waxay ka xanaaqeen soo qabta nin gacan ku-dhiigle ah oo ay bud-dhige u yihiin cidna ugu xigaan masuuliyiina u yihiin, waxay adeegsadeen awooda xilalka ay hayaan iyo aqoontii ay hargeysa ku lahaayeen, ilaa taliyaha Booliiska, hayadihii Garsoorka, iyo cidkasta oo ay khuseyso, waxaa dembi laga dhigay waa Somaliland-diid (Kacaan-diid) iyo Soomaaliya ayuu taageersan yahay, aniga ayaa halkii gacan-ku-dhiiglaha la geliyey.

Waxaa muuqata in masuuliyiinta awooda dawladnimada sida khaldan u isticmaalayaa aanay wax cabsi ah ka qabin madaxtooyada Somaliland, iyadoo ay ii cadaatay in muwaadinka si fudud loogu alifi karo dimbiyo macbil ah oo la mid ah kuwii lagu eedayn jiray Dawladii Kacaanka.

Wasiir Saleebaan iyo Xildhibaan Indho Indho 29 sano ayey Somaliland dadka ka ceshiimeysanayeen, waxaana hubaal ah inay siyaasiyiin badan ka cayrsadeen, dariiqanina uu yahay mid ay horey ugu soo aflaxeen.

Waxaan u Mahadnaqayaa hogaanka Baarista Dembiyada (CID) FAYSAL XIIS iyo ciidanka xarunta oo si wanaagsan iila dhaqmay mudadii aan masuuliyiintan u afduubnaa.

Cismaan Ibrahim Warsame

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here