Webiga Nile: Maxay tahay xulafada cusub ee Afrika ee Masar

ciidamada masar2

Dowladda Masar ayaa waxa ay iskudayaysaa inay xoojiso awooddeeda diblumaasiyadeed iyo mid milateriba ee ay ku leedahay gudaha Afrika, xilli ay sare usii kacayso muranka kala dhaxeeya waddanka Itoobiya ee salka ku haya dhismaha biyo-xireenka ballaaran ee uu dalkaas ka dhisanayo Webiga Nile, ayaa waxaa sidaasi qoray weriyaha BBC-da ee ka faallooda arrimaha Masar Majdi Cabdulhaadi.

Ururka Juquraafi-yahannada Masar, ee la sameeyay 1875, ayaa waxa ay kaydiyeen dikumintiyo muhiim ah oo ka tarjumaya danta fog ee ay Masar ka leedahay dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Waxaa dikumintiyadaas ka mid ah khariidad taariikhi ah oo muujinaysa in xuduudaha koonfureed ee Masar ay dhacaan Harada Victoria ee Bariga Afrika.

Ururka juquraafi-yahannada ayaa waxaa lagu sameeyay himilladii boqortooyada Masar ee mudada kooban jirtay, taas oo Suudaan hoos keentay maamulkii Masar, iskuna-dayday inay Itoobiya ku qabsato awood milateri intii u dhaxaysay 1874 illaa 1876. Arrintaas oo ku soo dhammaatay guuldarro bah-dilaad ah.

Ku dhawaad 70 sanadood kaddib, Masar waxa ay dib u saxday khaladaadkii boqortooyadeeda waa markii ay hoggaanka u noqotay dedaalladii loogaga soo horjeeday gumaystaha ee Afrika iyo goobaha ka baxsanba.

Hasayeeshee markii ay maquuratay dagaalladii Carabta iyo Israa’iil, waxaa hoos u dhacay xiriirkii kala dhexeeyay dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, sanadihii la soo dhaafay, Masar waxa ay dib u bilowday xiriir sare oo ay dalalkaas la yeelanayso, gaar ahaan dalalka uu maro Webiga Nile.

Masar waxa ay bilihii la soo dhaafay heshiisyo milateri iyo kuwa dhaqaale oo xiriir ah ay la saxiixatay dalalka Uganda, Kenya, Burundi, Rwanda iyo Jabuuti.

Qaahira ayaa waxa ay markii horaba heshiisyo isdhexgal ah oo muhiim ah ay la laheyd Suudaan, halkaas oo dhawaan ay labadaasi dal ka fuliyeen dhoollatus milateri oo ay wadajir u fuliyaan, kaas oo ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka iyo ciidammada gaarka u tababaranba.

Masar ayaa quwadeeda koronto waxa ay gaarsiisay waddanka Suudaan waxaan jira qorshe khadadka tareenka dalkaas lagu gaarsiinayo, iyadoo uu jiro qorshe wayn oo lagu dhisay khad tareen oo isku xira magaalooyinka Alexandria iyo Cape Town.

Waxa ugu muhiimsan ee keenay isbadelka siyaasaddeeda arrimaha dibadda ayaa ah biyo-xireenka muranka badan uu ka dhashay ee Itoobiya ay ka dhisanayso Webiga Nile, kaas oo loo soo gaabiyo (GERD).

“Masar ayaa muddo dheer waxa ay ku tiirsanayd diblumaasiyadda si ay u xalliso kala duwanaanshiyaha kala dhaxeeya Itoobiya ee salka ku haya biyo-xireenka GERD. Hasayeeshee waxaad mooddaa wadahadalladaasi ay miro-dhali la’yihiin,” ayuu yiri Nael Shama, oo khabiir ku ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Masar.

Cabsida abaarta

Tanzania waa tusaale kale, halkaas oo Masar ay si wayn u maalgashanayso biyo-xireenka way nee Julius Nyerere ee laga dhisayo Webiga Rufiji. Qaahira ayey iska caddahay inay doonayso inay caddayso mashruucaas uu tusaale u yahay sida ay u doonayso inay gacan ka gaysato horumarinta dalalka uu maro Webiga Nile.

Taasina waa farriinta ay Masar – oo aan lahayn hab kale oo wayn oo ay ku hesho biyo la cabo iyo kuwo beeraha loo adeegso webiga Nile ma ogiyee – ay isku-dayayso inay gaarsiiso caalamka.

Masar kama soo horjeeddo biyo-xireenka Itoobiya, hasayeeshee waxa ay aad uga walwalsan tahay saamaymnta ay arrintaas ku keeni karto qulqulka biyaha Nile haddii Itoobiya ay diiddo inay saxiixdo heshiiska sharciga ah ee qeexaya sida ay u maamulayso howlgalladeeda.

Waxa ay ka cabsi qabtaa suuragalnimada in biyo-xireenka uu burburin doono beeraha Masar uuna khasin uun gaarsiin doono dhul wayn, arrintaas oo horseedi karta abaar ballaaran iyo shaqo la’aan. Itoobiya ayaa dhankeeda, waxa ay biyo-xireenka GERD u aragtaa inuu muhiim u yahay horumarka ay doonayso inay ku tallaabsato, iyo korontada ay dadkeeda u baahan yihiin.

Xiriirro ganacsi oo adag unbaa lagu gaari karaa wax ka badan wixii lagu gaari lahaa maquunin milateri

Isbadelka ku yimid jihaynta iyo diiradda siyaasadda arrimaha dibadda ee Masar ee ku aaddan dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika ayaa sidaas daraadeed waxa uu ku yahay mid lala soo daahay, hasayeeshee, qaar ka mid ah dadka Masar ayaa waxa ay qabaan in waqti badan uusan tegin.

“Siyaasadaha casriga ah markii la eego awooddu ma ahan hubka iyo madaafiicda,” waxaa sidaas ku doodaya Walaa Bakry, oo ah aqoonyahan ka tirsan Jaamacadda Westminster ee UK kana talabixiya arrimaha ganacsiga.

“Heshiisyada ammaanka eel ala galayo qaar ka mid ah dalalka uu maro Webiga Nile sida Burundi, Rwanda ama Uganda waa arrin wanaagsan, hasayeeshee Masar ma siin doonto awoodda ay u baahan tahay,” ayuu qoray.

Xiriirro ganacsi oo adag ayaa lagu gaari karaa wax ka badan wixii lagu gaari lahaa maquunin milateri, ayuu ku dooday, isagoo soo hadal qaaday ganacsiga kooban ee Masar kala dhaxeeya sagaalka dal ee uu maro Webiga Nile.

“Ma jiro qof oranaya Masar waa inay dalalkaas ka soo iibsataa wax aanay u baahnayn. Hasayeeshee tusaale ahaan, dalalka uu maro Webiga Nile waxa ay soo saaraan kafee tayadiisu ay aad u sarrayso – Masarna waxa ay sanadkiiba kafee soo siisataa $95.5m, 95% waxa ay kala timaadaa meel ka baxsan qaaradda Afrika.

Dhanka kale, dareenka waddanka Masar ayaa waxa uu sii noqonayay mid ay cadaawad ku dheehan tahay. Maamulka Masar, madaxweynaha laf ahaantiisa, ayaa waxaa haysta cadaadis ballaaran oo ah in Itoobiya uu si adag ula dhaqmo.

Xitaa taageerayaasha Cabdulfataax Al-Sisi ayaa waxa ay bilaabeen inay si hoose ugu sheekaystaan wax aanan laga fakari karinba – guuldarrada ilaalinta xuquuqda biyaha Masar inay ka dhigan tahay inuusan xaq u yeelan doonin inuu dalka maamulo Sisi.

Masar ayaa waxa ay rajaynaysaa in dhisidda xulufo ku xeeran Itoobiya ay miro dhali doonto haddii ay laga maarmaan ay noqoto inay dagaalamaan dalkaas.

Masar iyo Suudaan ayaa waxa ay muranka biyo-xireenka geeyeen Golaha Ammaanka ee Qaramad Midoobay, iyagoo ka baaraandagaya suuragalnimada ah inay waxyeelayso nabadda iyo deganaanshiyaha gobolka.

Arrintaas ayaa waxaa hore loo geeyay Golaha Ammaanka, markaas oo dib loogu soo celiyay Midowga Afrika, kaas oo ku guuldarraystay inuu xal gaaro.

Qaahira iyo Khartuumba waxa ay arrintaas ku eedaynayaan Itoobiya, halka Addis Ababa ay Masar ku eedaynayso inay wadahadallada u adeegsanayso farsamo ay ku sii wadato siyaasaddeeda ay sida wax ku oolka ah ugu maamusho biyaha Masar – taas oo tixraac u ah saamiga libaaxa ee ay Masar ka hesho biyaha.

1px transparent line

Dhoolatuska milateri ee ay wadajirka u sameeyeen Masar iyo Suudaan ee dhawaan lagu qabtay Suudaan ayey iskacaddahay in looga gol-leeyahay in Itoobiya oo kaliya aanan digniin loogu diraynee balse ay caalamka oo dhan ku wajahnayd – iyo in labadaasi dal aanay ka gabbanayn inay awood milateri wax ku maquuniyaan haddii loo baahdo, oo arrinta biyaha ay u tahay mid nolol iyo geeri u dhaxaysa.

Heshiisyada Masar ee iskaashiga milateri ee ay la gashay Uganda, Kenya iyo Burundi ayaa u muuqanay mid farriintaas lagu sii kabayo, walow ay adag tahay in dalalkaas ay ogolaadaan inay galaan dagaal gobolka ka dilaaca iyadoo aanay halis ku jirin danahooda muhiimka ah ee qaranka.

Haddii ay gabi ahaanba guuldarraysato diblumaasiyadda, waxaanan shaki ku jirin in dadweynaha Masar ay taageeri doonaan tallaabo milateri waa haddii arrintaas loo baahdee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here